war Degdega !
Djibouti (lug)-guddoomiyihii isbaahaysiga dib u xoreynta Somaalia garabka Djibouti Sh.Shariif Sh.Axmad ayaa ku guuleystey loollankii madaxnimada Somaliyeed ee ka socday Dalka Djibouti wuxuuna ku guuleystey 293 cod.
iyada oo ay wareeggii 3aad ku tartameen Maslax Maxamad Siyaad Barre oo uu dhaley madaxwaynihii hore ee Somaliya oo heley 126 cod.
hadal uu Sheekh Shariif isaga oo faraxsan goobtii lagu doortey ka jeediyey ayuu ku sheegey iney dowladdiisu diyaar u tahay in nabad waarta laga dhaliyo geeska Africa , wuxuuna hoos ka xarriiqey in ayna Somalia ahayn meel dadka lagaga duulo, balse ay tahay meel ay degganyihiin dad masaakiin ah oo ay dalkooda dhibaato ragaadisey.
Sh.Shariif waxa uu ku ballan qaadey in uuna awood maroorsi iyo musuqmaasuq dhici doonin iyo inay dawladdiisu shacbiga si siman oo caddaalad ah ula dhaqmi doonto, iyada oo buu yidhi cidkasta Somali ah ahmiyaddeeda iyo qadarinteeda la siin doono.
Sh.Shariif waxa dhinacyada uu ku tilmaamey dableyda ka soo horjeedda barnaamijkan doorashada inay ka soo qayb gelaan, isaga oo cod sarreeya ku sheegay in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan, sidoo kale Madaxwayne Shariiif waxa uu ku ballan qaadey sixidda waxa uu ku magcaabey afkaarta qaldan ee diinta lagu xidhiidhiyo ee Somalia ka jirta.
madaxwayne Shariif waxa uu u mahad celiyey raysal wasaarihii hore ee Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu sheegey inuu kaalin wayn ka soo qaatey dib u heshiinsiinta Somaliya , sidoo kale waxa uu mahadceliyey dhammaan raggii la tartamay, Dawladda Djibouti iyo ergeyga qaramada midoobey ee Somalia Wald Cabdallah.
maanta 11:00 aroornimo ayaa loo ballansanyahay in xafladda caleemo saaridda madaxwaynaha lagu qabto huteelka kaanbiski ee ku yaal Djibouti.
05:00 aroornimo
Lughaya news



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sh.Shariif oo ku guuleystey Madaxnimada Somalia "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback