war Degdeg ah!
shshariif.jpgDjibouti (lug)Sh.Shariif Sh.Axmad oo ah guddoomiyaha isbaahaysiga dib u xoreynta Somalia garabka Djibouti horena u ahaan jirey guddoomiyihii midowga maxaakimta ayaa wareeggii 1aad ee doorashada madaxnimada Somalia  ee ka socota Djibouti  ku guuleystey 215 cod, iyada oo la filayo inuu sidoo kale ku guulaysan doono xilka madaxnimada ee lagu loolamayo, waxaana ku tartamayay jagadaasi 11 murashax waxayna kala heleen wareeggii 1aad:

1.Sh.Shariif Sh.Axmad                 215 cod
2. Maslax Maxamad Siyaad Barre       60 cod 
3.Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)     59 cod
4. Cali Khaliif Galeydh                             31 cod
5.Maxamad Cismaan Aadan (Etsan)  25 cod
6. Cabdi Raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) 10 cod
7.Axmad Xaashi Maxmuud     9 cod
8.Axmad Cawad Cashara    5 cod
9.Muuse Macallin Yuusuf     4 cod
10.Cali Xaashi Dhoore          2 cod
11. Yusuf Cumar Azhari        2 cod
 guddoomiyaha Barlamanka DKMG ee Somaliya ahna sii hayaha jagada madaxweynenimada dalkaasi Sh.Aadan Madoobe ayaa sheegeyay goor dhawayd in ay lixda nin ee ugu dhibcahaha badani distoori ahaan u gudbeen wareegga 2aad, haseyeeshee  ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in uu raysal wasaarihii hore ee DKG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Dr.Cali Khaliif Galeydh ay ka tanaasuleen loolanka wareegga labaad.

  12:45  habeennimo
Lughaya news