Waxa S/land ku soo fool leh Doorashadii loo tartamayey jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ay ka hadhay muddo labo bilood ah .waxana jirta in sadex xisbi ay isu diyaareen loolan adag sidii uu mid weliba uu guuleysan lahaa.Waxana intoodii badneyd soo dhamaatay loolankii iyo tartankii xisbiyada gudahooda ay ku soo bandhigi lahaayeen labadii xubnood ee isoo istaagi lahaa jagada Madaxweynaha iyo ku igeenkiisa.

Loolankaas  xisbiyada ay ku soo xulanyeen musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa ugu horeeyey xisbiga Kulmiye oo tartan adag uu dhexdiisa ka dhacay sidii loo hanan lahaa jagooyinkaas.Waxa uu ahaa tartan aad uxiiso badan oo xamaasadiisu ay gaadhay meel aad usareysa tasoo xisbiga kulmiye qarka usaartay inuu labo dhinac ukala jabo.Waxa taasi ay ka dambeysay markii loolan adag loo galay jagada musharaxa M/Weyne ku xigeenka.Halkaas musharaxa Eng.Abdirahman Seylici uu subax hore ku qureecday Mujaahid Abdiraxman Aw cali o horena jagadaas usoo qabtay.ka dib markii codkii laqaaday uu ku guuleystay isagoo Proffesor Ismaciilna uu ku taageeray ingineer Seylici.

Waxa arintan loo aaneynayaa inay aheyd qaraar istratagiyadeed oo  madaxda xisbiga iyo xubnaha wax dooranayey ay qaateen oo wax kaga bedeleyeen guuldaradii xisbiga soo gaadhay doorashadii hore oo Cabdiraxmaan AWcali ahaa musharaxa M/weyne xigeenka xisbiga.

Waxa xisbiga Ucid uu isna dhawaan ku dhaawaqay labada musharax ee ku guuleystay jagada Madxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ay tartankii ku guuleysteen Feysal Cali waraabe iyo Dr Maxamed rashiid Sheekh .Waxa la sugaba waxa xisbiga udub oo imika ku guda jira hawlihii ay ku soo bandhigi lahaayeen labada musharax ee Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Inkastoo ay jiraan xubno shaaciyey in tartankaas ay utaganyihiin jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Udub oo ay loolan xisbiga dhexdiisa la galayaan Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa .Hadana waxa la saadalinayaa inaan cidna kaga guuleysan Madxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa oo hadda talada haya.Magacyada loolankaas Udub  isu soo taagay waxa kow ka ah Cabdilaahi direwal iyo ku xigeenkiisa oo ah Maxamed Haaji Hadliye.waxa ay arintaas keentay  hadal heyn badan xisbiga dhexdiisa waxana  UDUBLAYAASHA mitidka ahi ay ku eedeeynayaan in labadan Musharax ay u adeegayaan xisbiga Kulmiye.Inkastoo  UDUBKA qun yarsocodka ahi ay leeyihiin waxa ay muujinayaan labadan musharax in xisbiga uu tartan xalaal ka dhacay.iyadoo ay aminsanyihiin inaanay sinanaba uga guuleysan Madaxweyne Rayale iyo ku xigeenkiisa.waxana ay rumeysanyihiin in weliba waxoogaa lasoo  ciyaaarsiiyo labadaas Musharax si loo muujiyo in xisbiga Udub uu ku dhaqmayo loolan iyo tartan xalaal dhexdiisa.

Waxa ay u egtahay in la soo gaadhay gabagabadii   sadex xisbi iyo musharixiintii utartami laheyd Doorashada madxtooyada S/land bisha March 29 keeda. Marka hadaba aad dib u eegto xubnaha u taagan jagooyinkaas Musharaxa M/wenaha iyo ku xigeenkiisa  sadexda xisbiba waxa arkeysaa in dhamaantood ay ka soo jeedan Gobolka Awdal iyo beelaha dhexe.Waxa hadaba meesha ka maqan beelaha Hartiga oo aan loolankass siyaasadeed aan ka muuqan  tasoo  dad badan oo reer S/land ahi ay ku dhaliilayaan axsaabta oo dhan.

Inkastoo dood kalana ay leedahay oo ay qabaan qaar ka mid ah S/land in tartanku uu furnaa laakiin beelaha Hartiga oo dhawaan ku soo biiray S/land aanay sinaba ugu  birdhigi karayn lolanka  Beelaha dhexe iyo Awdal oo muddo 17 ah sano hawshan ku soo jiray.

Si kastaba ha ahaatee waxay u egtahay in beelaha dhexe ay u oomanyihiin  Madxweyne marka aad eegto musharixiinta usoo saftay jagada Madaxweynaha o tiroba sadex ah.waxa kaloo ay u egtahay in reer Awdal ay u oomanyihiin Madaxweyne ku xigeen marka aad eegto tirada u soo safatay jagada Madaweyne xigeenka oo tiroba sadex ah tasoo salka ku heysa malaha inaanay hamuun badan uqabin jagadaas.marka laga reebo Rayaale oo lixdii sano ee u dambeysay talada wadankan Sl/land gacanta ku hayey.

isku soo wada xoori waxa muuqata in tartan  siyaasadeed  oo cafiimaad qabaa uu S/land ka jiro cid kastoo ku guuleysata doorashadaas Madaxtooyada  tasoo aan loo kala fadhiyin beelo beelo ee la isku dhafanyahay Bari ilaa galbeed. Dadka S/landna ay ka go’an tahay inay taageeraan cid kastoo ku guuleysata sidii horeba udhacday .

 GUUL IYO GOBANIMO AYAAN IDIIN RAJEYNAYAA .
 
Mohamed Dhiirane 
mohameddrn@yahoo.ca