Wejigii ugu sahlanaa arimaha Soomaaliya had iyo goor wuu ka soo gudbay Sheikh Shariif hase ahaatee ma ka gudbi doonaa miinada gudaha ku aasan? Sheikh Shariif waxa ku adkaan doona sida uu dhex ugu ahaan doono xoogaga Al-shabaab iyo dawlada itoobiya oo isku ah bisad iyo jiir.
Laba mid ayuun buu noqon Shariif in uu dhabihii qolyihii hore iska maro oo itoobiya uu ilaashado maadaama ay kaga xidhan tahay itoobiya arimo badan oo ay ka mid tahay in uu u qayshado hadii ay Al-shabaab wax is kaga tiring waayan dawladiisa oo ay debada u tuuraan.
Sidaa awgeed waa inuu helaa kalgacalka itoobiya si uu u helo denbi dhaafka maraykan iyo in uu taageero ka helo itoobiya haday arimuhu faraha ka haadaan. Taasina waxa ay daaqada ka saaraysaa xidhiidh soke oo uu la yeesho shabaab iyo kooxaha go’doonsan ee reer Asmara. Haduu ka maarmo shabaab waxa uu waayidoonaa meel dawladiisu salka dhigto maadaama xoogaga kacdoonku haatan inta badan faraha ku hayaan soomaaliya. Taasina waxay bilaabmaysaa marka uu dhawaan ka dego Sheikh Shariif Adiss Ababa oo uu ka qaybgalo shirka Afrikanka halkaas uga socda.
Sheikh shariif waxa ku adkaan sida uu meel isugu keeno kooxa diimeedka al-shabaab iyo Ahlu-sunne ,maadaama shabaab ay ku hoos dhuuman jireen maamulkii maxkamadaha ee Sheikh Shariif madaxa ka aha taas oo ay adagtay sida uu daacad ugu wada muujin karo labada fariiqo.
Waxa intaaba ka sii daran kooxo kale oo isnabaya oo ku jira baarlamanka oo horena dagaal ay fooda isu dareen Sheikh Shariif, diidanaana in la kordhiyo baarlamanka se laga maroorsaday talada sugayana jaanis ay madaxa ku fujiyaan Sheekha.
Dhibaatooyinka sugaya waxa ka mida sida uu wada shaqayn uga heli doono dawlad goboleedka Puntland oo ayadu ka sindhidhsanayd waxa ka socday Jabuuti ood moodo in ay weli dhegta ku hayaan idaacaddii C/laahi Yusuf. Taasi oo yaraynaysa quud darayn laga qabo in meel ay dabada dhigto looga xaadh xaadho Puntland.
Sheikh shariif waxa sidoo kale dhego fiiq fiiqan ku dhegaysanaysa J/Somaliland oo eegaysa kaadhka uu laciyaaro. Hadii sheikh sariif gaabiyo codkiisa ku wajahan Somaliland una muujiyo debecsanaanta Obame u muujiyay EERAAN waxa laga yaabaa in faranta ku furani ay koobnaato hadii kale wadadii qaaxo oo kale ayaa ku soo foodle maamulka Sheikh Shariif.
Hadaba waxa is waydiin leh sheikh shariif mayahay nin xirfadiisa siyaasadeed heersare tahay oo ka dabaalan kara caqabadaha horyaal madaxwayna kasta oo soo fuula kursiga madaxtimimada Soomaliya. Sheekha oo ku cusub ciyaarta siyaasada si fududna ugaga soo duulay from Macalim Madarasadeed to kursiga colaada la saaxiibka ah ma yaqaana sida loo maasho saan cadlayda reer Galbeed. Waxaas oo dhan waxa ay ka muuqandoontaa faylka loo furo Sheikh Shariif inta uu xilka hayo.
By Cali Cawaale Cismaan
Toronto, Canada
Ccawaale@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sheikh Shariif Ma Ka Dabaalan Karaa Duufaanada Siyaasadeed Ee Soomaaliya? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback