Hadalka madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ma aha mid laga raadin karo olole siyaasadeed. Waxa wax lala yaabo ah in xildhibaan Cali Xasan Maxamud (Cali Mareexaan), ku faafiyo saaxafada iyo Idaacadaha dibad yaalka ah ee loo samaystay in ummada Somalailand lagu kala qaybiyo warar ka fog xaqiiqada iyo gooni isu taga Somaliland.
Waxa shacabka reer Somaliland si marag ma doonta ah u wada og yahay inaanay jirin cid kaga adag qaddiyadda gooni isu taaga Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Qadiyada gooni isu taaga Somaliland waa go,aan shacabku u codeeyeen aftidoodana ku dhiibteen, mana jirto cid ka noqon kartaa.
Waxan shacabka reer Somaliland u sheegaynaa inaanay ceebi ku jirin in la yidhaahdo Somaliya waxa taladeeda qabtay dad aan wada hadli karo, cidna ga habran mayno inaan qadiyada madax bannaanida Somaliland albaab kasta u araacno meel dheer iyo meel dhowba. Xilkaasina waa mid saaran cidda hacabku u igmaday. ana jirto maanta qorshe miiska saran oo wada hadal dhex mara Somaliland
iyo Somaliya.
Waxan xildhibaanka u sheegayaa inaan qarannimo lagu dhisi karin tolla’ayda u wado,waxaanan kula talinayaa in uu Xisbiga Xagga dambe u fadhiisto oo u u muuqdo nin u hadlaya Xisbi Qaran oo la wada leeyahay, oo aan cid gaar hi lahayn.
Cumar Jaamac Faarax
Gudoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Xafiiska Xisbiga UDUB "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback