Gudoomiye waxaad hadalkaga ku bilowday waxa wax lala yaabo ah in xildhibaan Cali Xasan Maxamud (Cali Mareexaan), ku faafiyo saaxafada iyo Idaacadaha dibad yaalka ah ee loo samaystay in ummada Somalailand lagu kala qaybiyo warar ka fog xaqiiqada iyo gooni isu taga Somaliland.
Runta hadii aad doonayso waxa wax lala yaabo ah madaxwayne ku xigeen dhen oo wadankii la yidhi ilaali maba jiraba yidhi, waxa kale oo ah wax lala sii yaabo gudoomiye sheeganaya in uu urur dhan u qaabilsan yahay siyaasada in uu difaaco hadal loogu talo galay in qaranka wax lagu yeeleeyo.
Beni aadamka waxaa la yidhi qaarbaa maskaxda cidbaha laga geliyay, inta aad Xildhibaanka dalkiisa difaacaya aad la yaabayso maxaad ula yaabi wayday madaxwaynaha wadankii loo dhiibtay yidhi ma jiro.
Hadii aad yaabayso iyo hadii aad duulayso waxad ogaataa hadalkaa madaxwaynuhu ku hadaaqay waa hadal in lagu ciqaabo mudan.
Ugu danbayn siyaasada aad u qaabilsan tahay malaa waxa weeye duminta somaliland. Waxaadse ogaataa somaliland shacabkii dhacsaday baa hareeraha ka jooga idinkuna xaqiiqo waxa ah in aad duunduumi doontaan waayo wacadkii iyo damaanadii shacabka ayaad ku tumateen.
Gudoomiyaha
Somaliland Independent Watch
Abdihanaan S Hersi
London UK
Abdihakim.Hersi@ncn.ac.uk


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jawaab Ku Socota Gudoomiyaha Siyaasada Ee Xisbiga UDUB Mudane Cumar Jaamac "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback