Marka hore waxaan salaamaynaa bahda saxaafada meelo kastoo ay joogaan, salaan kadib hadii aanu nahay bahda ku midawday kobcinta iyo barashada saxaafada ee ku sugan magalaada Burco waxaanu halkan ku muujinaynaan tacadiga iyo dhibta lagu hayo saxaafada maddaxbanaan ee Somaliland.
Mar iyo laba maaha bishan gudaheedii markii jidh dil loo gaystay bahada saxaafada, tusaale ahaan hadii aanu soo qaadano dhacdooyin-kii u danbeeyey ee bishan February 2009.
Gobolka Hargeisa
Gobolka hargiesa waxaa lagu xidhay bishan gudaheedi tafatiraha Radio Horyaal iyo masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye, xadhiga weriyaha ayaa lagu sababeeyey war aan sal iyo raad toona lahayn.
Dhacadiid ugu danbasay oo ka dhacay Dacar-Budhaq, kadib markii weriye la socoda xisbiga Kulmiye kana mida weriyayaasha HCTV, kaasi oo ay boolisku ku amreen in uu soo raaco, kadibna ay halkaas gacanta ku saareen, isla markaan ay u geysteen jidh dil aad u daran.
Gobolka Saaxil
Isla bishan gudaheedii waxaa xadhig loo gaystay laba weriye oo ka tirsan labada wakaaladood ee Haatuf News iyo Television-ka maddax-banaan ee Somalilad Space Channel, kadib markii ay labda weriye sawiro ka soo qaadeen raashin dhacay oo uu leeyahay ganacasade oomar, laguna eedeyey falkaasi.
Sidaasi daraadeed hadii aanu nahay ardayda iyo maamulka maxadka Tobabarka suxifiyiinta ee Nuradin ee Gobolka Togdheer, waxaanu leenahay ha laga daayo tacadiga iyo dhibta lagu hayo saxaafada maddax-banaan.
Dhanka kale waxaanu ku war galinaynaan bahda saxaafada in ay meel uga soo wada jeestaan, oo ay isku duubni ka muujiyaan hawshooda suxufinimo, isla markaana ay ka dhiidhiyaan dhibta iyo dilka lagu hayo saxafiyiinta ay isku goobta joogaan ama ay isku shaqada yihiin.
Waxaa baaqan soo saaray koox suxufiyiin ah oo wax ka barata machadka Tobabarka Saxaafada ee Nuradin Institute (Burco/Somaliland), waxaanay kala yihiin:
1) Ibraahim Abdirahman Qaasim (Tobabare Saxafadeed)
2) Abokor Carab ileeye (Arday)
3) Amal Khaliif Max’ed (Ardayad)
4) Axmed Xiis Cabdi (Arday)
5) Axmed Mahad Haybe (Arday)
6) C/casiis Cawil Max’ed (Arday)
7) C/kariin Axmed Qorane (Arday)
8) C/naasir Max’ud Xirsi (Arday)
9) C/rashiid Saxardiid Ibraahim (Arday)
10) C/wahaab Rashiid Muuse (Arday)
11) Muna Cawil Max’ed (Ardayad)
12) Sagal Yuusuf Ibraahim (Ardayad)
13) Daahir Cali Ibraahim (Arday)
14) Diiriye Cabdi Jaamac (Arday)
15) Faysal Cali Ducaale (Arday)
16) Ibraahim Xirsi Max’ed (Arday)
17) Max’ed Max’ud Haybe (Arday)
18) Max’ed Salaad Cali (Arday)
19) Max’ed X. C/laahi Jaamac (Arday)
20) Mustafe Axmed Diiriye (Arday)
21) Sahra Max’ed Cali (Ardayad)
22) Muna Ismaacil Haaruun (Ardayad)
23) Nasra Kayse Diiriye (Ardayad)
24) Siciido Axmed Xasan (Ardayad)
Reported by: Ibraahim Abdirahman Qaasim
Burao/Somaliland
Qaasim
Qaasin05@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Baaq Ay Wada Jir U Soo Saareen Arday Suxufiyiin Ahi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback