1. Somaliland waxaan u ahay duq iyo waayeel.
2.Dar illaahay weeyaan inay Ani i doortaane.
3.Mar hadday waxay doonayeen damacii beenoobey
.

4. Oo aan rag ii daacadoo dirira aan yeeshay.

5.Mar haddaan hubkay ila damceen dib ugu liishaamay.
6.Oo aan dagaalkay galeen daaqad kala boodey.
7. Mar haddaan waxaan doonayaba cidiba diidaynin.
8. Oo aan damaashaad ku maro dunida guudkeeda.
9.Dantaydii haddaan gaadhay oo daaro badan jeexday.
10. Inay duubka boqor ii xidhaan doorkan waan heliye.

 11.Shicibkaa i doortee ninkii dudaya yeelkiise.
12. Deeganta roob baan u ahay dayrtan maanta ahe.
13. Hadday Daahiroow leeyihiin diif intaan badaye.
14. Markaasaan u daadshaa nin helay doollar baan ahaye.
15.Dekedaha markaan xidhay miyay doonni wadda raacday..
16.Iyagaa is dooxee cidkale uma dulloobeene.
17. Dalluun laguma tuureen waxay doonayeen abide.
18. Derbiyada ma jiifeen agoon loo daweriyaa.
19.Durbaan uma garaacdeen Nimaan ahayn hawl kar daacadahe.

20.Dastuurkay dhigteen iyo haddaan doorashaba diido.
21.Waa ii diyaar ciidankii daacadda ahaaye.
22. Iyagoo dubaabado watiyo kaare daba jooga.
23. Duhur sow ma layn karo iyagaa doortay cadowgoode.
24. Haddaanse dawladnimaday rabeen dabin u soo qoolay.
25.Oo aan kuwaan hore u dilay cidi u doodaynin.
26. Mar haddii diktooradii la xidhay duudsi laga yeelay.
27.Isku duubnidoodii haddaan deyr u kala ooday.
28. Derejadii Siyaad ii xidhaan daawadeed helaye.
29. Oo ay dibnaha ruugayaan diricyadoodiiba.
30. Inaan Xamar ku daro baan rabaan doorkan maanta ahe.
31. Allahayoow waxaan daarranahay doqoni waa moogee.

Calikhadar Xassan Cismaan.
Sweden.
dhagaxdheer1@hotmail.com

Fikradda Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews