Borama-(Lug)-Xaalad Biyo yaraan xoogan ah ayaa laga soo sheegayaa deeganada Agamsamaha ee degmada Boon sidan waxa Lughayanews u xaqiijiyay Duqa degmada Boon Raage Aw Cismaan Waaberi oo Lughayanews kula soo xidhiidhay khadka Telephoneka isagoo ku sugan Magaalada Boon.

Waxaa kale oo uu Maayarku sheegay in ugu yaraan 6000 oo qoys ay xaaladan biyo yaraanta ahi ay waxyeelaysay sanadkan gudihiisa waxaana uu arrintan ku sababeeyey biyihii Ceelasha ahaa ee ka qodnaa dooxa Agamsaha oo ay dadka iyo duunyaduba ka cabi jireen oo gudhay.

Waxaa kale oo wararka ka imanaya degmada Boon ay sheegayaan in dadka degan degaanada Gargooray iyo Xaliimaale oo hore u biyo la’aa ay iyaguna qayb ka yihiin dadka ay biyo la’aantu wax yeelaysay.

Gudaha magaalada Boon inkasta oo ay biyo wanaagsani ka jiraan hadana waxa jirta Cabsi laga qabo biyo la’aan magaalada ka dhacda sabobtoo ah waxa usoo aroora maalinwalba boqolaal qof oo ah dadka degaamada Agamsaha ee ay biyo la’aantu hayso waxaana intaasi sii dheer in dadka qaar ay biyo u raadsadaan in ka fog 20Km.

Maayarka degmada Boon ayaa waxa uu sheegay inaanay awoodayn Maamulka degmadu wax ka qabadka Arrinta waxaana uu ugu baaqay wasaarada Macdanta iyo Biyaha, Xukuumada iyo Hayadaha Caalamiga ah inay gargaar la soo gaadhaan dadka degmada ee ay Biyo la’aantu wax yeelaysay

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews Borama