Borama-(Lug)-Xaflad lagu maamuusayay Dayactir iyo Fasalo cusub oo lagu kordhiyay dugsiga Hoose/Dhexe ee Jaaraahorote oo ka tirsan Dila ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Iskuulkaasi.

Munaasibadaasi waxaa ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Waxbarashada G/Awdal C/raxmaan Saleebaan, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Gudoonka waxbarashada Gobolka Awdal Xasan Aye Subagle, Masuuliyii ka tirsan Waxbarashada Gobolka iyo dadwaynaha ku nool Jaaraahorote ayaa waxaa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee waxbarashada Gobolka Awdal C/raxmaan Saleebaan Xasan waxuuna sheegay in dadwaynaha ku nool Jaaraahoroto kaalin muuqata ay ka qaateen Iskuulkaasi dib u dhiskiisa, taasina waxa uu ku tilmaamay mid ku dhiiri galinaysa caruurtooda inay waxbarashada sii wataan waxuuna u mahad celiyay hayada NRC oo uu cadeeyey inay dib u dhiska ka qayb qaadatay.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaraahoroto Cismaan Muxumed Aare waxuuna amaan balaadhan usoo jeediyay wasaarada waxbarashadu talaadaba horumarineed ee ay ka qaadato xaga Iskuulada iyo tayaynta waxbarashada, Gudoomiyuhu waxuu amaan iyo Mahadnaq u jeediyay Xukuumada Somaliland oo uu cadeeyey iyo dadaalo xoogan oo lagu dhiiri galinayo ay ka wado degmooyinka iyo Gobolada dalka waxuuna sheegay inay arrintaasi tahay mid ay ku taageerayaan xukuumada hogaanka dalka haysa.

Iskuulkan Jaaraahoroto oo ay dhigtaan Arday gaadhaysa 149 Arday oo 45 ka mid ah ay Gabdho yihiin waxaala dhisay Sanadihii 1750 meeyadii taasi oo Arday badan oo degaankoodii ku sugan isla markaasina Maamulada ka jira dalka iyo Aqoonyahanada dibadaba ka mid ah ay ka soo baxeen Dugsigan balse maanta lagu kordhiyay dhismayaal cusub oo ka kooban labo Fasal iyo dib u hagaajinta Fasaladii hore ee ka jiray Degaankaasi ay yihiin kuwio wax wayn ka taraya inay ku dhiiradaan caruurta halkaasi wax ku barata siday u dhamaysan lahaayeen ilaa dugsiyada dhexe.

Waxaana Iskuulkani wax ku barta Fasalka Koowaad iyo Fasalka Lixaad inta u dhaxaysa waana mid lagu faani karo waxaana imika laga sameeyey Xarun lagu quudiyo (Feeding Center) Caruurta waxka barata Halkaasi, dadwaynaha degaankaasi ku dhaqana waxaa looga baahan yahay ilaalinta iyo daryeelka iskuulkaasi oo wax badan ay ka faa’iidi karaan.

Wariye
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama