Ceerigaabo-(Lug)-Maanta waxaa munaasibad balaadhan oo xadhiga looga jarayey Jaamacada Sanaag lagu qabtay hoolka shirarka ee Mahuraan, munaasibad xadhiga jaamacada looga jarayey oo ay ka soo qayb galeen madaxda dawlada, waxgaradka, ganacsatada, siyaasiinta, culimada, haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaa si rasmi ah xadhiga uga jaray Badhasaabka gobolka Sanaag (Cali Cabdi Hurre) oo lahaa hindisaha jaamacada.

Badhasaabka ayaa sheegay isna dhankiisa inuu aad ugu faraxsanyahay furitaanka Jaamacada Sanaag uuna aad ugu mahadnaqayo Gudida Horumarinta Gobolka Sanaag dedaalo badan oo ay sameeyeen ka midho dhaliyey furitaanka jaamacad ay yeelato Sanaag taas oo uu sheegay inay tahay guul u soo hoyatey bulshada reer Somaliland iyo gaar ahaanba reer Sanaag, waano, hoga-tusaalayn, iyo iftiimin ka dib waxa ugu danbayntii badhasaabku halkaas ugu baaqay bulshada reer Sanaag dhamaantood inay ka qayb qaataan horumarinta gobolka.

Dhanka kale waxaa warbixin ka bixiyey furitaanka jaamacada Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Sanaag (Cabdilaahi Axmed Daamur) gudoomiyaha ayaa ka warbixiyey marxaladaha ay soo martay furitaanka jaamacadu, isagoo sheegay in daraasaad badan oo ay sameeyeen ay ka heleen maxsuulka ah in loo baahanyahay Jaamacad ayna iminka tahay wakhtigii ku munaasibka ahaa in la sameeyo, isagoo ka hadlayay arimaha ragaadiyey in gobolku yeesho jaamacad ayaa ku sababeeyey in aasaaska jaamacadu noqoto mid adag kana tayo sareysa jaamacadaha dalka iyo geyigaba ka saraysa isla markaana laga faa’iidaysanayo khibradihii iyo waayo aragnimadii jaamacadihii hore loo aasaasay, waxaa gudoomiyuhu aad ugu mahadnaqay gudiyada ka qaybqaatay dedaalada loogu jirey in jaamacadu furantay oo ay ka mid yihiin Jaaliyada reer Sanaag ee Australia, UAE, UK oo dhiirigelin badan, waxaa uu gudoomiyuhu ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’antahay in hiyiga iyo hiigsiga horumarineed ee gobol ay ugu tafo xaydsan yihiin ayna geed gaaban iyo geed dheerba u korayaan.

Jewiga oo ahaa mid xamaasadi ka muuqato iyo raynrayni ayaa waxaa isna dhankiisa ka hadlay aqoonyahan Raage Maxamed Jaamac oo isna dhankiisa warbixin kooban ka bixiyey taariikhda gobolka dhanka waxbarashada isagoo tibaaxay in gobolka Sanaag uu ahaa hoyga aqoonta ee geyiga Soomaaliyeeed oo dhan isla markaana aqoonta looga soo doonan jiray gobolka uuna lahaa waxbarasho tayo leh isagoo u soo qaatay tusaale kaalintii dugsigii Dayaxa, waxaa uu Raage dhankiisa u hambalyeeyey yagleelida Jaamacada Sanaag kana dhabeeyey riyada ah in Sanaag Jaamacad yeelato.

Waxaa isna munaasibada hadalo qiiro xambaarsan ka jeediyey maamulaha shirkada Dahabshiil Ceerigaabo (Faysal Faash) oo isna korka xaadis ku sameeyey waaqiciga dhabta ah ee loo aasaasay jaamacada tilmaamayna in dhibaato weyn ay ka haystaan ardayda gobolada kale jaamacada u doonta, ayna sababtay iyadoo aanay jirin jaamacad aynu leenahay waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan duruufo dhaqaale oon u suuro gelin ardada intooda badan inay helaan fursada ay ku tegayaan gobolada kale Sanaag Universityna ay u noqon doonto xal mushkiladahaas, Faash wuxuu dhankiisa ugu bushaareeyey ardayda inay maanta haystaan fursadan qaaliga ah.

Ugu danbayntii qudbado badan ka dib waxaa si rasmi ah microphone-ka ula wareegay deanka jaamacada Pro. Ibraahim Axmed Siciid (Balayax) , isagoo uu soo bandhigay qorshaha uu ku wadayo jaamacada mudada Sanadka hore isagoo sheegay in lagu bilaabi doono School of Tropical Medicine and Health Sciences [ STM&HS], School of Applied science , statistics, engineering and technology [ASSET] iyo School of Natural Science and Mathematics waxaa kale oo Deanka jaamacadu sheegay in jaamacadu diyaarin doonto laba program oo degree ah oo kala ah Six year medicine program, Four year program in: public health science, civil/ environmental engineering, Biology, Chemistry, Physics, Maths and material science. Waxaana uu Pro. Balayax sheegay in is diwaan gelinta jaamacadu bilaabmayso 27-02-2009 ka dibna la siin doono ardada foundation year si ay ka dib loogu kala saaro faculty-ska ay qaadan doonaan.

Sanaag.org