Hargeysa-(Lug)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanay suurtogal ahayn inay Doorashada Madaxtooyadu ay qabsoonto 29 March oo ah Wakhtiga loogu talo galay sidan Waxa ay Komishanku sheegeen Maanta mar Gudoomiye Jaamac Sweden ku xigeenkiisa Cali Biikolo iyo Xubin kale oo wehelinaysay ay hortageen Golaha Wakiilada, oo maalintii shalay ahayd Dalbaday inay Komishanku hor yimaadaan si ay Warbixin u siiyaan.
Komishanku waxa ay ku micneeyeen Dib u dhacan ku imaanay Doorashada dhor sabobood, waxa aanay ugu horeyn Tibaaxeen in aanay hayn wax lacag ah oo ay doorashadu ku qabsoonto, Isla markaana waxa ay sheegeen in ay Xukuumada iyo Deeq Bixiyayaasha ay ka sugayaan Lacagtii ay ku dhaqaaqi lahayd howlaha Doorashooyinku.
Waxaa kale oo ay xuseen in aanay ilaa hada suurto galin in laga shaqaysiiyo Server-kii Guud ee loogu talo galay kala sifaynta dadka is diiwaangaliyay iyagoo arrintan ka waramaya waxa ay sheegeen inay qaadan doonto in Muddo Labaatan cisho ah inta Serverku shaqaynayo ee ay soo saarayaan Liiska kama dambaynta ah (Final List ) ee dadka Codkooda dhiibanaya.
Komishanku waxa kale oo ay xuseen in aanay Gacanta ku hayn oo ay wali soo iibsan Waraaqihii Codbixinta iyo Khadkii Printerka ee lagu daabici lahaa Waraaqahaasi taasina ay suurto gal tahay in 34 Cisho ka dib marka ay helaan Lacagta deeqda ah ee howlaha lagu dhaqaajinayo ay soo gaadhayaan qalabkaasi.
Komishanku Duruufahaasi Saddexda ah ayaa ugu muhiimsanaa kuwo ay u sabobeeyeen qabsoomid la’aanta Doorashooyinka ee Wakhtigii loogu talo galay.
Lughayanews
Hargeysa Office


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Komishanka Doorashooyinka S/Land Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanay Doorashada Madaxtooyadu Qabsoomi Karin Wakhtigii Loo Muddeeyey Ee 29 March "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback