Borama-(Lug)-Xaflad Casho sharaf oo abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiinayo Shaqalaha Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa lagu qabtay Hotelka Rays, xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Laamaha kala duwan ee Shirkada iyo gabi ahaanba shaqaalaha Shirkada.
Ugu horeyna Madasha waxaa hadal waano ah ka jeediyay Deeq Cabdi Xasan oo ka mid ah shaqaalaha Shirkada Md.Deeq waxa uu ku dardaarmay cabsida Eebe iyo kuxidhnaantiisa waxaana uu sheegay inay Shirkadan Telesom ay aad u dhiiri galiso xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Adoonka iyo Eebihiisa waxaana uu ku dardaarmay in Shaqaaluhu ay Wanaaga isla Jeclaadaan.
Waxaa kale oo madashan ka hadlay Eng.Maxamed Cumar Ibraahim oo ah Engineer-ka Shirkada Telesom ee Galbeedka dalka waxaana uu ugu horeyn uu xusay in Shirkadani ay magaalada Borama soo degtay November, 1999 isla markaana ay Saddex bilood gudahood u suurto gashay inay howlaheeda bilowdo Februarys sanadii 2000, Isla markaana waxa kale oo uu xusay inay Isxilqaan iyo heerar faro badan oo ay soo martay ka dib Shirkadu maanta si rasmi ah uga shaqayso Magaalooyinka Boon, Xariirad, Saylac, Lowyacado, Borama isla markaana ay ku talo jiraan inay 100% gaadhsiiyaan Adeega Isgaadhsiinta ee Gobolka waxaana uu yidhi “80% howshayadu waa Guul, 20% hadhay waa mid gacanta lagu hayo, dhulka buuraha ah ayaa aad u howl badan hadii Allaha awooda lihi idmana waxaan 20% dhamaystiraynaa Sanadkan 2009 gudihiisa, waxaanan ka marag kacayaa dadaalkaasi oo dhan inay Shaqaalaha Shirkadu lafdhabar u yihiin”.
Maamule ku xigeenka Shirkada Telesom ee G/Awdal isla markaana ah Madaxa Iibka ee Shirkada Md.C/laahi Xaaji Maxamuud Jibril oo isaguna ka hadlay Madashan ayaa xusay in kulankani uu yahay mid muhiim ah oo ay ugu talo galeen inay ku soo bandhigaan waxqabadka Shaqaalaha oo lafdhabar u ah howlaha shirkada waxaana uu yidhi “Tukaraq ilaa Lowyacado Shirkadu way ka howl gashaa waxaanan ku amaanan Adeega aan dadwaynaha u fidino Shaqaalaha Shirkada”.
Mar uu ka waramayay korodhka Iibka Adeega shirkada iyo kasbashada macaamiisha ayaa waxa uu xusay inay taasi marag madoon tahay oo ay dadwaynaha reer Somaliland ee macaamiisha shirkada ahi markhaati ka yihiin.
Mar uu xusay Md.C/laahi Xaaji siyaabaha ay macaamiisha ku kasbadeen waxa uu yidhi “Caalamka oo dhan waxa aanu ka howlgalnay sidii aan usoo heli lahayn adeegyo hormarsan oo aan qaarkood lagu isticmaalin Qaarada Africa waxaana ka mid ah Adeega IPRS-ka loo yaqaan ee suurto galinaya Isticmaaalka Internetka ee Mobile-ka oo aan dhawaan hirgalinayno, Iskufurnaan Shariikadaha Dalalka Jaarka ah sida Somaliya oo aanu macaamiisha u fududaynay inay mobileska ay wataan kaga hadlaan iyo Qiime dhimis xoogan oo dalka iyo Dibadaba ah, waxa intaasi sii dheer Adeega E-Voucher-ka loo yaqaan oo suurto galiyay in qof walba uu si fudud u helo adeega Prepaid-ka shirkada, Waxaa kale oo jira in aanu ku dadaalnay qaadashada Talooyinka Macaamiisha”.
Md.C/laahi Xaaji mar uu la dardaarmayay Shaqaalaha waxa uu yidhi “Iibka Shirkadu iyo horumarkeeduba kor ayuu u socdaa idinka ayaana shaqaalow Lafdhabar u ah waxa hubaal ah inaanu ku gaadhnay isku duubni ee xoojiya isku duubnida, bulshadana wax ku darsada oo u shaqeeya.
Md.Cabdi Idiris Axmed oo ku hadlayay afka Shaqaalaha shirkada ayaa aad ugu mahadnaqay maamulka shirkada waxana uu xusay inay ku amaanan yihiin dhiiri galinta ay shaqaalaha u muujiyeen sidoo kale waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in isaga iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha la gudoonsiiyay Shahaado qaali ah oo wax ka taraysa soo bandhigida kartidooda waxaana uu shaqaalaha kula dardaarmay inay muujiyaan Daacadnimo, Dulqaad, Kalsooni, Isku xidhnaan, Karti dheeraad ah, Dadaal si ay u suurto gasho in la labo laabo howlaha adeeg ee ay shirkadu Bulshada u hayso.
Ugu Dambayntii kulankan waxa hadal taariikhi ka jeediyay Maamulaha Shirkada C/qaadir Aadan Nuur kaasi oo ugu horeyn xusay in la ictiraafo jiritaanka Eebaha suurto galiyay in horumarka intan leegi uu soo muuqdo loona mahadnaqo Rabi mar hadii uu na garansiiyay waajibaadkooda, laguna shukriyo wax badan mar hadii uu ogolaaday inay; caafimaad qab u gutaan howlahooda.
Maamule C/qaadir waxa uu u mahadnaqay Saamileyda Shirkada iyo Agaasimaha guud ee Shirkada oo uu xusay inuu yahay Shaqsi dadaal ku lumiyay dhiirigalinta Shaqaalaha shirkada, sidoo kale waxa uu u mahadnaqay Saxaafada Madaxa Banaan ee Gobolka Awdal oo uu sheegay inay si wayn ula shaqeeyaan Shirkada isla markaana ay iyagu yihiin kuwa soo bandhiga Waxqabadka dhabta ah ee Shaqaalaha Shirkada iyo Xidhiidhka ka dhexeeya Shirkada iyo Bulshada.
Md.C/qaadir waxa kale oo uu sheegay in kulankan uu sanadkiiba halmar dhaco looguna galo galay in Abaalmarino lagu gudoonsiiyo shaqaalaha Shirkada ee sanadkii tagay mutaystay waajibaadkoodana gutay waxaana uu sheegay inay tahay taasi lafdhabarta sida ay Shirkadu u ilaalinayso xaqa qofka shaqaalaha ah.
Mar uu ka waramayay xidhiidhka ay shirkadu la leedahay Bulshada waxa uu yidhi “ Lama soo koobi karo waxa aan ka howl galnaa Horumarka Bulshada ee Dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Sportiga, Dib udhiska Wadooyinka, Taakulaynta dadka tabaalaysan iyo guud ahaanba isku xidhka Qurba jooga iyo dadka gudaha, waxaan xusi karaa in shirkadu hirgalisay in Ardayda jaamacadaha dalka wax ku bartay ay siisay fursado ay kaga shaqeeyaan Shirkada Gudaheeda ka hor inta aanay qalinjabin waxa intaasi dheer inay Shaqaalaha qayb ka mid ah aan u dirnay deeq waxbarasho oo dalalka dibada ah”.
Waxa marar badan la iswaydiiyaa Telesom maxaa lagu yaqaanaa, balse su’aashan jawaabteeda waxa kuu sheegaya dadwaynaha waxana ay tahay Tayo Waa Telesom, Tayada la sheegayaana waa ta Shaqaalaha Gudaha iyo Adeegyada Bulshada loo qabto.
Ugu dambayntii Maamuluhu waxa uu si aad ah ula dardaarmay Shaqaalaha Shirkada waxana uu yidhi “ Waxa aad tihiin kuwa xaq lama ilaawaan ah ku leh Shirkada sidoo kale waxa aad tihiin kuwo soo bandhigay Sawirka qurxoon ee ay Tayadu ka muuqato ee ay dadwaynuhu ka marag kacayaan, Waxa aad tihiin kuwo ka rumeeyey halhayska shirkada ee ah Wax Igasho aan wax ku gashadee, waa hubaal in adeegyada shirkadu aanay la’aantiin suurto galeen, Waa Hubaal in dadka reer Awdal/Salal aanay u suurto gasheen adeega Isgaadhsiinta ee Telesom la’aantiin, waxaan idin leeyahay isku duubnida ayay wax walba inoogu suurto galeen dadaalkiina iyo foojignaantiina ayay ku socotaa Shirkadu sii labin laaban ogsoonaadana sanadkiiba hal mar hadii ilaahay idmo waxa abaalmarin mutaysanaya mid walba oo idinka mid ah oo muujiya Karit iyo Waxqabad”.
Madashan Caawa waxa abaalmarino lagu gudoonsiiyay 45 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha Shirkada waxase 6 Qof oo ka mid ah u dheeraa Abaalmarintan shahaadooyin ka marag kacaya Kartida iyo Waxqabadka ay muujiyeen Sanadkii tagay.
Waxaana goobjoog ka ahaa Madashan Madaxa Amniga ee Shirkada Telesom ee Magaalada Borama Cilmi Caateeye Muumin oo si wayn ugu mahad naqay Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkada.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Telesom: 45 Ka Mid Ah Shaqaalaha Shirkada Oo Abaalmarin Sanadeed Iyo Shahaadooyin La Gudoonsiiyay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback