Hargeysa-(Lug)-Waxaa goordhawayd ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa waftigii uu hogaaminayay Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo todobaadadii u dambaysay Kormeer Howleed ugu maqnaa wadamo ka tirsan Qaarada Europe.
Waftigan oo si heer qaran ah loogu soo dhaweeyey dalka ayaa waxaa ka qayb galay soo dhawayntiisa wafti uu hogaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe, Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Maxamed C/qaadir, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada kaasi oo ay kula kulmeen Qolka VIP ee Madaarka.
Waxaa kale oo waftigan uu hogaaminayay Eng.Saylici uu u soo amba baxay Dhinaca Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa halkaasi oo ay aad ugu soo dhaweeyey madax sare oo Xisbiga Kulmiye ah oo uu ka mid yahay Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi iyo taageerayaal kale oo gaadhaya Boqolaal qof oo halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Waftiga.
Eng.Saylici oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu kaga hadlay waxyaabihii uu kula soo kulmay Qurbaha taasi oo ay kaga mid ahaayeen bulshada reer Somaliland ee ku nool qurbaha ay la mid yihiin kuwa gudaha taasi oo ay 100% doonayaan Isbadal in wadankeenani ka dhaco oo ay taageersan yihiin Xisbiga Kulmiye.
Waxaa kale oo uu shirkaasi Jaraa’id ku sheegay Md.Saylici in dadwaynaha ku nool Qurbaha ay doonayaan inay Doorashadu dhacdo wakhtigii loogu talo galay oo aanay dib uga dhicin 29 Marrch ee bishan fooda inagu soo haysa.
Kala soco waxii warar ka soo kordha Shabakadan Wararka ee Lughayanews
Lughayanews
Hargeysa Office


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War Deg Deg Ah: Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback