Boorama-(Lug)-Siddeed aruur ah ayaa cudurka Jadeecada ugu dhintay tuulooyinka dhacada inta u dhaxaysa Laanta-morohda, Xariirad iyo Ceelgaal, sedan waxa Lughayanews u xaqiijiyay Isuduwaha caafimaadka gobolka Awdal Cabdilaahi Muuse Yoonis.Isuduwaha ayaa intaasi raaciyay in ay wasaaaradu ku hawlan tahay sidii gurmad caafimaad oo degdag ah loola gaadhi lahaa degaamadaas oo ay suurto gal tahay in uu cudurkani Jadeecadu ku sii faafo. Gurmadkan ayaa ka koobnaan doono Dawo, shaqaale caafimaad iyo Gaadiid fududeeya adeegyada wax qabad ee la doonayo in lagu badbaadiyo Caruurta u ildaran dhibaatada cudurkan.
Wararka ka imanay dhinaca degmada Saylac ayaa iyaguna sheegaya in ay dhinaca degmada Saylac ka soo baxeen wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka degaanka Saylac Cismaan Muumin Caare oo iyaguna u socda sidii ay gurmad ugu gayn lahaayeen dadkan dhiban isla markaana ay indhahooda ku soo arki lahaayeen waxyeelada ilaa hada jirta iyo guud ahaanba xaalada.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War Deg-deg Ah: 8 Caruur ah Oo U dhimatay Cudurka Jadeecada Oo Ka Dilaacay Degaanka Degmada Saylac "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback