Borama-(Lug)-Soomaliland waxay maraysaa    meel isgoys oo an la garanayn jidka ay  reer soomaaliland qaadi doonaan  mustaqbalka.Sidaasoo ay tahay waxa muuqata sansaan kale oo ka duwan kuwii aan hore u naqaannay ee ku dhammaan jiray musaalaxada iyo sasabaha  mucaaradka  iyo  hanjabaadihii loo jeedin jiray cid kastoo iskudayda inay raacaan jidka isbddeldoonka ah .

Waxa la ogyahay in Rayaale madaxtooyada ku dhammaystay laba iyo toban sanadood ,oo uu toddoba sano kudhawaad madaxweyne ahaa, shanta kalena kuxigeen ahaa, welina uu kusii adkaysanayo inuu gar iyo gardaraba  kusii joogo qasriga  madaxtooyada .

Sidoo  kale ayaa la ogyahay inaanay maanta jirin rajadii reer soomaaliland ku doonayaan inay si  xor ah oo dimuqraadi ah dalkii ay  usoo dhinteen  ugu  sameeyaan hoggaan kale oo u keeni kara horumar, balse niyad wanaagga ay u hadlayaan beelaha dhexe Soomaaliland  ay waran ku tahay Rayaale iyo beelaha reer Boorama ee haybta ku taageera, waxana iska caddaan ah   in hadalada kasoo yeedhaya maamulka Rayaale iyo waxa hoosta ka socdaayi anay islahayn.,komishankii doorashooyinkuna  qirtay inaysan awoodi Karin doorashooyin dhaca 29ka bisha soo socota. Waxa kale oon ognahay dagaalada hoose ee siyaasadeed ee ay xukuumaddu ku haysay Golaha guurtida hoggaankiisa, kaasoo la ogyahay sida Rayaale ugu fashilmay xilka qaadista shirguddoonka Saleemaan maxamuud Aadan oo haatan odayaashii guurtida ee dagaalka ku ridi kari waayey ku deyeyaan sasabe inay kaga qaadaan .

Sidoo kale ayaa laga dheregsanyahay in  Xibsigii UDUB ee ay reer soomaaliland codkooda siiyeen maanta yahay UDUB  kale oo laba nin  leeyayihiin ,bannaankana looga saaray ragii xisbigaasi u horseeday inuu dalka xukumo. waxaasoo dhammi waxay muujinayaan   duruufaha xukuumadda soomaaliland ku doonayaan inaan Soomaali kula mid noqoto dalka Soomaaliya .

Haddaba markaad eegto waxa dalka ka dhacaya ,iyo dabaylaha siyaasadeed ee an la ogeyn dhinac ay geyn doonaan Soomaaliland ayaan dadweynaha reer Awdal ,Siyaasi ,Sheikh ,Odaydhaqqmeed  iyo waxgarad kaleba an laga haynin talo iyo tusaale dalkan lagaga badbaadin karo  waxa kusoo foolleh .

Marka laga reebo shakhsiyaad ka soo jeeda  gobolkan oo ku jira  xisbiyada siyaasadda ee  mucaaradka, waxad mooddaa in  taageerayaasha xukuumadda Rayaale iyo beelo gaar ahi badankoodu doonayaanba inaan dalka  doorasho ka dhicin, iyagoo dhinaca kalena aad mooddo inay raalli ku yihiin falalka ka baxsan shuruucda dalka ee uu ku dhaqmo Daahir Rayaale iyo xukuumaddiisu .

Lama hayo madaxdhaqmeed ama waxgarad weli Rayaale yidhaa ‘abaalkii beelaha dhexe   inaad ku dhaqanto siday kugu doorteen  si la mid ah ‘waxanad mooddaa inay u riyaaqsan yihiin waxyaalaha meel kadhaca ah ee uu ku dhaqmaya Rayaale iyo la taliyayayaashiisu ,waxan maqlayey sheekooyin la xidhiidha sida loo boobay xaqii UDUB ay ku lahaayeen Cabdilaahi Darawal iyo Ismaaciil Yare ,sheekooyinkaasoo lagu sheegayo in Rayaale iska celiyey siyaasiyiintii uu webiga kagasoo tallaabay, kuna faraxsan yihiin in sidaasoo kale loo galo saleebaan Gaal iyo kuwa la socdaba si  gogosha Rayaale  ugusii taallo madaxtooyada.

Weli Odayaasha reer Boorama ,kama  muujin dareen  ku saabsan  xeeladaha siyaasadeed ee Rayaale ku doonayo inuu xoog iyo xoolo .iyo xeerba kusii haysto dalkan  17 sannadood  caalamka go’doonka ka ah .Waxan xusuustaa hadal Marxuum Cigaal u jeediyey reer tolkii mar uu BERBERA Booqasho   uu ku tegey isagoo yidhi ‘Reer Berberoow  idiinka tegi maayo taaiikh keeni karta in sidii marreexaanka la idin ugaadhsado ee  isku tashada ‘,Rayaale waxad moodda inuu garab maray dardaaraankii marxuum Cigaal   isagoo   wejiyo kala duwan kula shaqaysta taageerayaashiisa Boorama iyo beelaha dhexe  ee dalka.

Rayaale  magacaabay wasiirro ku jira xukuumaddisa oo u marxuumkaasi  iska fogeeyey ,sida wasiirka maaliyadda ee haatan …

Maanta reer Boorama kama mideysna doorashada Rayaale sidii waagii hore Beelaha dhexena kama mideysna doorashada UDUB ,waxase waajib  ahaa in reer Boorama maanta garawsadaan sidii fiicnayd ee loo qabtay Rayaale markii  madaxtooyada Hargeysa la geeyey 12 sano ka hor .waxanad moodda inay qaar ka mid ah Gobolka Awdal weli Rayaale u arkaan geesi iska celiyey beelihii colaadda sokeeye soo kala dhex martay reer Awdal ,sacabkana u tumaan mar kasta oo mujaahid ka mid ah beelaha dhexe  iyo reer Booramaba uu xidho,xil ka qaado ,amam bahdilaad ku sameeyo taasina ay tahay waxyaalaha reer Awdal u keeni kara godobaha aan la ogeyn  wakhti lala xisaatamo,.

Waxa kale oo la ogyahay in qaybo ka mid ah shacbiga beelaha dhexe ee taageray Rayaale  ay maanta siyaasiyiin ka tirsani ka tirsanyihiin mucaaradka, Sida Dr Gaboosee, Cabdi Aw Daahir  iyo qaar kale oo badan reer Boorama  weli aaminsan yihiin in Rayaloo kursiga ka tegaa u tahay guuldarro, maadaama kursigaasi usoo jiiday awood anay lahayn beelihii taageeri jiray SNM .

Ugu dambayntiina waxa odayaasha reer Boorama iyo waxgaradka gudo iyo debedba looga fadhiyaa  inay ka talo bixiyaan mustaqbalka dalka, inankoodana  xusuusiyaan  shalay kana qabtaan gardarada iyo abaal la’aanta  uu ku hayo Beelihii, Siyaasiyiintii  Iyo Shakhsiyaadkii  sababta u ahaa  madaxweynenimadiisa.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama