Gebiley-(Lug)-Dhalinyaro gadoodsan ayaa shiiday qaar ka mid ah guryaha Magaalada Gebiley, Shiidkan ayaa markii dambe sii balaadhay ka dib markii ay ku soo biireen Haween iyo Caruur.
Gadoodkan oo aan ilaa iyo hada la xaqiijin Khasaaraha uu gaystay ayaa waxa wararku sheegayaan in si gaar ah loola beegsaday Guryo iyo Meherado iyo Gaadiid waxana ay wararku sheegayaan inuu gadoodkani salka ku hayo xurguf dhinaca degaanada galbeedka Gebiley ah oo ay maanta dhimasho iyo Dhaawac ka dhasheen.
Xurguftan ayaa waxa ay si gaar ah uga dhacday degaanka Burdi oo u dhow degaanka boodhka Gabi-galool.
Ciidamada Booliiska ee degmada Gebiley ayaa u xidhxidhay arrintan dhalinyaro dhowr ah xaaladuna imika waxa ay ku laabatay sideedii Caadiga ahayd.
Lughayanews
Gebliey Office


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War Deg Deg Ah: Shaqaaqo Galabta Ka Dhacday Magaalada Gebiley "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback