wariye-hyane.jpgSideedaba qaran  ama dawladi waa tan lagu yaqaanno inay yeelato istaraatiijiyad  ay ugu diyaargarowga belaayo  Barwaaqo, Col ama Nabad. Sidoo kale ayaa dawladi ka fikirtaa mustaqbal dhaw iyo mid dheer  oo ay dawladnimadeedu kusii socoto dawladnimaduna u burburin duruufo kastoo ka hor yimaadda .
 
Dawladnimada ayaa sidoo kale u kala qaybsanta mid  dhawr qaybood  oo mid kastaba leeyahay tilmaamaheeda gaarka ah, iyadoo  dawladaha  ka jira caalamku leeyihiin  waxyaalo u qarsoon oo ay ka mid yihiin   Tirada ciidamadeeda kala duwan, Goobaha muhiimka ah ee ilaalada u baahan ee ay u yaallaan hubka  iyo Saanadda lagu diffaaco qarannimada, Isgaadhsiinteeda iyo wax kastoo cadowgu ka faa’iideysan karo .

Arrimaha muhiimka ah ee u baahan in maanka dawladi ku hayso ayaa sidoo kale ah kaydka shidaalka u yaalla  ee loogu talogalay mustaqbalka dheer iyo kan dhawba .

Waxan ognahay in shirkadda Total ay kooto ku haysato shidaalka Soomaaliland keenistiisa iyo qaybintiisa ,waxayna dalkeenna masuul uga tahay  in la helo shidaal qaran oo kayd  ah gaadhayana ilaa 120,000 oo litir oo naafto ah iyo ku dhawaad 100,000  oo bansiin ama batrool ah .
 
Shidaalka noocan ah ayaan maanta la ogeyn inay Soomaaliland haysato  ama ugu kaydsanyihiin haamaha shirkadda Total maamusho  ee ku yaalla Berbera  amam meelo kaleba.
 
Waa shidaal  Aan la mid ahayn shidaal iibka ah ee macaashka laga raadiyo ,balse waa shidaal kale oo loo baahan yahay inuu mar kasta kayd u ahaado qaranka sidaa darteedna lama oga in shidaalkani dawladda u kaydsan yahay iyo inkale
 
Sida ay sheegeyaan warar an la xaqiijin, waxa jirta  inuusan shidaalkani xisaabta ugu jirin shirkadda Total, isla markaana shidaalka haatan ay dalka keentaayi ama ka iibisaayi ku egyihiin laba booyadood oo ku gaafwareega Hargeysa  iyo Berbera, lamana oga ilaa imika meesha kaydka shidaal ee qaranku  ku sugan yahay iyo inaanay shirkaddaasi dalkaba ugu talogalin .
 
Si kasta ha ahatee waa khatar inteeda leeg haddii aanu  shidaalkaasi kayd u ahayn dalka  iyo dawladda Soomaaliland, la’aantiisuna ay dawladnimada Soomaaliland ceeb ku noqonayso.
 
Sidoo kale shirkadda Total iyo shirkadaha ka hoos shaqaysta ee reer Soomaaliland leeyihiin ayaa sheegay inay qiimo dhimis ku sameeyeen sicirka shidaalka, balse arrintaasi ayaan ilaa hadda raadkeeda laga arag suuqyada shidaalka lagu iibiyo ee dalka, wax iska beddeleyna aanu jirin marka laga reebo waxoogaa aan waxba ka hooseyn qiimihii hore.
 
Nin weyn oo shirkad Red Sea la yidhaa haysta ayaa dhawaanta sheegay in qiimo dhimis ay ku sameeyeen shidaalka dalka soo gala, balse odaygaasi wixii uu sheegay lama arag, Soomaalilandna weli waa dalka dunida ugu shidaal qaalisan marka la barbardhigo dalalka caalamka, iyadoo uu maanta sicirka shidaalku marayo wax ka hooseeya  40 doolar ayaa Soomaaliland weli sicirka shidaalku hoos uga dhicin 140 doolar foostadiiba.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama