Murtida Baaqa: *Golwaraabe guusheedu waa geedka nabadda oo lagu kala saaro danaysiga gurracan ee siyaasadeysan iyo danta dadka Ab iyo Abtiga ah”..
Annagoo ka mid ah odayaasha ka soo jeeda beelaha laysku odhan jiray Golwaraabe ee ku nool dalka Sucuudiga, gaar ahaan magaalada Riyadh waxaanu si wada jir ah uga naxnay dhacdada dagaal ee ka soo yeedhay dadkayagii iyo deegaankayagii ee khasaaraha nafeed keentay; waxanan ugu baaqaynaa waxgaradka beelaha is-dhalay ee ku sugan deegaanka inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka macno darada ah; isla markaana deg deg isugu yimaadaan gogol nabadeed oo ay isku fahmaan kuna qorsheystaan soo afjaridda xiisadda colaadeed ee dhexdooda laga wado.
Ab iyo Abtiba waxa ayaan darro ku ah inay fahmi waayaan; isla markaana fuliyaan dibindaabyada ujeedooyinka kala gaarka ah xambaarsan ee duullaanka ku ah tirtiridda ama gaagaabinta isirkooda. Waxa wax laga murugoodo ah in waxgaradka dadkayagu is hor fadhiisan kari waayaan oo qiimeyn kari waayaan waxan ay ubadkooda ku dilayaan inta u leegyahay ee ay goorwalba u dhageysanyaan codad dibadeed oo danahooga ku dhex fushanaya dhiigga da’yartooda.
Kadib dhacdadii 25/02/2009 sababtay daadashada dhiigga sokeeye ayaa warbaahinta Somaliland qaarkood wax ka qoreen sidii iyo goobtii ay wax ka dhaceen; sidaa darteed waxaanu ku baraarujineynaa dadkayaga inay u fiirsadaan kaliya sida arrinta ay iyagu leeyihiin ee ay xaqiiqdeeda ogyihiin loo fasirayo ama loo turjumayo.
Haddii aanu soo qaadno goobta “Burdi” oo aad wada garaneysaan in dhul beereed laysku hayaa aanu ku oolin waa maxay sababta looga abuurayaa dhul beereed lagu murransanyahay –ciddan loo sharxayaa ee laga dhaadhicinayaa waa ayo? Ujeedada laga leeyahayse waa maxay?. Waxaanu ka codsaneynaa dadkayaga inay aad u fakaraan oo kala saaraan wixii shaqo dawladeed ah iyo wixii dadka wada dhashay dhexdooda ah. sidoo kale dhul beereed lagu murransanyahay haddii uu jiro maaha mid qabiil ahaan loo leeyahay ee waxa ku murmi kara ashkhaas ama koox wax wada leh; sidaa awgeed waa in shay walba meeshiisa la dhigaa, kuna ducaysta in aanu Ilaahay caqliga iyo fahamka idinka qaadin. Waxad ogaataan in aanu meesha oolin wax da’yarta naar loogu guro oo hooyooyinka “Hoogay” looga yeedhsho.
Ashkhaasta ama kooxda dhul beereed ku murransan waa in loogu gurmadaa si lagu kala saaro xeer diimeed, mid degaan iyo mid dawladeed kolba kii loo arko inuu arrintooda afjarayo; hase yeeshee ma gaydo arrintu gacan ka hadal laysugu habarwacdo.
Walaalayaal; waxaanu baaqani ku soo gabagabeynaynaa waxa aan shaki ku jirin in nabaddu tahay midda kaliya ee dad iyo dalba dhaqmaan, horumarna lagu gaadho, sidoo kale waxa iyaduna biyo kama dhibcaan ah in colaaddu tahay midda kaliya ee lagu dumo ee dal iyo dadba qeyrkii kaga hadho.
Sidaa darteed; waxaanu soo jeedineynaa rag iyo haweenba in loo hawlgalo sidii aanay macno darradani oo kale aanay u sii soconin, lagana wada shaqeeyo sidii wixii la kala tabanayaba loo soo afjari lahaa si dadka niyadooda loogu sugo nabad waarta oo lagu caano maalo. Sidaas oo kaliya ayaa horumar lagu gaadhi karaa, ilaahay naxariistiisana lagu heli karayaa.
Waxaanu la saffannahay oo taageeraynaa inta la jirta geedka iyo gogosha nabadda; isla markaana waxanu ka soo horjeednaa oo dhaleecaynaynaa cid kasta oo fitna abuura, rabtana inay ka ganacsato dhiigga bani-aadamka guud ahaan, gaar ahaanna dadkayagani isirka kaliya ah.
Ugu dambeyn waxaanu xukuumadda Somaliland ku dhaliileynaa wax ka qabashada arrintani oo muddo lix bilood ahba socotay; waxanan la yaabanahay in ciidan aan aheyn ka dawladdu u hub isku urursado oo dagaal beeleedna ku tallaabsado isagoo ciidankii dawladdu dhex fadhiyo sida uu qiray madax-dhaqameed arrintan dhacday ka hadlay oo erayadiisa ay ka mid ahaayeen “waxa isku dhacay laba sahan oo ciidan beeleedyada ka mid ah”.
Waxan u haysanay in Somaliland arrintaa beri hore ka soo gudubtay. Sidaa darteed waxaanu ka codsaneynaa xukuumadda Qarranka inay tallaabada ku haboon ka qaaddo xallinta khilaafaadka iyo suggidda nabadgalyada.
Wabillahi Tawfiiq.
Odayaasha Baaqa – Riyadh – Saudi Arabia
1-Maxamad Cabdullahi Xaaji Obsiyeh
2-Saleebaan Aw Yuusuf Cilmi
3-Maxamad Cabdullahi Mixile
4-Maxamad Xasan “Dheereeye”
5-Maxamad Cali Jaamac Abrar
6-Maxamad Cabdi Cilmi (taag)
7-Cali Yuusuf Maxamad (Cali Dilaad)
8-Daauud Jaamac Coomay
9-Axmad Cabdullahi Gudaal
10-Jaamac Ibrahim Guuleed
11-Maxamuud Muxumad Hodoon
12-Cabdiraxmaan Miyir Faarax
13- Cabdulqaadir Jibriil Buux
Mohamed Abdullah Obsiyeh
mao.obsiyeh@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Baaq Ku Socda Beelaha Ab Iyo Abtiga Ah Ee Dhiiga Sida Macna La’aanta Ah u Daadinaya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback