Borama-(Lug)-Lix bilood kudhawaad ka hor ayaa  jawi colaadeed ka taagna degaanada dhulbeereedyada ee ay isku hayeen dad kasoo kala  maamulada Baki iyo Gebilay, lix bilood ka hor ayaana dawladda Rayaale lagu wargeliyey inay wax ka qabato dagaal aanay Soomaaliland u baahnayn oo ka dhaca jiiddaasi, lix bilood ka hor ayaana la sheegsheegeyey abaabul maleesiyo beeled  labadaa dhinaca  oo dagaal u diyaargaroobaya, waxasoo dhammi waxay ku dhacayeen  dhegeha masuulyiinta  Dawladeed, Madadhaqamedyo iyo Siyaasiyiin aan doonayn inuu dalkani ka fogaato xaalad nabadgelyo darro .
 
Toddoba sano kudhawaad Rayaale kursiga dalkan ugu sarreeya ku fadhiyey  waxay dawladdiisu ku faani jirtay nabadgelyaan adkaynay, dagaalbaan fogeynay iwm, waxana maanta marag ma doonta ah  nabadeglyodarada kasoo cusboonaatay  dalka  muddo ka badan 17 sano oo Soomaaliland dawlad ahayd .waa dibu dhac xoog leh lana mid ah xaaladdii dalku marayey 17 ama 18 sano ka hor ,taasoo lagusoo afjaray shiweynihii Boorama .
 
Su’aasha meesha taalla  ee la isweydiin karo ayaa ah maxay dagaaladan kasoo cusboonaaday degaanada Gebilay -Baki salka ku hayaan, maxaa wakhtigan kusoo beegay, intii laga digayey maxaa loo demin waayey, maxaase natiijo kasoo bixi karta haddii ay sii socdaan, yaase faa’iido ku qaba yuu khasaare u yahay dagaalkani .

Kahadli mayno cidda ku gardarrayd  weeraradii shalay laba dhinac isku qaadeen ,kana hadli maynoo cidda guuleysatay iyo cidda laga guuleystay, balse waxan ka hadli karaa dhirbaaxada ku dhacaysa  qaranka Soomaaliland, shicibka dalka iyo  halgankii loosoo maray Soomaaliland xoreynteeda.
 
Wax la filayey ayey ahayd  in maalin uun deegaankaasi  dagaal ku dhex mari karo dad isku haya dhul oo aan haysan cid kala hagta, runta u kala sheegta ama labada dhinac ku qancisa miisaanka dhulka la iksu haysto iyo dhibaatada ka dhalan karta .
 
Maanta waxa soo muuqda ifafaale muujinaya in Soomaaliland la mid noqoto Soomaaliya haddii xukuumaddani dalka sii haysato, waxaanad mooddaa in dagaalka dhex maraya dad isku Degaan Ah, Isku Isir Ah ,Isku abti  ah  uu xukuumadda Rayaale u yahay Kaadhkii ugu dambeeyey ee ay kusii raadsan kari lahayd cimridherer ay kuraasta kusii fadhiyaan, balse xisaabta caynkaas ahi maanta  way ka khaldantay .Waxyaalaha muujinaya in Xukuumadda Rayaale aanay dan ka lahayn dad isku isirka ah ee iskaga hor imanaya dagaalka degaan yar oo waxa daliil u ah iyadoo aan ilaa imika soo saarin baaq ay dadka isku haya dhulkaasi kaga joojinayso dagaalka, halka shirguddoonka Golaha Guurtidu si degdeg ah ugu baaqay maleesiyo beeleedyada laba degaan inay joojiyaan dagaalka .

Sida beryahanba la saadaalinayey xukuumadda Rayaale waxay ku taamaysay inay qiil u hesho  muddokordhin kale iyadoo la tuhunsan yahay inay dhaqdhaqaajisay saraakiil sarsare oo kasoo jeeda degaankaasi iyo kooxo kale  si loo bilaabo  iska horimaadyo aanay cidina ka faa’iideyn, balse xukuumadda Rayaale ku doonayso inay kaga gabbato doorashooyinka soo socda haddii ay dhacaan.
 
Si kastaba ha ahaatee reer Soomaaliland weligood nabadgelyey ku noolaayeen ,dadka degaankaasina weligood walaalay ahaayeen intii  aanu siyaad Barre sabab u noqon dagaaladii ay ku kala guureen, sideetameeyadii waxase nasiibdarro in maanta oo kale maamul u eg kii Siyaad Barre oo kale uu mar kale foodda isku geliyo, kaddib markii uu waxba ka qaban waayey murankooda waxaana loo baahan yahay inay labada dhinacba ka waantoobaan dagaal sii socda inuusan dan u ahayn dalka iyo dadweynaha Soomaaliland .


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama