Sanca-(Lug)-waxaa baryahanba ka socday xarunta hayada qoxootiga ee UNHCR ay kuleedahay wadanka Yemen gaar ahaan magaalada Sanca shir saddex geesood ah kaasi oo u dhexeeyey Laanta socdaalka ee wasaarada arimaha gudaha ee dalka yemen
xafiiska UNHCR ee qoxootiga iyo qaar ka tirsan bulshada rayidka ah ee kudhaqan wadankan Yemen .
Sida uu Lughayanews u xaqiijiyey gudoomiye kuxigeenka koowaad ee jaaliyda Soomaalida ee dalka Yemen Md.Maxamad C/raxman Shariif oo ka mid ahaa dakii masuuliyiintii kaqaybgalay shirkaasi ee matalayey Bulshada rayidka ah waxa uu sheegay in shirka laysku wafaqay sidii loo jadiidinlahaa warqada aqoonsiga ee qaxiitinimo kuwii horay ulahaa loona siinlahaa dadka jadiidka ah isla markana loo furi lahaa xarun joogta ah oo lagu siiyo dadka qaxootiga ah wakhti kasta oo ay u baahdaan, Md.shariif waxa u ku nuux nuuxsaday in aanay dib udhici doonin qadashada warqada haasi qoxootigu.sida ku xusan nuqul kamida waxyabihii lagu heshiiyey oo ay Lughayanews heshay kaasi oo cadaynaya in uu si rasmi ah ubilaabmi doono isqoritaanku maalinta bishu tahay Axada ee 8 bisha march ee 2009ka .
Waxana Kamida Shuruudaha Is Qoritaanka Sida Uu Xusay Nuqulku
1- In qofkata oo horay ulahaa kaadhka qaxootigu uu sooxireeyo siloo siiyo kan jadiidaka ah
2-In uu keeno waraaqadii dhalashada ee cadaynaysay in uu yahay Soomaali.
3-In uu iska badho dhiiga si loo ogaado nooca dhiigiisu yahay.
Intaasi waxa dheer in qofka aan haysan kaadhkii horey ee qoxootigu iska soocadeeyo ama ka keeno waraaqada cadayna Duqa xaafada uu daganayahay iyo xafiiska ugudhaw ee police-ku leyahay.
waxa intaasi siidheer in qofka ka yimid xireda qoxootiga ee lagu qaabilo soogalaytiga ee Al-kharas uu keeno warqada laga bixiyo xeradasi.
Waxakale oo la ogaysiinayaa dadka jooga gobolada kale ee ka baxsan caasimada Sanca in meeshooda loogu gayndoono kaadhasha qaxootiga oo aanay cidina waayi doonin waxan lagu booriyey Soomaalida kudhaqan wadanka yemen dhamaantood in ay qaataan sharcigaasi.
Waxana ay tani kaga duwantahay kuwii hore qodob ah in faraha laga dhigidoono qof kasta oo qaadanaya sharcigasi si aanay u dhicin in labajeer laqaato waa sida hadalka loo dhigaye taasi oo walaac ku abuurtay bulsha waynta soomaliyeed ee kudhaqan wadanka yemen cabsi ay ka qabaan in farohooda loogudbiyo wadamada Yurub iyo Amerika.
Wariye:-
Cilmi Yusuf Caddawe & Xamse Maxamuud Cabbas
Lughayanews-Sanca


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hay’ada Qaramada Midoobay Uqaabisan Qoxootiga Ee Dalka Yemen (UNHCR) Oo Bilaabaysa Diiwaangalinta Qoxootiga Iyo Walaac Laga Muujiyey Arinta Faradhigista "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback