Walaal Oodi Ab Ka dhow Dab Munaafaq shidayna Mu’min Ayaa Ku gubto Ilaahey waxuu quraanka ku sheegay (Inamal Fitnatu Ashadu minal Qatli) Fidnadu wey ka Xuntahay dilka xaga ilaahey Dilkana waad Ogtahiin Ciqaabtiisu Xaga Ilaahey (Inalaha Shadiidul Ciqaab).
Walaal Waxaa Jira Rag Siyaasiyiin ah Oo Reer soomaliland Ah Mar alla Marka ay doorashada Kurisiga Madaxtinimada Timaado Qori Dableh Iyo Fidno Kala dhex dhigaayo Dadka wada Dhashay ee inan iyo Abtigii ah, Si ay Himiladooda siyaasaadeed u gaaraan. Beeleysi Qabyaalad Iyo Cudur Ugu Dhex abuuraan Beelaha Wada Degan Galbeedka Somaliland Karaahiyo ay galiyaan Maxasta Gaas Dhagoole Iyo Caruurta.
Ajandahiisa SiyaaSadeed waxa uu noqday Dhiiga dadka wada dhashay inay ka baayac mushtareeyaan adeer waxaan kuleeyahay Mulkiga Ilaah baa bixiya Waana Meerto Ee Garaad Ahaan Hadaad Sidaa Tahay Maalin majirtid Dadka Reer Soomaaliland Waa ay bislaadeen Weyna Kaa Horeeyaan Weyna kaa Da’Weynyahiin Wey dhaafeen Tola’ayeey Adeer, Ayaa Reer Hebaalaaay. Adeer ku ekoow Hal heeyskaagii shaqo taga Ahaa Ee ahaa Buurahaan Ridqayaa Raashin kaaga Sameyn Ee Jooji Ka ganacsiga Dadka wada Dhashay Dhiigooda.
Su’aal Hadaad Dagaal ka dhex abuurtid Dadka walaalaha ah Oo Cali La dilo Oo cumar La dilo Oo dhiigi qulqulo Malaguu waramay Yaad Xakumi Sow lakala Yaaci Maayo ?
20 Sano Waxaan Tabceynay Sow Biyo Col dhaanshe Noqon Maayaan Nabad Galyadii Garaadkii Sharftii La’inagu Tuhmaayey Een Astaanka Geeska Africa Ugu aheyn Xageed Ku iloowday Ictiraafkii Qarka Inoo Saarnaa Xageed Ku iloowday War siyaasi Makaa Aqoon La’aan baa Mise Waa Kaa Caqli xumo.
Dabkaad shiday Baqtii Hadii Kale Dadkan Dhagahooga wey kaa fareysanayaan Arinta U dhaxeysana Beelaha walaalaha ah Geed Hoostii Ayeey Qilaafkooda Ku dhameysanayaan Umadaan Ha ku kalifina In lakala Yaaco Oo loo kala Bixiyo HargeisaLand, AwdalLand,HartiLand Iyo Qaarkaloo Badan.
Tan kale Waxaan Aad iyo Aad ugu Dhaliilayaa Xukuumadda Iyo Goloyaasha Ka gaabiyey In ay ka hortagaan Arintaan soo jiidameysam, Waayo Looma Baahna Wiilal inaga dhinta Waa kaa dhimay oo kugu dhimay mar hadii Labadii dhinacba ee Ilmo Abtiga aheyd ba laga wada ooyaayo.
Reer Gabiley Midbaa Seektay Gobalka Cusub Markii la siiyay waxey aheyd in ay Wanqal Farxadeysan Damaashaad iyo Salool iyo Cadar Ay ugu wanqalaan Gobolkooda Ee inay wiilal ilmo abti ah Ay ku Sadqeeyaan Oo Murugo, Oohin iyo Tiiraanyo ay ugu saloolaan waa laga Fiicnaa.
Caqligu Ha Taliyo Caadifadna Hala dhaafo.
Odey: Saleebaan Maasheeye Iidle


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ayey Xukumayaan Hadey Fidno Ka Dhex Abuuraan Dadka Wada Dhashay Sow Lakala Yaaci Maayo?. By: Odey Saleebaan Maasheeye Iidle "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback