dscn7502.JPGWaxaa gudaha magaalada Laascaanood ka bilaabmay kadib markii xilka laga qaaday taliyihii hore ee qaybta Police-ka ee Gobolka Sool Cabdi Muuse laguna soo wareejiyay Taliyaha cusub ee Maxamed Saleebaan Gooni isago horay u ahaan jiray Taliye kuxigeenka Qaybta hawlgal lagu qabqabanayo dadka dharcadka ah ee wata hubka kuwaas oo laga qaadayo hubkooda.

dscn7502.JPG
 
Waxaa gudaha magaalada Laascaanood lagu arkayaa ciidamo fara badan oo Police ah kuwaas oo hawlgal ka wada gudaha magaalada Laascaanood kuwaas oo maraya wadooyinka xaafadaha magaalada isla markaana ku jira hawlgal ay ku qabqabanayaan dadka wata hubka bilaa sharciga ah iyagoo sidoo kalena ka uruurinaya dadka wata hubka iyo wax kasta oo hub noqon kara.
 
Taliyaha cusub ee qaybta Police-ka Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni oo saxaafada u waramayay ayaa waxa uu xusay inuu hawlgalkani yahay mid lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood waxna looga qabanayo dadka wata hubka sida qoryaha,baastooladaha,budhadhka iyo waliba dhabiyada kuwaas oo ay inta badan qaataan dadka dhalinyarada ah ee ku sugan magaalada.
 
Gooni ayaa waxa uu sheegay in dhamaanba waxyaalahaasi ay noqonayaan kuwo wax laga qabto loona baahnayn waqtigan in dadku qaataan oo amniga magaaladu u xilsaaran yihiin Police-k kuwaas oo hadda wata waajibaadkoodii ka saarnaa u shaqaynta dadka shacabka ah isagoo intaasi ku daray in amniga guud ee Gobolka Sool ay hadda wax badan ka qabteen.
 
Isku soo wada duuboo taliyaha cusub ee Gobolka Sool oo ah Taliyihii afaraad ee loo magacaabo qaybta Police-ka Somaliland ee Goblka tan iyo intii maamilka Somaliland uu soo galay magaalada Laascaanood ayaa waxa uu yahay taliye ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Laascaanod si wayn u yaqaaniin waxqabadkiisa iyagoo dhamaanba qaybaha Bulshadu ay si wayn usoo dhaweeyeen.
 
Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool