Waxa Kale Oo Aannu Baaq-Nabadeed U Direynaa Beelaha Walaalaha Ah Ee Isku Hirdiyey Deegaanka Burdi” Soo Saareyaasha baaqa ..

Rotterdam-(Lug)-Annaga oo ah waxgaradka qurbajoogta beesha reer Sh.Cismaan (Abreyn) ee deggan dalka Netherlands waxaan halkan ka soo jeedineynaa baaq aannu si buuxda ugaga soo horjeedno hab dhaqanka siyaasadeed ee siyaasiga la yidhaah Xuseen Ceelaabe Faahiye oo dhawaan Xamar looga magcaabey wasaaradda dib u dhiska ee dowladda Sh.Shariif.

Haddaba maadaama ay jagadan weydda iyo agoonta ahi tahay meel ka dhac iyo quudhsi lagula kacey qowmiyadda galbeedka Somali Land, Xuseen Ceelaabena yahay nin weyn oo muddo siyaasadda ku soo jirey oo xanbaarsan aqoon sare, waxaannu kula talineynaa inuu sida ugu dhakhsaha badan isaga casilo jagadan weydda ah ee aan magiciisa iyo ka ummaddiisa toona u qalmin.Inkasta oo ayna kolleyba reer Somali Land khuseynin natiijada dowlad Xamar yeelato.

Haddana Waxaa arrin laga xumaado ah in uu siyaasi miisaankaasi lehi jagada ugu liidata ka qabto dowlad ay hoggaaminayaan dhallinyar wiilshiisa la da` ahi. Markaa ugu denbeyn Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku dhashey magaalada Saylac, xanbaarsanna shahaadada Master-ta macallin-na ka soo noqdey jaamacaddii Lafoole jagooyin kala duwanna ka soo qabtey taliskii Barre iyo dowladihii Koonfur loo sameeyay ee socon waayey waxaannu kula talineynaa inuu iskaga hadho khayaaligan uu aaminsanyahay oo uu dadkiisa waqooyiga wax la qabo, ama uuna dadkiisa magacdarro u soo jiidin.Dhinaca kale waxa kale oo aannu aad uga xunnahay dagaalada deegaanka Ceel-Bardaale ee u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Baki ku dhex marey labada beelood ee walaalaha ah, waxaanan kula talineynaa iney khilaafaadkaasi wada hadal ku dhameeyaan, kana foojignaadaan tallaabo kasta oo wiiqeysa qarannimada Somali Land.Wa billaahi Towfiiq.

  Waxaa baaqan soo saarey:

1. Sul.Haybe Ciise Dhameeye
2. Dr.Maxamad Maxamuud (Dhabar Sacle)
3. C/Rasaaq Cabdillaahi Gaxshani
4. Xoosh Cumar Abtidoon
5. Cali Il-Qarsade (Cali Maraykan)
6. Xasan Bullaale Meeke
7. Suleiman Cilmi Muse
8.C/Rashiid Jibriil Aamin
9. Xasan Bullaale Meeke
10. Xasan Xuseen Siciid(ina Xuseen- Carab)
11. Maxamad Cumar Abtidoon
12. Xasan Cumar Abtidoon
13. Jaamac Idiris Abtidoon 

 

Suleiman Cilmi Muse
elmi-lion@hotmail.com
Rotterdam-Netherlands