Sanca-(Lug)-Bishii july 1960 ayaa uu xornimada qaatay islamarkaasi ay isku biireen labadii qaybood ee loo yaqaanay British Somaliland iyo Italian Somaliland.
1963 ayaa uu wadanka Soomaliya ujaray xidhiidhkii diblamasi nimo wadanka Ingiriiska
1964 waxaa qarxay ama bilaabmay dalaal ka dhexeeyey labada wadan ee jaarka ah Soomaaliya iyo Ethoipia.
1967 waxaa dalka kadhacaday doorasho ay tartamayeen Abdi Rashid Ali Shermarke iyo Aden Abdullah Osman
1969 waxaa la dilay Madaxwayne Abdi Rashid Ali Shermarke .
October 21,1969 waxaa wadanka xukun milatari kuqabsaday Major General Muhammad Siad Barre.
1970: Madaxwayne Maxamad siyaad bare ayaa wadaka ku soorogay nadaamka looyaqaano hanti wadaaga(socialist).
1974-75 waxaa wadanka ka dhacday abaar ba’an oo aad loogu hoobtay taasi oo saamaysay wadanka dhamantiis.
1977: waxa dhaxmaray dagaalka aadka loowada xasuusto oo dhaxmaray labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya kaasi oo ay soomaliya waday in ay kula soonoqoto gobalka Ogadeeniya ee ay Itoobiya gumasato.
1978: Itoobiya ayaa dagaal kuqaaday wadanka kuna sooceshatay hasashada gobalka Ogadeeniya.
1981:Siyaad bare ayaa kasaaray dad jagoonin sarsare kahaye dawlada kuwaasi oo kasee jeeday Beesha Isaaq waxana uu kubadalay Niman katirsan beesha uu isagu ka soojeedo ee Mareexaan.
1988: Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala sexeexday heshiis nabadeed.
November,1991: waxaa bilaabmay jabhado iyo dagaalo lagaga soohorjeedo Madaxwaynaha kaasi oo ay hogaaminayee Mohammed Farah Aideed iyo Ali Mahdi Mohammed.
1991:Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay gooni isu-taag.
February 1992: QM ayaa 500 oo caskari u soodiray wadanka Soomaaliya si ay usooceliyaan nabada.
December,1992: waxa waxaa yimid ciidamo kasocda wadaka Maraykanka kuwaasi oo kamid ahaa ciidamo kasocday QM.
1993 ciidamada loo yaqaano Marines ka ee wadaka Maraykan ayaa beegsaday Muhammad Farah Aidid waxaa dagaalkaasi ku geeriyoday dad ka badan 2000 qof oo badankoodo ay ahaayeen rayid halka ay lagaga dilay ciidamada wadaka Maraykanka 7askari maydokoodana la jiidjiiday dariiqyada.
March 1994:Ciidamadii maraykanka ayaa kabaxay Moqdisho.
March 1994: ciidamadii kale ee ka socday UN-ka ayaa igaguna ka baxay wadanka.
1996:waxaa dhintay General Caydiid waxaan kala wareegay xilka inankiisa.
1998: Dawlad goboleedka Puntiland ayaa ku dhawaaqay dawladnimo.
2000: C/Qasim Salaat Xasan ayaa loogu doortay shirwaynihii Carta ee wadanka jabuuti.
June 5, 2005:ciidamadii Maxkamadaha islaamka ayaa la dagaalamay islamarkasina kujabiyey hogaamiya kooxeedadii Moqdisho.
March-May 2006: boqolaal qof ayaa kudhintay dagaalkii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo Hogaamiye kooxeedyada.
September,2006:waxa wada hadalo nabadeed uga farmay magaalada khartum ee wadanka Sudan Maxkamadaha iyo Dawlada kumeel gaadhka ah.
December,2006: ciidamada dawlada kumeelgaadhka ah oo ay gacansiinayaa ciidamada Ethoipia ayaa dagaal lagalay ciidamadii Maxkamadaha.
January 2007: ciidamadii Maxkamadaha aya laga saaray Moqdisho.
April: 320,000 qof oo soomaali ah ayaa ka qaxay moqdisho iyo hareeraheeda.
November: Nuur Hassan Hussein ayaa loo magacaaaby Rai’sul waraare kadib iska hor imaad dhexmaray Abdillahi Yusuf iyo Geedii.
May 1, 2008:ciidamada maraykan ka aya weerar kudilay Godoomiyihii AL-shabaab Aden Hashi Cayrow.
August 22: Ciidamada AL-shabaab ayaa qabsaday magaalada Kismaayo.
January 26, 2009: ciidamada Ethoipia ayaa kabaxay wadanka.
January 30,2009: baarlamanka Soomaaliya ayaa madaxwayne udoortay Sheekh Sharif Sheekh Axmad.
January 31,2009: Madaxwayne shariif ayaa loodhariyey xilka madaxnimo.
Xamse Maxamuud Cabaas
hamzamohmud@gmail.com
Source:Aljazeera


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xaaladaha Uu Soomaray Wadanka Soomaliya Tan Iyo Wakhtigii Uu Qaatay Gobonimada "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback