s2020107.jpgHabeen hore Cawayskii Saacaddu Markay ahayd 7:30 Pm 25.02.2009, waxaa Hoolka wayn ee Imperial Hotel lagu qabtay Bandhig ama Daahfur Buug kamida buugaagta ugu qiimaha Badan ee ilaa wakhtigan casriga ah laga hayo Qalinlayda ama qorayaasha Somaliland. Buuggan oo ah mid ku biiray Buugaagta tirada yar ee dhaxal galka u noqday ummaddeena.

s2020107.jpg
 
Hadaba Buuggan oo uu qoray mid kamida xiddigaha aynu ku hirano ee dhianaca Qoraanimada waa Maxamed Baashe X. Xassan, waxaanu Buuggiisan Cusub ugu Waqlalay Magac la Ollog ah shaqada Maskaxda, kaasoo ah ‘ HAL AAN TEBAYEY ‘.

Waxaanu Qoruhu ku qaadaa-dhigay Suugaantii iyo Taariikhd Nololeedkii Alle ha u naxariistee Abwaankii Da’ahaan iyo Suugaan ahaanba weynaa ee XAAJI AADEM-AFQALLOOC. laga soo bilaabo dhalashadiisii ilaa Dhiamashadiisii ( 1871kii–1986kii ).

s2020108.jpg

Xafladdan oo ay dadka ku marti qaadeen soona agaasimeen Abwaan Axmed Aw Geeddi iyo iyo Mulkiilaha Alxusayne Islamic Stereo and Bookshop, ayaa waxay bilaabantay 7:30kii waxayna socotay ilaa 9:00 Cawaysnimo. Waxaana kasoo qayb galay dad faro badan oo ay ka mid ahaayeen Abwaano Aqoonyahano Qorayaal Dhalinyaro Rag iyo Dumarba isugu jira iyo Masuuliyiin Dawladda ka socday. iyo Waliba Wiil iyo Gabadh kamida Ubadkii uu dhalay Abwaan Xaaji Aadem-Afqallooc.

Ugu horreyn waxaa Madashaasi laga akhriyey Aayado Quraan ah, kaddibna waxaa Xafladda furay hadal koobanna kasoo jeediyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Cali Sh.Maxamed Cabdi. Mudanuha waxa uu ku sifeeyey kuna tilmaamay Abwaan X.Aadem-Afqallooc inuu ahaa Nin Dalmar ah, aqoonyahan ah, Mutacalimna ahaa Wakhti aynaan Mutacallimiin lahayn, Sidaasi darteed ayuu yidhi Wasiirku Suugaanta Xaajigu way ka Fac iyo Mugba wayntahay kana qiimo badantahay Suugaanta ay Abwaanadeena kale tiriyeen. Wasiir-xigeenku waxa ugu dambayntii uu aad ugu mahadceliyey una Hambalyeeyey Qoraagii Buuggan soo qoray ee Diyaariyey Maxamed Baashe X.Xassan.

s2020111.jpg

Intaasi kagadaal, Xidhiidhiyaha Barnaamijkan ayaa si guud mara uga hadlay Badheedhaha Buugga iyo Qoraagiisaba. Buuggan HAL AAN TEBAYEY waxaa Qoray Maxamed Baashe Xaaji Xassan, waana Buuggiisii Saddexaad, waxaana ka horreeyey Labo Buug oo kala ahaa HAL KA HALEEL oo ka warramaya Sooyaalkii iyo Suugaanta faraha badan ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi ), iyo Buuggiisa Labaad oo ah GURI WAA HAWEEN oo uu kaga hadlaayo Kartida iyo Waxqabadka Haweenka Soomaalida. Haddaba Qorista Buuggiisan Saddexaad ee HAL AAN TEBAYEY, ayaa waxaa ka caawiyey Qayb libaaxna ka qaatay Qoraaga weyn Rashiid-Gadhweyne iyo Abwaan Hadraawi iyo waliba Suxufiga Weyn ee sida Gaarka ahna Diinteena Suuban ee Islaamaka ugu Takhasusay waa Maxamuud Sh.Axmed Dalmar oo kasoo shaqeeyey kana midka ahaa Baalashii ay ku duuli jirtay Idaacadda BBCda iyo RAAD TV. Waxaanay Saddexdooduba isku raaceen oo ay sheegeen marka laga yimaaddo dhanka Suugaanta Xaajiga inuu ahaayoo kale Halgamaa iyo Aqoonyahan, sidoo kalena uu kamid ahaa dadkii ugu Cimriga dheeraa ee soo mar Dalkeena.

s2020113.jpg
Haddaba Badheedhaha Buugga oo ah Baal-Taariikheedkii iyo Gabayadii Abwaan X.Aaden-

Afqallooc, laga soo bilaabo Dhalashadiisii oo ku beegnayd 1871kii ilaa Dhimashadiisii oo ahayd sannadkii 1986kii. waxaanu Qoraagu Buuggiisa ku xusay waxyaabihii ku dhaliyey ee ku kallifay inuu inuu Buuggan uu ka qoro Xaajiga. Waxaanu Buuggan uu si qoto dheer ugu Bayaamiyey Suugaantii Shakhsiyaddii Aqoontii iyo waliba Mucjisooyinkii ku laabudnaa Abwaan X.Aadem-Afqallooc. Waxaana Xusid mudan oo aan kasoo qaadan karnaa Xaasaskii Xaajiga, kuwaasi oo faro badnaa isuguna jray Carab Eretariyaan iyo Soomaali. Ugu horreyna issagoo Dhalinyara Dalka Suudaana ku sugan ayaa waxa uu guursaday Gabadh Eretariyaan ah oo magaceeda la odhan jiray Caasha Bint Axmed Idriis, waxaanay Marwadaasi u dhashay Saddex Caruur ah. Laakiin Nasiib-darro Saddexdii Caruurta ahaa ayaa kala hallaabay midba meel uu ka dhacay Muddo markii Suudaan uu ku Xidhnaa Aabahood X.Aadem-Afqallooc, ilaa haddana lama garanayo Caruurtaasi meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeen, inkastoo lasheego Wiil kamid Saddexdaasi in lagu arkay Dalka Koonfur Afrika, laakiin warkaasi lama hayo cid xaqiijisa. Intaa kadib waxa kale oo uu Xaajigu Guursaday Gabadh Masriyad ah, oo la odhan jiray Zamiir Fahmi, waxaanay u yeelatay Wiil iyo Gabadh, laakiin Alle ha u naxariistee labadooduba way ka laabteen. intaa ka bacdi waxa uu kusoo noqday Dalkiisii Hooyo ee Somaliland, waxaana uu ku guursaday Saddex Haween ah oo lakala odhan jiray Faadumo Axmed iyo Xaawa Maxamed oo labadooduba aan wax Caruur ah u yeelan, iyo waliba Maryan Maxamed Guun-fadhi oo u dhashay Saddex Wiil iyo Gabadh. Nasiib wanaag waxaa xusid mudan in labo kamida ubadkii Xaajigu ay Xafladda kasoo qayb galeen , Wiilka oo la yidhaa Axmed X.Aadem-Afqallooc iyo Walaashii. Sawirka Axmedna waa kan:

Madashaashi qiimaha badnayd waxa kaloo ka hadlay makarafoonkana lagu soo dhaweeyey Labo Nin oo kala ah Xuseen Nuur Axmed oo ah Mulkiilaha Maktabada Caanka ah ee AL-XUSEYNI ISLAMIC STEREO AND BOOKSHOP, iyo Axmed Colaad Qorane. waxaanay Labadooduba aqoon gaara u lahaayeen sidoo kalena ay is yaqaaniin Xaajiga. waxaanay Madashaasi kasoo jeediyeen kana akhriyeen qaar kamida Gabayadii aan duugoobin ee dhaxalgalka ahaa ee Abwaan X.Aadem-Afqallooc. Haddaba Al-Xuseyni oo ka warramayey kulanadii uu la yeeshay Abwaanka, waxa uu si gaara usoo qaatay Maalin maalmaha kamida issagoo jooga Goob aan ka dheerayn meel uu Fadhiyey Xaajigu Su’aal la uu waydiiyey nin Ag fadhiyey Xaajiga, Taasoo ahayd:
 

Su’aashii Ninka: Xaaji Aaden Imisa Af ayaad ku hadashaa ?
Jawaabtii Xaajiga: Adeer imika Afsoomaaligaaba igu dirqiyee, berigii aan hadli karayey 32 Af ayaan ku hadli jiray Mid aan badsado iyo Mid aan yaraystaba.
Su’aash Ninka: Oo imika Suugaantii ma tirisid ?

Jawaabtii Xaajiga: Oo ma suugaanbaa nool sowta la yidhi Awliyo Allaay Adeeg.
Waxaanu Alxusayni intaasi raaciyey oo uu yidhi inkastoo jawaabtaa Labaad aan yar dhibsaday, taasoo ku saabsanayd Heestaa Cabdi-Qays uu lahaa ee uu qaadi jiray iyo waliba suugaantiisii kale oo aan aad u dhegaysan jiray oo aan is idhi tolow xaajigu miyuu yasayaa Cabdi-Qays. Laakiin Gadaal waxaan ka ogaaday waxyaabo badan.

Waxa kale oo halkaasi Kalmaddii Martida kasoo jeediyey Cabdalle Xaaji oo ka socday Raadyaha iyo Telefiishanka Jabuuti ee RTD, issagoo kamida Wariyeyaasha waaweyn ee sida gaarka ah ugu hawlan ururinta Suugaanta Soomalida ee kaydka Suugaanta Jabuuti, waxaana ka mida Barnaamijyada Suugaanta ee uu soo saarayaashooda ka midka yahay Barnaamijka TIX MAAL oo ah midka kaliya ee ka Godliya Bahda Suugaanta Soomaalida. Hadaba Cabdalle Xaaji uu dadkii dhalinyarada u badnaa ee Madasha ku sugnaa ku baraarujiyey in Taariikhda Abwaanku ka ballaadhantahay Dhawr iyo Tobankan Bog ee lagu soo ururiyey Waayo ayuu yidhi intani Maqaalna ma dhama, waxaana sabab u ah sidoo kalena Nasiib-darro ah Qorayaal aan jirin iyo Qoraal la’aan kaddib Badi ay halawday Suugaantii iyo Taariikhdii Halyeyyo Xusid Mudnaa sida Xaajiga oo aan Taariikhdiisa lagu koobi kareen Waraaqo kooban. waxaanu ugu dambayntii Cabdalle Xaaji uu ku boorriyey Dhalinyarii Ragga iyo Dumarkaba lahaa ee Goobtaasi ku sugnayd in ay wax bartaan si ay uga soo baxaan Qorayaal Faro badan oo wax ka qora Taariikhaha Duugoobaya ee Xiddigaha ummaddu la god galayaan.

Erayga Madasha ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Abwaan Axmed Aw Geeddi oo kamid ahaa qabanqaabiyaashii Xafladda, waxaanu isna hadallo duur-xul ah uu kasoo jeediyey Madashaasi, ugu horreyna waxa uu xusay Saddexda Abwaan ee issaga Summadda gaarka ah ku leh, kuwaasi oo kala ah uguna horreysiiyey Abwaan X.Aadem-Afqallooc iyo C/laahi Suldaan ( Tima-Cade ) iyo Abwaan Cali Xuseen oo uu Axmed Aw Geeddi sheegay in aanu ka Gabay yarayn Labadaa Abwaan ee hore, waxaana uu ku dhashay ayuu yidhi Magaalada Burco, waxaana uu u hayaamay Magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa Afhayeenkii ama Gabyaagii SYL. Intaasi kabacdi waxa uu Abwaan Axmed Aw Geeddi uu xusay oo uu raaciyey inuu X.Aaden-Afqallooc ahaa Abwaan leh Aqoon Diineed. Sidaasi daraadeed Abwaan Axmed issagoo si dadban garab u siinaya X.Aaden kana dhiidhiyaya eraygii Diin ahaan aan habboonayn ee Xaajiguba ka kahoday kuna Heesay Abwaan Cabdi-Qays ee ahaa AWLIYO ALLAAY ADEEG, ayaa waxa uu Axmed Aw Geeddina halkaasi kusoo bandhigay Maanso Liddi ku ah Heestaa Cabdi-Qays. Waxaanu Axmed Aw Geeddi ka waramay waxyaabihii ku kallifay inuu Maansadan Curiyo ayaa waxa uu yidhi ” Qisadaa lafteeda Cabdi-qays waxa laga waydiiyey Idaacadda BBCda, waxaanay su’aasha la waydiiyey ahayd:
 
Su’aashii BBCda: Cabdi Aadenow Habeenkii aad dadka ugu sheegtay Afsoomaaliga Diinta, ee aad tidhi AWLIYO ALLAAY ADEEG, dadkii sow Diintii Ilaahay may baran ?

Jawaabtii C.Qays: Haa, Camalna Ilaahay looguma tagee Awliyadaa lasii maraa, oo sheekh uunbaad dhab siinaysaa kadibna issagaa kula gurguuranaya oo Ilaahay kuu geynaya. meel kale oo Ilaahay loo maraana ma jirto.

Jawaabahaasi Cabdi Qays ayey ka dhalatay Maansadaydu oo aan Jawaab uga dhigay. Maansadaasi oo uu Abwaanku madasha ka akhriyey ayaa ahayd mid si baaxad leh uga warramaysa Waxdaaniyadda Alle ama Tawxiidul Uluuhiya. Hadaba Markii uu Abwaanku Maansadii dhammeeyey ayaa waxa uu ka cudur daartay in aanu uga jeedin in uu halkan uga jawaabo Cabdi-qays laakiin ay ula gashay Eraygan “Awliyo Allaay Adeeg” oo madasha lagu soo hadal qaaday. Waxaanu ugu dambayntii mahad ballaadhan uu usoo jeediyey Qoraaga Dhaska ka afuuray Taariikhda la illaabi gaadhay ee Abwaan X.Aaden-Afqallooc. sidoo kalena waxa uu si guud ugu mahad celiyey Qorayaasha reer Somaliland sida Boobe Yuusuf Ducaale iyo Xassan Cabdi Madar oo labadooduba Goobta ku sugnaayeen.

Ugu dambayntii waxaa Xafladda soo xidhay Erayga Qoraagana kasoo jeediyey Qoraaga Abwaanka Gabyaaga Mujeehidka Boobe Yuusuf Ducaale, Waxaanu ugu horreyn mahad celin ballaadhan usoo jeediyey Qoraaga Buugga Maxamed Baashe X.Xassan, oo uu sheegay inuu kamid ahaa Mujaahidiintii mujaahidiintii ay kuwada jireen Halgankii Hubaysnaa ee SNM, siiba dhalinyartii ka hadli jirtay Idaacaddii la odhan jiray Radio Halgan. Intaasi ka gadaal waxa uu Boobe Carrabka ku dhuftay Weerarkii difaacu Mooganaa Madashana ka maqnaa Waa Cabdi-qayse, waxaanu Boobe issagoo arrintaa ka hadlaaya uu yidhi ” waxaan jecelahay halkan inaan kusoo qaado Cabdi-qays oo aan innala joogin, oo ay ahayd in halkan lagu marti qaado mar haddii lasoo hadal qaaday ” Jawaabtaa Maldahan ee uu Boobe halkaasi kasoo jeediyey, waxa kale oo uu raaciyey madashana ka sheegay in Abwaan Xaaji Aadem-Afqallooc iyo Abwaan Cabdi-Qays ay silsiladdii Siinlaydana isku seegeen. Siinlay laftarkeeda oo ka dhalatay Murankaasi oo kale. Boobe waxa uu madashaasi kusoo qaaday oo uu ka xusay Cabdilaahi Qarshe oo ka mid ahaa Aabayaashii Fanka Soomaalida.
 
Diyaariye: Tifaftiraha Mareegta Goljano.com
Cabdisalaam Cusmaan Cumar-jeex.
Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.