Sida caadada ii ah mar aan booqanayey shabakadaha aadka uga hadla wararka iyo siyaasadda Somaliland ayaan la kulmay maqaal loogu magac-daray: Madaxda Xisbiga Kulmiye Ha Qadariyaan Karaamada Qaranka S/Land,
 Hana Dhawraan Hab-Dhaqanka Diblomaasiyadda Caalamiga Ah, Oo Ah Shay Aad Loo Ilaaliyo.

Maqaalkaasi oo aan ka biyo diiday ayaan jeclaystay in aan iftiimiyo hadalka dalabta leh ee maqaalkaasi xambaarsan yahay iyo sida ay ila tahay, ee aan xog ogaal u ahay. Sida aan cinwaanka ku xusanna, waxa aan difaac u ahay goobta uu liishaamay qoraaga maqaalkaasi.

Inta aanan dulucda aragtidayda guda gelin, maqaalkaasi kuma aan arag wax aan meel ka dhac ahayn. Waxanan ku tiriyey cidlo ka wareer aan war iyo wacaal hayn. Sheekada uu is daba mar mariyeyna waxa ay iila ekaatay mid mirqaansan, oo aan dib loo akhriyin. Sidaasi daraaddeed, sadar aan xigto, oo aan nuxur ku arko waan ka waayey. Waxanan ka badin waayey, in aan ujeeddada guud uun ka raaco, markaasaan sidan u abyey ereyadaydii.

Aan ku horreeyee waa kuma xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE….(sababta aan su’aashan ugu gaar yeelay mas’uulkaasi….hee….weererka ayaa isaga ku ekaa)?  Maxaase qoraalka xanafta leh loogu maagay?

Dr. Mahamed Abdillaahi, waa aqoon yahan iyo siyaasi reer Somaliland ah kana mid ah shakhsiyaadka ugu firfircoon xisbiga Kulmiye, waxana uu u ban-baxay inta awooddiisa ah in uu u hawl-galo danaha dadkiisa iyo dalkiisa. Had iyo jeerna waxa uu isku dayaa in uu halgankiisa u maro meelo ay adag tahay in ay cid walliba gaadho. Waxa aan ku aqaannaa daacadnimo, aqoon yahannimo, xishood badan iyo qaddarin uu siiyo qofkasta oo ay is yaqaannaan amma is bartaan.

Dr.Mahamed, waxa uu xisbiga Kulmiye u matalaa xoghayaha arrimaha dibadda. Intii uu shaqadaa qabtayna waxa uu soo hooyey guulo waaweyn oo la taaban karo. Qaddiyadda gooni isu taagga Somalilandna waxa uu gaadhsiiyey meel aanay weligeed gaadhin. Aad ayaanan ugu hambalyeynayaa hawshaa mugga leh ee uu dadka iyo dalkaba u qabtay.

Haddaba,sida caadada u ah waxa uu nasiib u leeyahay in uu la kulmo wasiirro, hay’ado siyaasadeed oo intuba wax ka tari kara yoolka Somaliland. Wasiirkii ugu dambeeyey ee uu la kulmaana waxa uu ahaa Lord Mallach-Brown, oo dalkan Boqortooyada Ingiriiska u matala wasiirka arrimaha dibadda ee Afrika iyo Asia. Kulankii ay wada qaateenna sida aan ka warqabo waxa uu ahaa mid dhinacyo badan taabanaya. Waxanay wada guddoonsadeen in ay yeeshaan wada shaqayn u adeegta horumarinta, dimuqraaddiyadda iyo nabadda dalka Somaliland. Laakiin sida maqaalkaa lagu sheegay warku maaha. Sida aadka ah ee uu qoraaga maqaalkaasi ugu talax tegey dhalliisha aan qaban ee uu ku suntay Dr. Mahamed, waa mid meel ka dhac ah, gefka intaasi le’eg ee uu saxaafadda u mariyeyna maaha mid uu oggol yahay sharciga dalkani Ingiriiska iyo ka caalamiga ahiba. Waxanan qoraaga maqaalkaa u soo jeedin lahaa in uu gefkaasi ka bixiyo raalli-gelin. Arrimaha kale ee uu xisbiga kaga hadlayna waxan u dhaafayaa guddiga fulinta xisbiga iyo inta ay khusayso.

Waxana mid lala yaabo ah, ninka caqligiisii siiyey in uu  wax aanu ka warqabin si qaldan u mariyo saxaafadda, waana mid nasiib darro u ah. Aqoonta iyo kartida uu Dr. Mahamed ugu adeegayo dadkiisa iyo dalkiisana maaha mid uu u quudhi waayo. Inta uu ceebo ka raadinayo walaalkii oo halgamayana waxa ka habboonayd in uu garab galo, oo uu kaba badiyo. 

Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisuna waxa ay indhaha ku hayaan dhacdada maalin laha ah ee loogu adeegayo ummadda amma lagu dhibaataynayo shacabka, wakhti dhawna waxa iman doonta in ay dhacdooyinkaasi mid mid uga daba tagi doonaan, oo ay sida ugu habboon ugu kala hiillin doonaan.

Tartanka doorashada iyo doorashada la filayaana way qabsoomi doontaa, walaahowganna waa laga bixi doonaa, waxanan ku talin lahaa in aanay axsaabtu xiisad gelin doorashada, afkaar iyo barnaamijyana ummadda loo gudbiyo,  lagana gudbo is dhalliil, is aflagaadayn iyo yooyootan. Sidaasi daraaddeed, ayaan u arkaa in xisbiga KULMIYE iyo maamulkiisu midna aanu maanta diyaar u ahayn muran iyo buuq.

 

A Goth
UK
shueebi@hotmail.com