Adeer Tv-yada iyo Jaraa’idka ka soo baxa Hargeysa ee noqday Makarafoonkii I dhagayso ama ha I dhagaysan , I Akhri ama ha Ikhriyin, walaahi wana u khajilay caydan , hadalkan qaawan ee bilaa qiimaha ah ee loo soo jeediyay gobolka Awdal kani akhrisanay aiyo kani qorayba waan u khajilay

Saxaafada wanaagsani Umada way dhistaa waa Raashin Maskaxda koriya, waa dareeraha ruuxda ilaah ina gashay Waraabiya, Waa Miisaanka dhinac loo raaco, tan Hargeysa ka soo baxdaa waa ta xarka Qabyaalada la yidhaahdo Kobcisa.

Waata cayda bilaa qiimaha ah faafisa, waata umada iyo wadamada dumisa, waata Bara kicisa umada, waata faqriga iyo balanbalka horseeda dib u dhaca iyo burburka waata hogaamisa waligan saxaafad noocani oo kale ah ma arag adduunka intaan ku noolahay.

Media-ha iyo Saxaafada Hargeysa ka soo baxda ma waxaa loo samaystay Cayda gobolada qaar iyo kala fogaynta umada S/land ee wada dhalatay ee doonida wada saaran ee isku danaha ah, Aniga oo u soo dhaadhacaya maqaalka nuxurkayga maalin dhawayd oo aan ka daawanayay Televisionka Madaxda Kulmiye rag madax isku sheegaya waxay ku hadlayeen inay caqli xumo ka ahayd iyo inay ka ahayd bayd gaabnimo, waa arrimo laga argagaxo oo saamayn ku yeelanaya dareenka dadka walaalahood ah ee reer Awdal.

1. Serverka ayaa u eexday Awdal ayuu ninkaasi lahaa.
2. Sideetan Cod ayuu Serverku ku qaldamay Awdal aqbali mayno Natiijada ka soo baxda Serverka.
3. Ninka qudha ku jira Komishanka ee reer Awdal ah ha is casilo waayo nagu keenay Serverka.,

Su’aan aan ku waydiiyo waar bahalkan Serverka ee aan karaahida intaa leeg aad u qabtaa ma reer Awdalbaa maxaa kugu diray.
4. Raga sida u hadlayay miyayna cod ka rabin gobolka Awdal ee Miisaanka badan ku leh Somalia haday cilmi tahay, haday caqli tahay iyo Tiro tahayba.
5. Marka loo fiirsaday habdhaqanka foosha xun iyo ajandaha siyaasadeed ee Kulmiyaysan ee Karaahida umad ku kala dhex abuuraya waxaan oranayaa qodobadan soo socda.

A. Hadaanad Serverka yooman xisaabka ah ee xaqa iyo baadilka kala saaraaya aad diidan athay ma rabtid Doorasho xaq iyo xalaal ah.

B. Hanjabaadan aad leedahay March 29 keeda Suurtiibaa la afuufayaa oo waa yoomal qiyaamihii adeer Cadaaladani caanteenka ah kaa aqbali mayno intaanan Kontiinarkan aan ku dhex jirno isku qalan Adeer meesha inagu kala kaxeeya.

Somalilandnimo                       Mar hadii ay sidan tahay
Sarta udubka dhexe iyo         Saldhigeedii aan ahay
Marka Saami qaybsiga           Saylac iyo Boorama Ayuub ay la siman tahay
Ninwaliba ha seegtee              Sidaan yeeli waan garan.


by Oday Suleymaan Maansheeye Iidle

Fikrada Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews