Hargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta si rasmi ah u horgeeyay Golaha Guurtida wareegto uu ku wargelinayo inay shaqadooda ka gutaan dib u dhaca ku yimid doorashada madaxtinimada, oo ay muddada u kordhiyaan xukuumada talada dalka haysa.
Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta oo uu guddoominayay Guddoomiyaha aqalkaasi Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa madasha ka soo xaadiray 62 Mudane, waxaana Xildhibaanada loo qeybiyay, isla markaana loo akhriyay waraaq digreeto ah oo uu Golaha u soo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo qoraal kale oo ay komishanka doorashooyinku ku sababeeyeen dib u dhaca ku yimid doorashadii madaxtooyada ee hore loogu heshiiyay inay dalka ka qabsoonto 29-ka bishan March, hase ahaatee dib u dhacday oo komishanku mar kale u cayimay 31-ka bisha May ee fooda innagu soo haysa.
Qoraalka Madaxweynaha Somaliland u soo gudbiyay Golaha Guurtida ee mudaneyaasha loo akhriyay ayaa u qornayd sidan:-
“Mudaneyaal, anigoo tixraacaya warqada ka soo baxday Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuna lifaaqan yihiin qorshaha wakhtiyaysan ee hawl fulineed iyo go’aanka Guddiga komishanka qaranka ee doorashooyinka, kaasi oo ay ku caddahay in doorashadii madaxtooyadu ay dib uga dhacday wakhtigii hore loogu tallo-gashanaa inay qabsoonto ayaan idiin soo gudbinayaa qoraalada halkan ku lifaaqan.
Haddaba sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerka lambarkiisu yahay 20/2001-da xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, wuxuu komishanku cayimayaa muddo u qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka.
Sidaas darteed, waxaan idiin soo gudbinayaa Go’aanka Komishanka doorashooyinka oo is fasiraya, si aad uga gudataan xilkiina dastuuriga ee ku qeexan Qodobka 83-aad, isla markaana aad qiimaysaan sida aynu ku gaadhi karno doorasho aan lahayn mad-madow iyo dib u dhac dambe hadii alle yidhaahdo.”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal uu Xildhibaanada u soo jeediyay wuxuu yidhi “Waxa Mudaneyaal la idiin qeybinayaa wixii xeerar ah ama ha ahaado Madaxweynaha ama Komishanka doorashooyinku soo gudbiyeen ha ahaado ee la cuskaday waxa ugu horeeya xeerkii doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, komishankana aasaaskiisu xeerkaasi ayuu ku jiraa kaas waa la idiin soo gudbinayaa, waxa kale oo aan idiin soo gudbinaynaa xeerkii diiwaan gelinta iyo lifaaqiisii oo wada socda.”
“Qodobka dastuurka ah ee 83-aad waxaan filayaa inaad dusha ka wada haysaan dastuurkiina aad wada haysataan, marka arrimahan oo kale la inoo soo gudbiyo wuxuu xeer hoosaadka Golaheenu dhigayaa inaynu haysano 24 illaa 48 saacadood oo lagu dul fikiro, maanta iyo barito soo akhridaan ka baaraan degtaan Sabtidana aynu iskugu nimaadno oo hawsha nuxurkeedii uu inoo bilaabmo,”ayuu yidhi Md Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in marka dalku xaaladan oo kale galo uu xil ka saaran yahay Mudaneyaasha golaha guurtida.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay ciidamo boolis ah oo aad u badan oo saaka golaha la keenay oo aanay shirgudoonka labada gole aanay dalban, wuxuu yidhi “Saaka Ciidamo badan ayaan xerada ugu imid sidii dhaqanku inoo ahaan jirayna ciidamadu xeradu dibada ayay ka joogi jireen, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladana waan weydiiyay oo wuxuu igu yidhi uma aan yeedhan, hadii aynu u baahano inagaa u yeedhan doona ee waa inay dibada naga joogaan.”
Ka dibna sidaasi ayuu shirkii ku soo xidhmay waxa fadhigaasi goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano tiro badnaa oo ka socday Golaha Wakiilada iyo dadweyne kale.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Golaha Guurtida Oo La Horkeenay Muddo Kordhinta Xukuumada Rayaale Iyo Jawigii Maanta Ee Aqalka Odayaasha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback