Madaxweynaha Sudan, Cumar al-Bashir, ayaa booqasho ku tegey waddanka Masar. Waa socdaalkiisii labaad ee uu dibadda ku tago tan iyo markii Maxkamadda Caalamiga ah Dembiyadu ay amar ku bixisay in la soo qabto Madaxweyne Bashir oo lagu eedeeyay inuu galay danbiyo dagaal.
Madaxweynaha Sudan, waxaa gegida dayaaradaha ee Qaahira ku soo dhaweeyeya Madaxweynaha Masar Husni Mubarak,
Masar iyadu xubin kama aha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada, kuwaasi oo ay tahay inay xiraan dadka ay maxkammadu amarka ka soo saarto marka ay waddankooda yimaadaan.
Madaxweyne Omar Al Bashiir ayaa booqday Isniintii waddanka Eritrea. safar ay mas’uuliyiinta Sudan ku tilmaameen jawaab toos ah oo ay ka bixinayaan go’aanka maxkamadda caalamiga ah..
Waxaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka ururka carabta ee ka dhacaya toddobaadkan dabayaaqadiisa waddanka Qatar.
Bbcsomali


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxweynaha Sudan Md.Cumar Al-Bashir Ayaa Booqasho Ku Tegey Waddanka Masar. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback