Boorama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa maanta laga xusay maalinta caalamku u aqoonsaday in lagu xusuusto cudurka TBda, Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta Analeno TB hospital ayaa waxa kasoo qaybgalay masuulyiinta wasaaradda caafimaadka G/Awdal, kan degmada Boorama , xildhibeenno ka tirsan g/degaanka, culimaauddiin iyo martisharaf kale.
Xafladdan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay maamulaha isbitaalada guud ee Boorama Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye isagoo dhakhtarku ka hadlay dhibaatooyinka cudurka qaaxadu ku hayo dadyawga dunida, gaar ahaanna Soomaaliland waxana uu ka hadlay oo kale sida xukuumadda Soomaaliland iyo ha’daha caawiyaa uga qayb qaateen sidii ay xanuunkaasi uga yarayn lahaayeen dadweynaha iyadoo kumanyaal qof oo ka kala yimid dalalka deriska iyo gobolada Soomaaliland ilaa haatan laga daweeyey xanuunkaasi.
Maamulaha isbitaalka qaaxada Boorama Axmed Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horreyn ka hadlay taariikhdii lagu aasaasay isbitaalka Guud ee Analeno, kaasoo markii ugu horreysay dalka Soomaaliland ka dhigay isbitaalka ugu weyn ee xanuunkaasi lagaga daaweeyo boqolaal qof, isagoao dhinaca kalena ahaa isbitaalka keliya ee ka jiray dalka sannado badan intii aan la samayn isbitaalada kale ee dalka, waxana Axmed Faarax xusay in cid kastoo ka qayb qaadatay dhimihiisa ay mudantahay in la xuso .
Sidoo kale ayaa munaasabaddan maanta waxa ka hadlay qaar ka tirsan culimada diinta ee Booramak uwaasoo ka hadlay sida diinta islaamku u dhiirrigelinayso in loo naxariisto bukaanka, sidaa darteedna loo baahan yahay in had iyo jeer loo naxariisto dadka ku jira.
Munaasabaddan maanta ayaa sidoo kale lagu sooa bandhigay maadays lagaga hadlayey sida dadweynaha qaba xanuunka TB-du ay ceebta ugu haystaan inay tusaan dhakhaatirta iyo sida aakhirataanka ugu dhintaan qarinta cudurkaasi .
Wariye :-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Magaalada Boorama Oo Maanta Laga Xusay Maalinta La Dagaalanka Cudurka TB-da . "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback