Borama-(Lug)-Golaha guurtida Soomaaliland ayaa shalay mar kale la horkeenay mooshin kale oo laga yaabo in lagu oggolaado muddo kordhin kale oo loo sameeyo xukuumadda Rayaale kaddib markii ay dhammaatay muddo kordhin hore oo ay guurtidaasi u meelmariyeen xukuumadda wakhtigeediina u dhammaaday.
Haddaba markaad eegto jawiga siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo wawareegga xukuumaddu ku doonayso inay talada dalka ku haysato awood nin kale siiyo ama Gole mar kastana lagu xadgudbo xuquuqda xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka ee Kulmiye ayaa laga yaabaa inay keento wax ka duwan wixii hore ee Soomaaliland lagu yaqaannay.
Mar kasta oo xukuumadda Rayaale ka tallaabsato sharciga isla markaana la fahmo ujeedooyinkeeda ayaad dadweynaha Soomaaliland la qabsadeen muuqaalada caasimadda Hargeysa kusoo kordha, Sida Ciidammo la dhigo jidadka, Jidgooyooyin cusub iyo Sawaxan isugu jira hanjabaado iyo xaalad nabadgelyodarro oo aan jirin iyadoo maanta sadex qaybood oo dawladda la xidhiidhaa wadaan arrimo loogu mar-marsiinayo muddokordhin kale oo loo sameeyo xukuumadda kuwaasoo ay hormood ka yihiin Komishanka, Guurtida iyo baarlamaanka.
Sidoo kale ayaa wakhtiyadan oo kale waxa caasimadda kasoo baxaya kooxo dawladdu dabada ka riixayso oo warbaahinta kasoo jeediya hadallo liddi ku ah xuquuqda xisbIga Mucaaradka ee Kulmiye, hadaladaasi ay ka mid yihiiN.
” Kulimiye Hargeysa Ha Ka Baxo, Nabadgelyaduu Xumaynayaa Iwm.”
Sidoo kale ayaa wakhtiyada xukuumadda la geliyo cidhiidhi siyaasadeed lagu arkaa caasimadda culimaa’uddiin iyo sheekhyo masaajidyada dadweynaha kaga wacdiya siyaasadda dalka isla markaana garabsiiya xukuumadda.
Culimada soo baxday wakhtigan Rayaale iyo kooxdiisu khatarta ugu jiraan in lagaga guuleysto siyaasadda dalka ayaa waxa u dambeeyey Sheekha aadka loo dhegeysto Sheekh Aadan Siiro oo dhawaan sidaan ku arkay wargeysyada dalka qaarkood si dadban u weeraray siyaasadda xisbiga Kulmiye, Markii aan akhristay hadaladiisiina aan hoos isku idhi Sheekha waxa u wanaagsanayd inuu UDUB iskaga biiro ama wacdigiisii Diiniga ahaa kasii wato masaajidyada sida uu Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar uga baxay arrimaha dawladda iyo mucaaradkeedaba.
Si kastaba ha ahaatee waxa la jooga wakhti kale iyo maalin kale oo indhaha dadka reer Soomaaliland ku jeesteen labada gole ee dalka ugu taliya si ka duwan sidii Ilaahay yidhi ee caddaaladda ahayd, kuwasoo kala ah Guurtida iyo Baarlamaanka, waxayna dadku isweydiinayaan su’aalo fara badan oo la xidhiidha waxa doorkan guurtidu ka yeeli doonta mawqifka xisbiga kulmiye ku go’aansaday in 6-da April tahay maalintii ugu dambaysay ee Rayaale dalka xukumo haddii aanay dhicin doorashooyin .
Dib udhigista wakhtiga doorashooyinku dhici doonaan iyo mawqifka isku midka ah ee ay taagan yihiin xisbiga UCID, UDUB, Komishanka iyo Madaxweynuhu ayaad mooddaa inay iskuna haysteen dagaal siyaasadeed oo lala galo hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.
Waa dagaal siyaasadeed kii ugu weynaa ee lala galo xisbi keliya oo isbeddel siyaasadeed doonaya, laguna horjoogsanayo dimuqraadiyadda iyo doorashooyin si nabadgelyo ah uga dhaca oo mustaqbalka dalkani ku xidhan yahay, waxayse arrintu tahay maxaa ku xigi meelmarinta muddo kordhin kale oo Guurtidu u ansixiso xukuumadda, wax shuruud ahna aan lagu xidhin hadii muddada kale ee loo qabto xukuumadda waxba ka socon waayaan doorashana dhici weydo 31-ka May 2009.
Jawaabaha su’aalahaasi iyo kuwa kale oo la mid ah ayaa jawaabahooda yihiin kuwa iska caddaan ah .Waa tan koowaade inkastoo aanay Guurtida maantu ahayn tii shalay ansixisay muddo kordhinta waxba ka socon waayeen, waxay isku dayi doonaan inay meelmariyaan muddo kordhin cusub oo loo sameeyo xukuumadda lana baabiiyo wakhtiga xisbiga Kulmiye ka dhigtay kala guurka , Waa tan labaade xisbiga Kulmiye ayaa isagana la marsiin doonaa muddo kordhintaasi marka la dhaqdhaqaajiyo sheekhyada magaalada Hargeysa , Salaadiinta, Taageerayaasha xukuumadda iyo Ciidamada si loo cabsi geliyo masuulyiinta Kulmiye, kuwaasoo la filayo inay cabsi awgeed mar kale cidlo kaga tegaan taageerayaashoodii xabsiga cusub ee Hargeysana uu qaabilo raxantii ugu horreysay.
Ugu dambayntiina dagaal siyaasadeed oo hor leh ayaa maanta ka socda Golayaasha Qaranka, xisbiyadda qaranka iyo golaha Guurtida, iyadoo baarlamaanku iskula maqan yihiin miisaaniyad madmadow badan leh oo ay soo malmaluuqeen masuulyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo dagaalka siyaasadeed ee guurtidu u gashay muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Rayaale , Labadaa dagaal ee mustaqbal siyaasadeed ee Soomaaliland ku xidhan yahay ayaan la saadaalin karin cidda ku guuleysan doonta iyadoo ay isku waajihi doonaan hoggaamiyayaasha Kulmiye iyo maamulka Rayaale , komihanka, UDUB, ucid iyo ciidamada kuwaasoo ku kibray guulo isdabajoog ah oo ay xisbigaasi xoog iyo xeerba kaga qaateen, markii la iskugu tegey lagana yaabo inay maanta guul kale oo aan xaq ahayn kasoo hooyaan go’aanka Kulmiye kaasoo haddii ay ku guuleystaan xukuumadda ku kici doona qiime aad u sarreeya.
Ugu dambayntiina kaambayn kale oo xisbiga kulmiye lagu duudsiyo xuquuqda uu u leeyahay in la doorto, Waxna doortaayi, mar kalena xoog lagaga qaato haddii uu ku guuleysto doorashooyin ka dhaca dalka ay dadweynaha Soomaaliland iyo beelaha dhexeba ku adkaan doonto sidii qaybahaasi dib loogu soo celin lahaa Soomaalilandnimada iyo tolnimada
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaa Laga Fili Karaa Doodda Golaha Guurtida Ee Ku Saabsan Muddo kordhin Bilaa Dammanad Ah Oo Loo Sameeyo Xukuumadda Rayaale "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback