Waxan Maanta Mabadgelyada Ka Ilaalinaynaa Inay Xukumaddu Wax Yeesho’’
‘Wasiirka Maaliyaddaa La Weydiiyey Lacagtii Jidka Boorama-Dila Ugu Jirtay Miisaaniyadda, Wuxuna Yidhi…’’.
Borama-(Lug)-Garab ka mid ahaa garabyada beelaha reer Boorama horena taageero usiin jiray xisbiga UDUB ayaa sheegay inay ka baxeen taageeradii xisbiga UDUB isla markaana ku biireen xisbiga kULMIYE.
Xaflada lagu soo dhaweynayey taageerayaasha beesha Muusefiin, kana tirsan Ardaayada beesha H/cafaan, laguna qabtay xarunta xisbiga kulmiye ku leeyahay Boorama, isla markaana ay kasoo qaybgaleen musharraxa mansabka madaxweyne kuxigeenka xisbiga kulmiye Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil, Axmed xuseen Oomane kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, maamulka xisbiga ee gobolka Awdal taageerayaal iyo martisharaf kale ayaa waxa halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwayne kux xigeenka xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan Saylci isagoo yidhi ” Shan ama Lix sano ku dhawaad ka hor markii aan ku biirray xisbiga kulmiye reer Boorama waynala yaabbanaayeen , wayna na takooreen iyagoo noo arkayey inaan raacnay xisbi aanu hoggaaminayn siyaasi reer Boorama ah, arrintaasi waxay maanta noqotay in dadkii waagaa nala yaabbanaa noona arkayey cadow shisheeye la saftay ay maanta noo garaabeen naguna taageereen mawqifkayaga isbeddeldoonka ah .Waxa jira qaar ka tirsan taageerayaasha dawladda Rayaale oo ka shaqeeya kala fogeynta dadka walaalaha ah isla markaana shabakadaha ay maamulaan ku baahiya warar xumaan iyo naxli xambaarsan oo lagu kala dilayo beelaha reer Awdal ee u dhashay gobolka, waxaan leeyahay xumaan la abuuro iyo dacaayado la fidiyaa guul ma noqdaan .Aadbaan ugu faraxsanahay unasoo dhaweynaynaaa taageerayaasha beesha Muusafiin haddii maanta ay garteenh in masiirkoodu ku jiro xisbiga Kulmiye.
Waxaanuu intaasi raaciyay “in ku soo biiridani ay ka turjumayso Baaxada ay leedahay dadka Isbadalka doonaya, Kulmiye wuu leeyahay Laab qaada cid walba waxa la gaadhay wakhtigii la garowsan lahaa Maamulxumada iyo Dib u dhaca Xisbiga Xukuumada waana hubaal in Annaga oo wada jirna aan guul soo hoynayno”.
Mud Axmed Xuseen Oomane oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ”Aadbaan maanta ugu faraxsannahay in Beel ka mid ah beelaha H/cafaan ee aan kasoo jeedaayi xoog kale kusoo biiriyaan xisbigan, aadbaan ugu faraxsannahay inaad maanta garateen in nidaamka maanta dalka ka taliyaayi meel idin gaadhsiinayn.
Md.Ibraahim Aadan Qaalib wakiilka xisbiga Kulmiye ee G/Awdal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isagu si gaar ah uga hadlay dacaayadaha xisbul xaakimka iyo taageerayaasha UDUB ka dhaadhicinayeen bulshada reer Awdal , isagoo sheegay inay mar walba yidhaahdaan Axmed Siilaanyaa neceb reer Boorama waa nacayb iyo xumaan laga dhex abuurayo bulshada iyadoo aan ognahay inaan Axmed Siilaanyo wax hadal ah ama aflagaado u geysan bulsha weynta reer Awdal. Madaxweynaha waa la dhaliili karaa, waana lagu qabsan karaa shacbiga laakiin maaha in marka la dhaliilo madaxweynaha la yidhaa reer Awdalbaa la caayey.
Md.C/laahi ismaaciil Oogle (Xiirane) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo qaaday musuq-maasuqa ka jira dawladda dhexdeeda iyo sida loo waayey lacago horumarinta gobolka Awdal ugu jiray miisaaniyadda isagoo yidhi ‘maanta waajibkeennu waxa weeye inaan xukuumadda ka ilaalinno nabadgelyada, iyadaa qaska wadda oon doorasho diyaar u ahayn. Shalay wasiirka maaliyadda baarlamaanka lagu weydiiyey meesha ay ku dambaysay lacagtii lagu samayn lahaa jidka Boorama-Dila meesha ay ku dambaysay wuxuu ku jawaabay waa sir oo sheegi mayo, Ma lacagbaa sir noqotay.
Md.Axmed Muxumed Geelle Dacar kana mid ah masuulyiinta xisbiga Kulmiye ee G/Awdal ayaa isna ka hadlay garabka kusoo biiray xisbiga kulmiye ee beeshiisa ka tirsan isagoo yidhi “ Ragga maanta kulmiye kusoo biiray waa kuwii shalay doorashadii baarlamaanka na dhibay, beeshana geyeysiiyey inay xildhibeen kasoo baxa Kulmiye ku yeelan waayaan golaha markii ay dagaal siyaasadeed nala galeen, waana ilaahay mahaddii hadday garteen maanta inay waagaa qaldanaayeen oo ay maanta sax yihiin waanan soo dhaweynaynaa”.
Sidoo kale ayaa munaasabaddan maanta waxa ka hadlay xubno ku hadlay magaca beesha Muusa-Fiin ee soo digo rogatay, kuwaasoo kala ahaa Maxamed Maydhane Ibrahim, Maxamed Xaaji Cabdi Ducaale, Cumar Barkhad Cabdi iyo Abiib C/laahi Warsame kuwaasoo dhammaantood ka hadlay sida beesha muuse-Fiin diyaarka ugu tahay inay taageeradoodii kala soo noqdaan xisbiga UDUB oo ay saddex doorasho codkooda siiyeen “‘.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Garab Ka Mid Beelaha Reer Awdal Oo Kasoo Digorogtay Xisbiga UDUB Kuna Biiray KULMIYE + Sawiro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback