Shirjaraa’id oo uu qabtay gudoomiyaha ururka dhalinyarada DANDHAWR. ee Borama. Saaka ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo dhawra oo ay ka mid tahay taageero ay ufidinayaan BEEL WAYNTA MUUSAFIIN oo aayahooda ka tashatay iyo arrimo kale oo ku saabsan siyaasada Somaliland. Gudoomiyuhu isgaoo hadalkiisa bilaabaya waxa uu yidhi sidan.
“Anagoo ku hadlaya ururka dhalinyarada ee Dandhawr Awdal Borama,waxaan soo dhawaynanaa go’aanka ka soo baxay beel waynta MUUSAFIIN. Ee ay ku doorteen masiirkoodii waxanan leenahay waad ku mahadsan tihiin waana la inid wada sugayay inaad ku dhaqaaqdaan arin noogaanoo kale.
Waa arin taariikhiya oo loo baahnaa in ay beeshu meel ku biyo shubato. Waana ilaahay mahadii hadii ay beeshu danteedii iyo masiirrkeedii garatay.
Waxan leenahay hadii aan nahay ururka dhalinyararda ee dandhowr waa uu ini garab taagan yahay hadh iyo habeen waanan ini soo dhawaynaynaa hadanu nahay ururka DANDHAWR.
Anagu markii hore waxaanu ahayn taagerayasha xisbiga udub ugu waawayn , markii aan aragnay Cadaalad-darada, Musuqmaasuqa, Xatooyada, isku adoonsiinta waxaa naga go’naatay inaan faraha kala baxno Xisbiga UDUB iyo wixii sheegtaba.
Markaa hadanu nahay ururkan dhalinyarada ah ee reer Borama mar labaad waan taageersanahay BEELWAYNTA MUUSAFIIN. go’aanka ay qaadatay kuna dooratay masiirkeedii ay ku taageerayso Xisbiga Kulmiye.
Allaa Mahad Leh.
Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada DANDHAWR Jaabir Ali Omer.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Warsaxaafadeed Uu Qabtay Guudoomiyaha Ururka Dhalinyarada DANDHAWR Oo Uu Ku Taageerayo Beelwaynta Muusafiin Ee Ku Biirtay Kulmiye "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback