Hargeysa-(Lug)-Garabka isbedel doonka Xisbiga UDUB, ayaa  Golaha Guurtida uga digay inay mar saddexaad muddada u kordhiyaan Madaxweyne Rayaale,
 oo ay ku eedeeyeen inuu ku tuntay sharciyadii dalka isla markaana doonaya inuu xoog ku haysto talada Somaliland.

Kooxdaasi waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen guriga Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Md. Ismaaciil Aadan Cismaan [Ismaaciil Yare].

Eng Ismaaciil Aadan Cismaan oo shirkaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Waxaan soo qaadanayaa berigii Ina Xaashi, Gaboose Iyo Jamaal Caydiid, waa kuwii ku dhawaaqi jiray Urur, markii ay ururkii ku dhawaaqeen waa kuwii goob walba intay dadweynaha iskugu yeedhaan ka khudbadayn jiray, barigaasi ayaan hadal idhi oo xisbiga UDUB ee aan ka soo jeedo ee aan maanta weli ahay u naxayay qaabka iyo sida siyaasada iyo nidaamka oo la jabinayay ay u socoto, oo xataa axsaabtii kale ee sharciga ahaydna aanay Kaambaynkii bilaabin, ayaan eray idhi oo waxaan idhi maxaa albaabada loogu xidhi waayay oo loo eeganayaa, Gaboose, Ina Xaashi iyo Jamaal waa niman qiimo leh, markaa haddii ay aqalo intay kiraystaan ay dadka gudihiisa kula shiraan waxba may ahaateene, fagaarayaal ayay ahayd.”

“Runtii Eraygii aan Gaboose idhi iska eray siyaasi ah ayuu ahaa laakiin waan ka gardarnaa, Ina Xaashi Abtigay isaga waa gardarro odhan maayoo, abtigay in badan ayuu I gugujiyay, Jamaal Caydiidna inanka aan abtiga u ahay waxba berigaa ma aan odhan, berigaa  waxaa loo aaneeyay in eraygii aan idhi lagu xidhay lagumana xidhine’e dawlada  anigu berigaa kuma aan jirin oo waxaan ahaa nin shicib ah oo sidan imika aan dibada uga joogo uga joogay,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Wasiirkii hore ee wasaarada Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay in markii la xidhay madaxdii Urur siyaasadeedkii Qaran, uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, waxaanu yidhi “Rayaale ayaa ii yeedhay oo waan la fadhiistay, waxaan maanta jecelahay inuu ina Rayaale I dhegaysto haddii kale intii wax dhegaysan jirtay haddii ay doonaan ha u gudbiyaan, oo sidii xumayd ee ay ugu fasiri jireen ha ugu fasiraan, waan la fadhiistay barigaa waxaan ku idhi Madaxweyne inaad xidho may ahayn saddexda nin, waxay ahayd uun meelaha ay shirarka ku qabanayaan ee fagaareyaasha ah inaad ka xidhaan oo aad ka hor-joogsataan, dabadeedna inta uu dareen aad ah qaatay oo uu jidhka is geliyay ayuu yidhi ma aha waxay geysteen ayaanad ogayn waa la xidhayaa dabeedna waan iskaga aamusay. Nin ay saaxiib yihiin oo dhintay illaahay ha u naxariistee oo aan aniguna siyaasada saaxiib ku ahayn, ayaan Telefoon London ugu diray oo aan ku idhi nimankii Qaran waa kuwan xidhane’e maad ninkii la hadashid, ka dibna inta uu qoslay ayuu yidhi halka uu ka taagan yahay ayaanad ogayn, wuxuu yidhi labada nin ee Ina Xaashi iyo Jamaal waxba uma haysto, haddii uu Gaboose uu sharci uu kula hadhi karayo uu heli lahaa xabsiga ayuu u sii dayn lahaa oo meel xun ayay ka taagan tahay.”

“Waxaan ku idhi Madaxweyne imika ma ahi Wasiirkaagii Daakhiliga, laakiin waxaan ahay nin shicib ah oo Wasiirkaagii daakhiliga ahaan jiray ee aan isu warano, waxaan ku idhi Madaxweyne maalintii aad aniga I eriday waan la yaabayay oo waxaan lahaa siddee ayay u dhacday, oo waan u qaadan la’aa illayn xanuun ayay ahayd. Waxaan moodayey wax aynu wada leenahay aan soo saarnay oo aanu ku dooranay, waxaan ku idhi illaahay wuu iga daweeyay oo waan caafimaad qabaa oo waan ka bogsaday, waxaan ku idhi maalintaa kollay sirdoonkaagu way kuu waramaane maalintii aan ahaa Wasiirka Daakhiliga maanta ayaan ka sharaf badan nahay kana magac weyn nahay. Sababtoo ah suuqa markaan marayo waxa la igu yidhaahdaa Wasiir kaamuu dambayn dawladina kaama ay dambayn.”

Eng Ismaaciil Aadan, oo daba socday hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyada, wuxuu yidhi “Cawil baa laga fadhiyi waayey oo yidhaahda Ismaaciil Yare soo xidha, wax kalana kama gubanayo, wuxuu ka gubanayaa waxa runta ah marka la sheego, Cawil haddii aad tahay in yar baan ku xusuusinayaa  Rayaale haddii aad tahayna in yar ayaan ku xusuusinayaa Rayaale iyadoo illaa siddeedii bilood ee ugu dambeeyay ee aan Wasiirka ahaa oo aanaan iskuba wanaagsanayn aniguna runtii aan iska daalan nahay, isaguna aanu haynin qaabkii uu iigu odhan lahaa iska tag ayaa ii yeedhay.

Qoladayada UDUB dib u wada eega kuwa imika dadka u geeyaa waa kuwii shalay xisbiga KULMIYE ka soo baxay ee wada caayay, kuwa imika meelahaa wakiilada uga ah ee xisbiga meelahaa u tagaana waa kuwii rikoodhadoodii iyo caydoodii la hayo, yacnihii kuwii xisbiga u ahaa kuwaasi ayaa uga dhow u gelida iyo la joogitaankaba, kuwaasi ayaanu Wasiiro ka dhigay.”

“Rayaale ayaa ii yeedhay bilihii ugu dambeeyay oo wuxuu igu yidhi ninka Carbeed ee Al Cammuudi ee Addis ababa Fooqa ka dhistay ayaa raashin mucaawimo ah inoo keenaya, anigu Wasiir Daakhili ayaan ahayoo shaqadaydaba ma aha raashin mucaawimo ahi, waa yahay baan ku idhi markuu igu yidhi dadka ayaynu u qaybin doonaa markii dambe ayaan  ogaaday in Cawil raashinkii ku maqan yahay mar dambe ayaan ku idhi Cawiloow mee Raashinkii wuu imanayaa ayuu igu yidhi.

Wixii markii aan dib u baadhayna illayn jabuuti ayuu kaga iibiyay Ganacsade  reer Somaliland, maba garan karo ninkaasi xoolo xalaal ah ayuu haystaye wax tuugo ah oo ummadu ay leedahay oo lagu caawiyay iibkeeda. Ha ka dilaacin waxaad geysatay waa waxaas oo miidhane, oo waxaad tahay musuqmaasuqa aabaheed waxaaguna waa qeybidaa adigaana Rayaale baray musuq maasuqmaasuqa.”

Ismaaciil Yare wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu sifo xaaraan ah u iibiyay xaafada Hindiyo line-ka, waxaanu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Beeraha, waxaanu yidhi “Wasiirka Beeraha waxaan leeyahay ha is hafrin, anigoo Wasiir ah ayaad iigu timid, saaxiibkayna weeyaan arroorta haddii la eryo dayn uu kala tago mooyee waxba kalama tagayo, waan garan waayay siduu u sheegay markuu leeyahay waxaanu noqonay shilin, Gafane iyo haddana waxaanu noqonay Gabaaray, dee wuxuu tilmaamayaa isaga Rayaale, xataa Axmed Yuusuf Yaasiin, ma tilmaamayo waayo nin waxanba og ma aha shacbigu ha fahamsanaado Gabaarayda uu Wasiirku sheegayaa waa Rayaale iyo Cawil.”

Wasiirkii Hore wuxuu sheegay in Madaxweyne Rayaale yahay Madaxweyne caleentiisii dhammaatay, oo dhammaystay shanti sanadood ee la soo doortay iyo muddadii loo kordhiyayba.

Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, kaga jira xisbiga UDUB lagana soo doortay Gobolka Tog-dheer, ayaa hadal uu ka jeediyay shirkaasi wuxuu  sheegay in dadka reer Somaliland ay sharfeen balse uu garan waayay sidii loo maamuusay., waxaanu yidhi “Waxaad moodaa Madaxweyne Rayaale inaanu dareensanaynba ummadan karaamaysay, Madaxweynuhu markuu fahmi waayay xilkiisa wuxuu dalkiiba ka dhigtay Kambani uu isagu iska leeyahay, oo uu ka xoogsanayo.”

Mudane Farxaan wuxuu Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisan ku jirta xilliga kala guurka ah uu ku eedeeyay musuq maasuq oo ay boobayaan hantidii dalka.

“Waxaan leeyahay Madaxweyne waa lagu maamuusaye ma waxaad ku tagi si sharaf leh oo waxaad ahaan muwaadin reer Somaliland ah oo Gurigaaga fooq ah ee baarlamaanka ku nool, oo dadkiisu jecel yihiin mise waxaad noqon mid fool xumo ku taga,”ayuu yidhi Md Faraxaan.

C/raxmaan Maxamed Ducaale oo ka tirsan kooxda isbedel doonka Xisbiga UDUB ayaa isaguna Golaha Guurtida ugu baaqay inaanay muddada u kordhin Madaxweyne Rayaale oo uu xusay inuu wakhtigiisii dhammaaday.

Sidoo kale waxa shirkaasi ka hadlay Xasan Jaamac iyo Maxamed Odawaa Cigaal oo labaduba ka tirsan Golaha dhexe ee xisbiga UDUB, kuwaasi oo naqdiyay Hoggaaminta Madaxweyne Rayaale, waxaanay Golaha Guurtida uga digeen inay mar saddexaad u kordhiyaan maamulka xilligan dalka ka jira.

Ramaasnews