breaking-news.jpgHargeysa-(Lug)-Kulankii Golaha Guurtida ee maanta oo ay iskugu yimaadeen 79 Mudane, oo lagaga doodayay muddo kordhinta doorashada ayaa waxaa loo codeeyey mudada ay noqonayso dib u dhigistaasi,waxaana in Lix bilood dib loo dhigo u codeeyey 42 Xildhibaan,halka 35 xildhibaana ay ka soo horjeesteen muddo kordhintaasi, Hal xildhibaana wuu ka aamusay, Gudoomiyuhuna ma codayn.

Waxaana lagu heshiiyay in Doorashada la qabto 29 September 2009, balse uu madaxwaynuhu xilka sii hayn doono ilaa 29 October 2009, taasi oo Muddo bil ah ka dib Doorashada sii hayn doono oo uu ku wareejin doono Madaxwaynaha cusub ee doorashada lagu soo doorto.

Waxaana guurtida mudadii ay morankan ku jireen ka dhex dhacay sawaxan xoog leh, moran xoog leh ayaa hadheeyey balse arrintu waxay ku soo gabogabowday oo ay ku dhamaatay in mudadaasi lagu soo diyaariyo mudada doorashada.

Dhanka kale  ayaan wax war ah laga hayn dhanka Xisbiyada Mucaaridka, waxii warar ka soo kordha kala soco Shabakan wararka ee Lughayanews.


Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Hargeysa