Waa Barnaamij Ku Saabsan Wacyigalinta Maaraynta Qashinka ee Sariibadaha Boorama”
Boorama-(Lug)Ururka Gabdhaha ee Moonlight ee magaalda Boorama ayaa maanta galinkii dambe qabtay bandhig mastixiyadeed wacyi galin ah oo ka hadlaya ahmiyada ay leedahay ilalinta nadaafada goobaha sariimadaha ah ee hilibka
lagu iibiyo ee magaalda boorama. Madshan ayaa waxa goob jog ka haa qaybo tiro badan oo kamid ah hawenka ka qanacsada hilibka eeka hawlgala labada sariibadood ee Boorama iyo masuuliyiinta gudiyada sariibadahaas ee gagaalada Boorama.
Gudoomiyaha ururkan Moonlight Ramla Sh. Muuse Cismaan oo ka hadashay madashan ayaa xustay in ujeedadu ay tahay iskaashi dhinaca nadafada ah oo waara waxa kale oo ay xustay in bandhig masrixiyadeedkan galabta loogu talo galay in uu gudbiyo fariimo mihiim ah oo dhinac nadaafada ah taasi oo la doonayo in ay gaadho cid walba oo danaynaysa ilaalinta nadaafada goobaha Sariibadaha ah. Waxa kale oo ay u mahadnaqday dawlada hoose iyo hayada CESVI oo barnaamijkan gacan ka gaysanaysa.
Gudoomiye Ramla waxa kale oo ay xustay in uu ururka Moonlight soo bilaabay hawlaha nadaafada sanadii 2003dii sababta ayaanay ku micnaysay in ururkan oo ah urur u gaar ah hablaha uu yahay mid si fudud u dareemi kara ilaalinta iyo daryeelka nadaafada marwalba. Mar ay ka waramaysay hawlaha kale ee kobcinta bulshada ah ee uu ururkani ka qayb qaato ayaa waxa ay xustay in ay Moonlight gacmaha ku hayso 20 haween ah oo ay siiyaan waxbarasho aasaasi ah sidoo kale waxa ay carabka ku dhufteen in ay isku hawleen iyaga oo kaashanaya ururka SAYS sidii wax loo bari lahaa loona gacan qaban lahaa caruurta suuq joogta ah ee reer Boorama oo ay ilaa hada u sameyeen dugsi u gaar ah oo la yidhaa GACAN-QABAD gudoomiye Ramla Sh. Muuse Cismaan waxa kale oo ay hadalka ku soo gabagabaysay in ay Mooglight ku hawlantahay barnaamiyyo khuseya ururinta xadgudubyada loo gaysto caruurta diiwaangalintooda, udoodidoodaiyo walibadaryeelkooda.
Agaaimaha fulinta ee Moonlight Axmed Abiib Haayir ayaa isaguna sheegay in barnaamijkan nadaafada ah oo loogu lalo galay inuu socdo mudo 5 bilood ah ay maalgalisay hayad Talyaani ah oo magaceeda la yidhaa CESVI isla markaana ay suura galisay dawlada hoose ee boorama. Waxa kale oo uu xusay in uu ururka Moonlighjt leeyahay fulinta banaamijka ilaa hadana ay u suura galen in ay wacyigalino kala duwan oo dhinaca nadaafada goobaha hilibka lagu iibioyo ah ka sameeyeen sariibadaha labada ah ee magaalada Boorama.
Agaasimuhu waxa kale oo uu xusay inay suura gashay in la xoojiyo gudiyadii ka jiray sariibdaha lana dhiso kuwo kale oo gacan ka gaysta ilaalinta nadaafada, waxa intaas dheer oo aan qabanay ayuu yidhi boodhadh marooyin ah oo tilmaamaya qiimaha ay leedahay nadaafadu ayaan ku dhajinay goob walba oo sariimadaha ah iyo magaalada qaybo ka mid ah si uu macluumaadka dhinaca maaraynta qashinka Muuqda uu u noqdo mid meel maraya. Agaasime axmedwaxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay oo uu ka waramay qiimaha ay leedahay masrixiyadan maantu waxana uu yidhi “ Waxaan idiinku talo galnay in aan idiinku soo gudbino fariinta aasaasiga ah ee manta waana mid ka tarjumaysa sidii aan ku balansanayn ee ahayd in qashinka muuqda si haboon loo basriyo iyada oo la dhawrayo fayadhawrka guud ee dadka aam masuulka ka nahay” waxana uu mahadnaqay dawlada hoose iyo hayada CESVI.
Gudoomiyaha gudida sariibdaha ee Boorama ee magaceedala yidhaa Nafaqo Khadar Cilmi Cali oo isaguna ka hadlay madashan ayaa ku nuuxnuuxaday in xidhiidhka ka dhaxeeya Nafaqo iyo Moonlight uu yahay mid wax wayn horseedaya isla markaana ay ku faraxsan yihiin in ay la kulmaan dhalinyaro hablo ah oo meel adag iska taagay ilaalinta iyo basrinta qashinka sariibadaha waxana uu u mahadnaqay dawlada hoose iyo hayada CESVI.
Ruwayadii manta oo halku-dhidgeedu uu ahaa Hilib Waxaad Ku NAaxdaa Marka Hoy NAdiifiyo Qalab Nuura Lagu Qalo’ayaawaxa sameeyay Abwaanka waynee reer Boorama ee la yidhaa Ibraahim Muumin Muur LIIRO waxana ay xambaartsanayd duluc muhiim u ah ilaalinta nadaafada goobaha sariibadaha waxa kale oo habmasrxiyadeedkan ka qayb qaatay gabdho ka tishan ururka gabdhaha ee Moonlight ee magaalfda Boorama.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ururka Gabdhaha Ee Moonlight Ee Boorama Oo Galabta Qabtay Fan-Masrixiyadeed Lagu Wacyigalinayo Dhawrista Nadaafadda Sariibadaha Boorama. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback