Shir ay isugu yimaadeen guddida fulina xisbiga Cadaalada iyo daryeelka (UCID) manta oo ay taariikhdu tahay 29/03/2009 oo lagu falanqeeyay laguna lafa guray xaalada adag ee maanta dalka ka taagan wuxuu soo saaray warsaxaafadeedkan hoos ku qoran
UCID waxa uu rumaysanyahay in go’ankii shalay G/gurtidu uu si badheedh ah u baal maray degniintii xisbiga uga degay mudo kordhin aan waafaqsanayn mudada ay cayimeen gudida doorashooyinku qaranku oo ahaa May 31, 2009.
Sidaas daraadeed waxa UCID u arkaa mid aan ka turjumeeyn rabataanka uu shacbka, nabad gelyada, geedi socodka dimoqoraadiyada isla markaana ku ah dhabarjab ictiraaf raadintii JSL ay ku naloonayeesay. Talabadani waxay niyadjab ku keenasaa bulshada caalamka ee jeclayd in ay Somaliland hesho ictiraaf taageero ka siinjirtay geedi socodka dimoqoraadiyada iyo doorashooyinka.
Hadaba si looga baxo ismariwaaga taagan khalkhalna loo gelin nabadgelyada iyo degan naashada ka jirta Somaliland loona helo doorasho xor iyo xalaala ah.
Waxa Xisbiga UCID u soo jeedinayaa:
(1) In la ilaawo ficiltan iyo wax alaaliyo wixii hurinaaya khilaaf, loona soo noqdo danta guud arimaha taagana lagu dhameeyo wada hadal iyo wada tashi si loo dejiyo xiisada siyaasadeed ee tagan.
(2) Xisbiga UCID sidii uu horaba u caddeeyey waxa uu markale ku baaqayaa in doorashada madaxtooyada qabsoonto may 31, 2009 siday soo qorsheeyeen gudida doorashooyinka (KDQ) isla markaana ay taageereen deeq bixiyaashu iyo interpeace kuna cad wardooda ku taariikhaysan March 28, 2009.
(3) Si looga baxo marxaladdan adag ee cusub, waxa xisbiga cadaalada iyo daryeelka (UCID) uu soo jeedinayaa in seddexda gudoomiye xisbi qaran isugu yimaadaan sida ugu dhakhsaha badna.
Alla Mahad Leh
Xoghayha Guud ee Xisbiga UCID
Md, Maxamed Xasan Baashe


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xisbiga UCID Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Xaalada Adag Ee Dalka Ka Taagan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback