Borama-(Lug)-Wax badan  ayaa  dad badani  odhan jireen xisbiyada mucaaradku  ha daayaan hadalada dhliilaha xukuumadda, wax badan ayaa shacabka la lahaa kulmiye yaanu nabadgelyada xumaynin ee iska jira, wax badan ayaa shacabka lagu lahaa komishankaa doorashooyinka masuul ka ah oo dibna u dhigi horena u dhigi kara, Wax badan ayey dawladdu ku doodaysay inaysan masuul ka ahayn dibudhigista doorashooyinka golayaasha qarankuna  kama hadli karaan, waxasoo dhan maxaa ka dambeeyey?.
 
Calaamadaha xukuumadaha diktaytarka ah ee jiritaankeedu ku xidhan yahay ciidammo ay u adeegsato shacbiga, suxufiyiin la xidhxidho iyo mudaaharaadyo nabadgelyo ah oo laga horjoogsado shacbiga, ku takrifalka dhaqaalaha dalka oo lagu bixyo arrimaha siyaasadda iyo nabadsugiddu ayaa dhamaan waxay dhalaan  masiirka ugu xun  ee ay galabsadaan ragga  dal si dimuqraadi ah loogu doortay xilka  ay dhabarka u jeediyaan sharciga dalka iyo nabadgelyada.
 
Horaa loo ogaa in xukuumadda Rayaale aanay dalkan marnaba gaadhsiinayn horumar, iska dhaaf horumar eh waxa maanta khatar ku jirta nabadgelyadii xukuumadda maantu ka dhaxashay  marxuumiintii dalka xoreeyey iyo kuwii  Rayaale ka horeeyey.

Maanta waxan maraynaa in shacbiga lagu handado qori, la yidhaa car juuq dhaha, la yidhaa car wax doorta , xoog lacag lagaga qaato, xisaabna loo diido .

shacbiga Soomaaliland ma garan waayin inay  jid kasta u maraan xuquuqdooda , caddaladooda iyo horumarkooda laakiin waxay dhawrayaan wax aanay dhawrin xukumadda maanta dalka ay u dhiibteen ee diiddan in sidii kursiga lagu keenay ay uga kacdo.
 
Waxay reer soomaaliland saddex jeer xilka u kordhiyaan Rayaale, taasina ay maanta marayso in shantii sannadood ee xilka loo doortay ay maanta sideed sano ka dhigato, welina doonayso  si fuleynimo ah ku doonaysa in 5 sannadood oo kale la doorto, muddada ay xilka haysana noqdo ku dhawaad  14 sannadood.
 
Inaysan  doorashooyin ku guuleysanayn xukuumadda Rayaale  waxa daliil u ah sida fooshaxun  ee u adeegsanayso hantida dalka iyo ciidamada aad mooddo inay nin u shaqaynayaan, Shicibkana ku laynaya hubkii lagu soo iibiyey hantida shicibka.

Ka hadli maynno wax kasta oo dalka ka dhacaya wakhtigan, waxanse xusaynaa oo keli ah beenta fashilantay ee ay shicibka u sheegaysay markii doorashooyinka dalka ka dhici lahaa ay laba jeer dib u dhigtay, aakhirataankiina ka dhigtay in 31 May tahay maalinta la qaban doono.

Tii maanta waa la isla soo dhaafay waxay xukuumadda iyo afar oday oo toobadda ku seegaya caddalaad darro iyo qabyaalad shalay mar kale ku dhawaaqeen  arrin kale oo cid kastoo Soomaaliland rajo ka lahayd ka naxdo , kagana quustaan nidaanka maanta jira, iyagoo isku qabqabsaday muddo kordhin aan sharciga dalka meellna kaga oolin oo ay jeebkooda kagasoo baxeen, iyagoo sheegay inay xukuumadda Rayaale u kordhiyeen lix bilood oo ka bilaabanta bisha May ee muranku kataagnaa .
 
Somaliland waxay noqotay odayaal hawlgab ah, culimo kitaabkii tuurtay dhaartoodiina been ka sheegay iyo dad aan mustaqbalka ka lahayn  jiilka soo socda kuwaasoo nin u shaqeeya isla markaana ay kala qaybisay qabyaalad , danaysi iyo musuqmaasuq isla markaana sii fogeynaya xumaan kusii xoogeysata shacbiga dhexdiisa balse laga yaabo inay aakhirataanka kusoo rogmato cidda wadda gardarada.
 
Waxa maanta la karaama tiray komishankii xukuumadda iyo xisbgeeda UDUB lahaayen isaga dalka u muddayn kara doorashooyin, komishanka iyo inter peace baa goyn kara iyo cudurdaarro kale oo gebi ahaanba saldhig looga dhigay in komishanku furfuri karo .taasina maanta way dhammatay komishan talo hayayi majiree waxa dalka xukuma kooxdaasi maanta an la ogeyn wax ay dadka u sheegi doonaan.
 
Si kastaba waxay arrini u taalla xisbiyada mucaaradka iyo cid kastoo jecel jiritaanka Soomaaliland, lamana garanayo afka ay xukuumaddii odhan jirtay komishankaa  doorashooyinka xukuma iyo waxyaalo kale oo ilaa maanta caalamku la yaabban yahay waxa ka dambeeyey ee ay sameeyeen odayaashii  waa ahaan jiray kuwii ugu qiimaha badnaa Soomaaliya dalkii la odhan jiray isla markaana uu xukumi jiray Sheekh Ibraahim Sh.Madar, balse maanta  oo uu golahan xukumo Saleemaan Gaal, waxa ka muuqdaayi maaha mid if iyo aakhiraba wax u taraya cidda  ka talisa.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama