Hargeysa-(Lug)-Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2009 ee xukuumada dhexe iyo dekada Berbera, oo odaraskoodu gaadhayo adduun dhan 45 Milyan oo Dollar.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo ay madasha ka soo xaadireen 47 Mudane oo ka tirsan 82 ka Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay, waxa fadhigan Guddoominayay Guddoomiyaha Golahaa Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
40 Mudane ayaa ogolaaday in miisaaniyada duuduub loo meel mariyo, halka ay laba Mudane diideen, afar kalena ka aamuseen Guddoomiyuhuna aanu coddayn.
Miisaaniyadan Goluhu ansixiyay ayaa Wasiirka Maaliyadu uu la muddo dhaafay oo uu Golaha horkeenay bishii Febarwari ee la soo dhaafay, halka dastuurku uu dhigayo in dawladu ay Aqalka Wakiilada horgeyso 31 ka bisha December sanad walba.
Miisaaniyad sanaddeedka 2009 ayaa dib loogu celiyay oo waafaqsan misaaniyadii 2007 ka dib markii Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale uu sheegay inay is bixin wayday miisaaniyadii kal hore 2008 kii, ka dib markii ay soo waajahday sicir barar iyo korodh ku yimid kharashaadka Raashinka ciidamada oo sadex jibaarmay qiimihiisu iyo dhaqaale ciirkii ku yimid adduunka.
Miisaaniyadan ayaa la sheegay inay ku jiraan lacago loo qoondeeyay qabashada doorashada Madaxtoyada iyo lacago loogu tallo galay in lacagta Giimbaarta shilin Soomaaliga lagaga bedelo gobolka Togdheer.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanaadeedka 2009 Ka Ee Xukuumada Dhexe Iyo Dekada Berbera. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback