yeeli mayno muddo kordhinta, libaaxna lama jeer god lagama wada kiciyo “ Faarax M.Sugaal.

Burco (Lug) Faarax Max’ed Cabdi Sugaal oo ka mid ah Gudida fulinta ahna xog-hayaha maaliyada ee Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Gaar ahaan Gobolka Togdheer ayaa waxaa uu cambaareyey mudo kordhintii daraad ay Golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland xilka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa mudada lixda bilood ah, Anaga oo saaka wax ka weydiinay dareenkiisa ku wajahan sida ay xisbi ahaan u arkaan, waxaanu Sugaal hadalkiisii ku bilaabay:-

burco_banaanbax1.jpg

“Marxaladan maanta uu wadanku galay waa arin xasaasiya runtiina ah mid aad u adag lana odhan karo waa waqkhti ka adag wakhtiyadii soo maray dalkan, si kasta ha ahaatee waxaa maanta la sugayey in doorasho dhacdo lana filaayey is bedel siyaadeed dadka iyo dalkaba, iyaga oo taa og wax balaban ay sameeyeen isla mar ahaan taasna og in aanay shacabka cod ka heleyn ayey Geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u heli lahaayeen mudo korhdin, Welibana ay lumiyeen sumcadii iyo magacii Somaliland bulshada caalamka ku dhex lahayd, isna hortaageen dariiqo kasta oo uu dalku horumara ku gaadhi karo.

Haddaan u soo daadego mudo kordhinta ay Guurtidu samaysay waxaanu Xisbi ahaan u aragnaa ‘xaaraan’

Ma odhan karno Guurtidu sharci daro ayey sameeyeen

Laakiin sida loo adeegsadaa sharci daro ah, Waxaa loo adeegsaday hantidii umada, waxaa lagu bixiyey cashuurtii qaranka iyo tii ay hay’aduhu bixiyeen ee loogu talo galay in wadanka lagu horumariyo, taas ayaa lagu bixiyey si markaa ay u fuliyaan mudo kordhin waanay fuliyeen.

Waxaas oo dhan waxay muujinayaan in lagu jiro marxalado xasaasiya, mana aqbalayno anaga iyo taageerayaashayaduba wax mudo kordhina.

Waxaanu ugu baaqaynaa umada reer Somaliland iyo bulshada caalamkaba iyo cid kasta oo ka naxaysa jiritaanka Somaliland in arintan lasoo faro geliyo hoosna loo eego

Dhinaca kale Faarax Max’ed Cabdi (Sugaal) sugaal isga oo tusaalaynaaya nabadgelyada Somaliland ayaa waxa uu kayidhi:-

“Marka maanta la eego mandaqadan aynu ku noolahay ee Geeska Afrika, Somaliland waxa ay kaga jirtaa dalalka ugu horeeya xaga nabadgelyada ee uu caalamku isha ku hayo.

Haddii ay maanta nabadgelyo xumo dhacdo waxaa ku soo dhex dhuuman kara cid kasta oo cadaw u ah nabadgelyada Geeska Afrika ama burbur ugeysan kara dhamaan dalalka Geeska Afrika ugu amniga badan ,sida qolyaha wax qarxiya ee loo yaqaan argagixisada.

Markaa dalku waxa uu u baahanyahay badbaadin suurta galna -maaha in mar walba la keeno mudo kordhin, oo horaa sanad loogu kordhiyey markii ay dhamaatay mudadii shanta sana ahayd waxaanay noqotay lix sanadood sababtuna waxa ay ahayd in ay doorasho qabtaan, waxaana muuqata in ay ku guul dareysteen mudadii shanta sano ahayd ee ay xilka hayeen.

Ka xisbi ahaan anaga oo eegeyna maslaxada umada horena u eegeynay oo la ogaa in la yidhi 80 cod baa la idinka helay isla mar ahaantaasna u tudhaynay maslaxada umada u malayn mayo maanta oo waxaa la yidhi libaax laba jeer godd lagama wada kiciyo.

Balse maanta bulshada Somaliland inteeda caqliga saliimka leh in aanay ku odhan Karin Kulmiye maantana tanaasul ha ogolaadaan lixda bilood ,taas oo noqonays hadal aan lagu dhici Karin in xisbiga Kulmiye loola yimaado.”

dhinaca kale Sugaal waxa uu muujiyey in xukuumada Riyaale ay heshiisyo qarsoodiya la gashay dawlada uu Sh Shariif Sh. Axmed horkacayo hadaladiisuna waxay udhaceen sidan:-

“Hadday maanta dalka ku ridayaan godkii lixdankii iyo haddi kaleba shacab ka Somaliland bay u taalaa, waanu ognahay in xukuumada Riyaale heshiis lagashay madaxweyne shariifka Somalia, taas oo la doonayo in Somaliland iyo Somalia dib la isugu soo celiyo.

Arintaasi waa fursadaha ay maanta doorashada u qaban la’yihiin iyaga oo markaa doonaaya in lixdaa bilood kula heshiyaan dawlada Shariif madaxda ka yahay.

Heshiiskas oo uu dhex dhexaadinayey madaxwenaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, markii uu madaxweyne Riyaale safarka ku tegay dalka jabuuti

Jaaniska maanta la siiyey ee Guurtidu ugu kordhisay mudada lixda bilooda, macnihiisu waxa weeye in ay fuliso heshiiskii ay jabuuti ku galeen ama ay ku saxeexeen oo ay la saxeexdeen shariifka iyo dawladiisa.

Hadaba si taa looga badbaado waxaanu leenahay in aan loo baahnayn mudo kordhin iyo burbur uu wadanku galo maanta ,

cawaaqib xumadaa waxaa iska leh oo dusha u ridanaaya xukuumada Riyaale iyo Guurtida oo masiirkii umada ka dooratay mudo kordhin soo noqnoqotay ,shacaka Somaliland-na hadday iyaguna aqbalaan dulmiga maanta lagula kacay ,qayab ayeey ku yeelanayaan masuuliyad daradaas.

Dulmigu makala sokeeyo oo Siyaad Bare waxaynu kula dagaalanay buu ahaa, mana aha in dulmiga shisheeyaha laga dido, ka aynu inagu iskula-kacnana udulqaadano.

Xafiiska Wararka Ee Goljano
Burao/Somaliland
Ibaahim Abdiraham Qaasim
Qaasin05@hotmail.com