Borama-(Lug)-Ciidanka amniga Boorama ayaa sabtidii ku hongoobay goob ay ka dhacday geeri oo ay u qaateen in lagasoo ababulayo mudaaharaad ka dhan ah muddo kordhinta guurtidu ugu dhawaaqday madaxweynaha.
Dad goobjoog ahaa ayaa ii sheegay in cutubyo ka tirsan ciidanka amniga Boorama ay hareereeyeen guryo ku yaal Bariga Boorama, una dhaw geerash ka hadhay Marxuum Xasan Xaddi, gurigaasoo ay si lama filaan ah ugu geeriyootay gabadh isla markaana dadkii ka agdhawaa goobtaasi ay kusoo urureen maydkeeda balse goor dambe ay ciidankaasi ogaadeen in meesha ay ka dhacday geerii oo aan laga soo abaabaulayn wax mudaaharaad ah oo ka dhan xukuumadda .
Sida ay sheegeen dadkii wakhtigaa joogay oo ahayd sabtidii cabbaare 11 barqannimo ,waxa halkaasi yimid cutubyo ka tirsan ciidanka amniga, kaddibna qoryaha u cabbaysteen markii ay halkaasi soo gaadheen hase yeeshee aanay wax rasaas ah ridin tan iyo intii ay ogaanayeen waxa lagu soo ururay kaddibna ay dib iskaga laabteen iyagoo ka xun sida wax u dhaceen .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ciidanka Amniga Boorama Oo Ku Hungoobay Goob Geeri Ka Dhacday Oo Ay U Qaateen In Mudaaharaad Laga Abaabulayo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback