drxaawa-iyo-gabadheeda-dr.jpgTexas (lug) Dr. Xaawa Cabdi oo ka howlgesha magaalada Muqdisho ayaa ku guulaystey abaal marintii ururka Amoud ee 2008, waxaana abaal marintaasi lagaga dhawaaqey qado sanadeed ay Amoud Foundation ku qabatay magaalada Irvingoo ka tirsan gobolka Texas ee dalka Marayknka 28 March.Guddoomiyaha ururka Amoud Foundation Maxmuud Faarax Cigaal ayaa sheegey iney Dr.Xaawa Cabdi ka mid ahayd dadkii ugu horreeyey Somalida ee bartey caafimaadka, 1983 kii Dr.Xaaawa waxa ay furtey buu yidhi cisbitaalka dumarka iyo carruurta ee Afgooye- Muqdisho, cisbitaalkaasi oo 1991kii markii ay Somalia burburtey Dr Xawa ku soo dhawaysey dadkii xilligaasi Muqdisho ka barakcay.Sidoo kale Cigaal waxa uu sheegey in dabayaaqadii sanadkii 2007 uu cisbitaalkaasi daryeeley barakacayaal iyo hoy laawe yaal Soomaaliyeed oo kor u dhaafey 20 kun oo qof oo.Cigaal waxa uu aad u ammaaney Dr Xaawa Cabdi oo uu sheegey in iyada oo khibrad weyn iyo aqoon caafimaad leh ay dhoof dibadeed iyo nolol raaxo leh ka dooratey iney bulshadeeda tabaaleysan u adeegto iyagana wax la qabto.
 drxaawa-iyo-gabadheeda-dr.jpg
                         Dr.Xaawa iyo gabadheeda Dr.Amina

Ugu danbeyn Maxmuud Cigaal waxa uu sheegey in uu ku faraxsanyahay in Amoud Fondation ay nasiib u yeelatay iney Dr Xaawa iyo shaqaalaheeda kala qayb qaadato u kaalmeynta dadyowga ku tabaaloobey Muqdisho iyo nawaaxigeeda, wuxuuna ugu hanbalyeeyey Dr Xawa Cabdi isaga oo ku hadlaya magaca Amoud Foundation dadaalka naf huridda leh iyo adeegga tabarruca ah ee ay dadkeeda u fidiso.

Sida la ogyahay Amoud Foundation waa urur sama falka qaabilsan oo la asaasey sannadkii 1998 kii, fadhigiisuna yahay dalka maraykanka, ujeedada loo asaaseyna waxa ay ahayd wax ka qabashada xaaladaha adage ee ka jira geeska Africa iyo deegaannada Somalida.

Wuxuuna ururku la shaqeeyaa taageerooyin kala duwanna u fidiyaa ururrada qaabilsan dhinacyada aadamiga, iyo adeegyada caafimaaad iyo kuwa waxbarasho ee ka shaqeeya geeska Africa iyo deegaannada Somalida, sannadkii hore ee 2007 diina waxa abaal marinta ururkaasi ku guuleystey Dr Cali Ibraahim Baxar oo ka tirsan ururka faafinta waxbarashada asaasiga ah ee Iqra ee ka Howl gela gobollada Gabiley, Awdal iyo Selel oo dhammaantod  ka tirsan Somali Land.

warbixintan oo English ah waxaannu ka helney madaxda Amoud Foundation

waxaa turjuntey: Fardousa Nuur Muuse oo ka tirsan Lughaya News