OTTAWA - Rashid Cumar Diriye (Cumar Madoobe) oo ah muwaadin reer Awdal ah oo degan dalka Canada ayaa ah hormoodada isbadal doonka ee gobolka Awdal ahna taageerayaasha ururka IQRA ee horumarka iyo waxbarashada ka caawiya danyarta dalka hooyo ayaa waxa qoraal been ah Rashid ka qoray ninka isku magacaaba Abwaan Maxamud Cabdlilahi Colombo oo jooga dalka Maraykanka.
Colombo qoraalka beenta ah wuxuu ku sheegay in Rashid Cumar Kulmiye ka baxay oo uu UDUB taageero - waana been ayuu Rashid sheegay.
Quraanku wuxuu ku tilmaamaa dadka beenta iyo dhibka umada ka shaqeeya munaafiqiin ilaahayna umada wuu uga digay in laga digtoonaado.
Ya ayyuha allatheena aamanoo in jaakum fasiqun binabain fatabayyanoo an tuseeboo qawman bijahalatin fatusbihoo Caala ma facalutum nadimeena - Al-Hujaraat [46:6]
Kuwa xaqa rumeeyow Haduu war idiin la’yimaado munaafiq , faasiq ahi - iska hubsada - si aydaan dad u dhibin idiinkoon ka warqabin xumihiisa kadib aad ka qoomamootaan ficilka aad ku dhaqaaqdaan.
Sida uu Rashid u sheegay shabakada SayliciPress.net wax uu qoraalkaa ka og ahay ma jirto waana been cad oo aan geed loogu soo gaban. Rashid waxa kale oo uu sheegay in Colombo yahay nin ku caan baxay shaqsi cayga iyo beenta oo meel kaga dhacay sharaftii saxaafada soo koraysa ee dalku lahayd.
Qofku inuu mab’da yeesho ayaa ka qurux badan oo uu samaysto “Brand name” lagu taageero inta uu shaqsi meel lagaga dhaco uu sumcad ku raadinayo ayuu Rashid SayliciPress u sheegay.
Rashid wuxuu intaa ku daray: “anigu waxaan taageeraa xisbiga Kulmiye aad ayaanan uga xumahay in Colombo sameeyo waxay dalalkani ugu yeedhaan “Identity Theft” magac xadid uu magacayga xado oo uu si xun u isticmaalo.
Shaqsiyan ma aqaano Maxamud Colombo ee rag badan oo horaadkii sagaashanaadkii Yemen ku yaqaanay ayaa ila jooga dalkan Canada. Astaamahan been abuurka ah waxay ii sheegeen inay uga barteen Colombo. Qabyaalad cad oo meelka dhac ah ayuu soo gudbiyaa inta badan isagoo beegsanaya beesha Maxamed Case iyo Habarcafaan. Markaa shacabku ha’ka digtoonaadaan munaafiqiinta. Sobobta uu beenta u afuufaa waa isagoo naftiisa aan ku kalsoonayn beentana ku raadinaya ammaan iyo in la faaniyo si magac qabiil loogu ixtiraamo.
WIKI - Identity theft is a crime used to refer to fraud that involves someone pretending to be someone else in order to steal money or get other benefits.
Rashid oo la yaabay beentan ayaa sheegay: “shaqsi ayaan ahay anigu ka mid ah bulsho waynta gobolka markaa ahmiyida ay leedahay inaan xisbi taageero waxay ka mid xuquuqdayda gaarka ah waxayse sharaf jab ku tahay beentani qofka aaminsan in taageerada shaqsi ay muhiin u tahay oo ay u baahan yihiin; taasina waxay muujinaysaa dhibaatada haysata xisbiga UDUB ee Colombo taageerada u raadinayo.”
Anigu mawqifkaygu wuu cad yahay. Horumar iyo isbadal ayaan aaminsanahay. Doorasho xalaal ahina inay dalka Somaliland ka dhacdo ayaan aaminsanahay.
Rashid Cumar Diriye
Ottawa, Canada
hsugal@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Rashiid Cumar Madoobe Oo Beeniyay War Lagaga Been Abuuray Oo Lagu Baahiyay Shabakada Saylac.Com "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback