Guurtidii loo xilsaaray nabadeynta beelaha isku isirka ah oo sharci ahaan fashilantay.

Waxaynu wada ogsoonahay in Shirguddoonka Golaha Guurtidu u xilsaaray Ergo ay u xuleen dajinta,xakameynta iyo xal u helidda khilaafkii sababay dhimashada iyo dhaawacaba ee ka dhex aloosmay beelaha isdhalay ee wada dhashay, kana soo jeeda Galbeedka Gabilay iyo Bariga Dilla.
 
Guddigu hawshoodii waxay ku bilaabeen sidii caadada u aheyd dhexdexaadin iyo nabad xidhid laba beelood oo diriri dhexmartay; waxayna kulmiyeen Madaxdhaqameedyo iyo odayaal wax garad ah oo labada beelood iska soo xuleen hase yeeshee waxay baalmareen

nabadxidhkii u horeeyey kadib markii ay dhaariyeen min 25 duqey ah labada dhinacba iyagoo aan raacinin ciqaabta ay mudan doonaan haddii nabaddu jabto inta laysku soo noqonayo ee ay ku dhexjiraan kala fogeynta ciidan beeleedyada iyo waliba dhinaca bilaaba nabad jabinta waxa u gaar noqonaya.
 
Sidaa darteed; ciidan beeleedyadu iyagoo ka faa’iideysanaya ilduufka ku dhacay adkeynta iyo xidhidda nabadda ayey ayaan darro mar kale ku habsatay shacabkii nabadda loo sheegay ee salka dhigtay; taas oo sababtay inay mar labaad ku naf iyo maalba beelaan dad aan waxba galabsan; isla markaana abuurtay barakac iyo qax hor leh oo Ilaahay uuni tacwiiddiisa bixin karo.
 
Sidaa awgeed; Mudanayaasha Shirguddonka Guurtida, Madaxda Xukuumadda iyo dhamaan Madaxdhaqameedyada Jamhuuriyadda Somaliland waxan u sheegayaa in sharciyaddii loo xulay guddigaasi ay fashilantay oo aanay sii shaqeyn karin sababhani awgood:
 
1- Guddigu ma cuskanin xeer dhaqameed qeexaya xakameynta colaadda iyo u hoggaansanka nabadgalyada oo ciqaabtiisa wata.
 
2- Ma cuskanin xeer ciqaabeed Maxkamad dawladeed oo isna daabad u ah adkeynta nabadgalyada.
 
3- Wax ciqaab ah oo ka soo arooray labada xeer ee aan soo sheegay oo ay u sheegeen labada Guddi ee ay dhaariyeen hore uma jirin; waxana markhaati u ah sidaa “Qoraalka xildhibaan Cumar Nuur Xasan Weeye oo ka mid ah ergada Golaha Guurtida ee shaqaaqadan naxdinta leh loo xilsaaray uu ku qoray shabakadda Gabileynews.net shalay 12/04/2009 isagoo ka wakiil ah Ergada, sheegayana inay hadda kadib soo saari doonaan go’aamo adag iyo ciqaab la mariyo nabadjabkii ay iyagu sababteeda lahaayeen”.
 
Gunaanadka iyo gabagabada warqaddani waxan ku soo gaabinayaa; kana codsanayaa Mudanyaasha Shirguddoonka inay hawsha ergadaasi joojiyaan, kuna badalaan Ergo cusub oo ka kooban Golaha Guurtida, Xeerbeegti laga soo xulo madaxdhaqameedyada Somaliland iyo wakiilo ka socda xukuumadda oo sharciga waafajiya soo afjaridda dirirta; isla markaana wadahadal isugu keena labada beelood si halkaa looga ambaqaado xal u helidda colaadda soo jireenka ah ee beelahan walaalaha ah.
 
Wallahu Al muwafiq.
 

Maxamad Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh
Riyadh - Saudi Arabia.
Email:
obsiyeh@yahoo.com