Annaga iyo Baanku waanu isla qaadanay, meel aanu Madaxweyne dacwad isula tagnayna ma jirto”
“Been sheegi maayee habeen walba waxaan ku ducaystaa Illaahow wax umaddaasi leedahay ha ii baahin”
“Adiga iyo Rayaale waxa la idiin arkaa labada nin ee ugu Musuq iyo hanti lunsi badan Somaliland, idinku sidaa ma isu aragtaan?
“Wasiir, dadku waxay idiin bixiyeen Xukuumad aan runta aqoon (BEENALEY), markaa….?.
“Nin weyn oo aanu isku da’ nahay ama igaba weyni markuu yidhaahdo, Balaayiin Doolar baa la lunsaday, Miisaaniyadda dalkuna tahay 50-Miyan oo doolar, marka ninku been sidaas ah sheego ee aad arkayso haddana inuu Masaajidka galo, tukado , dee waxaad u qaadanaysaa in aanu caadi ahayn”
Hargeysa-(Lug)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xusseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa waraysi dheer oo uu Wargeyska Ogaal xalay khadka Telefoonka kula yeeshay, kaga jawaabay su’aalo la xidhiidha khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay Wasiir Cawil iyo Guddoomiyaha Baanka Cabdiraxmaan Ducaale, arrimaha Musuq-maasuqa, iibka dhulka danta guud iyo qodobo kale. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;
Ogaal: Wasiir, waxa soo baxday in adiga iyo Guddoomiyaha Baanku aad isku khilaafteen Cashuuraha oo aad diiday in Baanku qabto, dabadeedna Madaxweynaha oo aad isula tagteena uu kugu taageeray, arrintaas maxaa ka jira?
Cawil: Arrintaa waxba kama jiraan. Waa tii Doollarku sare u kacay ee ilaa 8-kun uu madaxa la galay halkii doolar, markaa waxay noqotay markii Wasaaradda iyo Baanku arrintaa ka shireen in doolarkii la xakameeyo, sababtoo ah doolarku hadduu kaco Maceeshadii iyo noloshii umadda oo dhibaato haysato ayuu taabanayaa, wax welibana sare ayay u kacayaan oo Anigu xataa waxaan ogaaday in ilaa koobkii Shaaha ahaa uu sare u kacay. Markaa, waxaanu go’aan ku gaadhnay in talaabada ugu horeysa ay noqoto, in Kastamku Cashuurta Kaash Shilin Somaliland ah ku qabto, oo ninkii laba boqol oo Milyan oo Cashuur ah lagu yeeshay uu labadii boqol ee Malyuun Suuqa ka soo iibsado, dabeedna uu geeyo Kastamka. Tusaale ahaa; ka dhig in Cashuurta ganacsadaha lagu yeeshay ay noqotay 50-kun oo doolar, markaas 50-kii kun ee doolar ka qaban maayo Kastamku sidaanu ku amarnay ee waa inuu Suuqa tagaa oo uu soo iibsadaa inta lacagtaasi ka noqonayso Shilin Somaliland, ka dibna uu keenaa Kastamka. Waayo; adduunka oo dhan Kastamku lacagta Cashuurta Kaash buu ku qabtaaye Jeeg kuma qabto, markaa halkuu ninkii keeni lahaa 50-kun oo doolar oo Jeebka ugu jira, wuxuu ku khasbanaanayaa inuu Shilinkii suuqa ka raadsado, Kastamka geeyo, dabadeedna Kastamku ka qabto lacagtii oo Shilimaadkii Cashuurta ahaa uu markaa ka dib Kastamkuna Baanka geeyo.
Ogaal: Baanku Cashuuraha uu qabto marka horeba Kastamaduu u qabtaa, ganacsataduna waxay ka cabanayaan markay sidan aad sheegayso noqoto, inay lacag fara badan gaadhi ku qaadaan taasoo dhibteeda leh, markaa maxaa ku jaban haddii Baanku sidii horeba ugu qaban jiray uu imikana u qabto?
Cawil: Imika metelan ninka Berbera joogaa saw awalba Kaash muu geynayn Baanka, muxuu markaa ku diidayaa inuu Kastamka keeno Kaashka, ka dibna uu Kastamku geeyo Baanka?. Baanka lacag doolar ah ayuu u dhiibi karaa oo uu odhan karaa iga xisaabiya oo sicirka maanta iigu dhufta, taanu ku diidaynaa waa taas. Waayo, taanu rabnaa waxa weeye in lacagta Suuqa laga soo iibsado oo Shilinkeenu macduun noqdo, doolarkuna Suuqa ku bato. Talaabada ugu horeysa ee aanu doonayno in aanu doolarka ku xakamaynaana taas bay noqotay, Annaga iyo Baankuna waanu isla qaadanay. Xaasha’ meel dacwad la isula tegay oo Madaxweyne la isla gaadhayna ma jirto.
Ogaal: Laakiin, haddaad isla qaadateen ma waxaad isla qaadateen markuu Madaxweynuhu ku taageeray?
Cawil: Maba jirtaba oo Madaxweynaha kala-maanaan hadalba arrintaas, sababtoo ah waa arrin Wasaaradda iyo Baanka u taala.
Ogaal: Wasiirka Duulista Hawada laftiisa waxa idin dhexmaray khilaaf Cashuuraha la xidhiidha, markaa marka tan la eego ee taas la eego, miyayna u ekaanayn inaad idinku khilaafka wadaan?
Cawil: Taana waxba kama jiraan. Wax alaala wax Cashuur ah oo aanu isku qabsan karo Aniga iyo Cali Waran-cadde ma jiraan oo dee Kastam maaha Cali Warancadde ee waa Wasiirka Wasaaradda Duulista, xidhiidh aad u fiican baana naga dhexeeya. Waa nin Maqsuud ku ah shaqadiisa, oo aan had iyo jeer jecelahay lacagtaa uu ururiyo ee aan Maqdarada u bixiyay…..Golaha Wakiilladu markay yidhaahdeen maxaad Cashuurtaa ugu ogolaatay inuu gurto Cali Waran-cadde?, waxaan ku idhi Cashuur maahee waa Maqdarad, dee ninka Maqdarad dhigtaana wixii loogu rido uun buu qaataa, waxaana wuu ku qabtay. Markaa, maba jirinba khilaaf ee waxaanu ka shaqaynaynay maalintaa, Shaqaalaha Kastamka iyo shaqaalaha Wasaaradda Duulista iyo Hawadu siday u wada shaqayn lahaayeen.
Ogaal: Wasiir, waxa jiray 2% aad u bixiseen aafada Sool oo aad dulsaarteen Badeecad kasta oo soo degaysa, si toos ahna looga qayb-qaatay. Lacagtaasi haatan xaddi ahaan way fara badan tahay, Gobolka Sool-na waxba looguma, xaggee mariseen lacagtii?
Cawil: Golaha Wakiilladu maalintii Miisaaniyadda way I waydiiyeen oo waxaan ku idhi xisaab gaar ah (account) baa lagu shubaa lacagtaas. Lacagtaana meel aan ahayn Bariga Sool iyo Bariga Sanaag oo lagu khasirayaa ma jirto, Anigaana ka masuul ah. Berigii hore lacagayow badan baa Bariga Sool iyo Bariga Sanaag geli jiray, manay gaadhi jirin. Haatan waa tan umaddu u hurtay in 2%-kaa Cashuurta ah ay siiyaan, si deegaanadaa loo soo gaadhsiiyo Gobollada kale. Markaa, waxay noqotay in sidii berigii hore aan cid gacanta loo gelin, la qaadin oo aanay dhexda ku lumin. Lacagtaa waanu haynaa, Xildhibaanadana waan u sheegay oo ku idhi, idinka, masuuliyiinta Bari Sool, Bari Sanaag waynu ka wada fadhiisanaynaa oo mashaariic muuqdaa lagu qabanayaa.
Ogaal: Hadda xaddiga lacagtaas ee aad haysaan waa intee?
Cawil: Walaahi wax qarsoon maaha oo bil walba waa la ii soo diraa inta la qabtay muddadii la bilaabay ilaa hadda, waana wax qof kasta la tusi karo. Xildhibaanada waxaan ku idhi, intaad Wasaaradda u tagtaan waxaad tidhaahdaan ‘intee loo hayaa.?’
Ogaal: Waxa jirtay in guddi Madaxweyne Ku-xigeenku guddoomiye u yahay loo xilsaaray lacagtaas aafada Sool. Markaa, masuuliyada lacagtaa miyaanay iyagu lahayn, mise adigaa leh?
Cawil: Maya ee Annagu lacagta waanu u ururinaa uun. Bixinteeda haddii guddi u xilsaaran tahay, guddigaas uun baa maamulaya, laakiin mashaariic uun bay ku baxaysaa, wax dambe oo la lunsanayaana ma jirayso ee waa in Gobolladaas la soo gaadhsiiyo kuwa kale, biyaha, Cusbatalada iyo hadday noqoto wax kale oo loo dhisayo, waa inay ku baxdaa. Waayo, wax badan bay u baahan yihiin.
Ogaal: Markaa, hadday sidaas tahay, maxaa u bilaabi waydeen ee aad u haysataan lacagta?
Cawil: Waxaanu sugaynaa mashaariicdii oo guddigaas aad leedahay waa loo xilsaaray waa inay mashaariic soo qadimaan, waana inay mashaariicdaasi noqotaa kuwo deegaankoodii wata oo Badhasaabada iyo Maamulada deegaaamadaasi ka soo wada qaybgaleen, umaddana anfacaya. Waxa weeye, waxaanu rabnaaba, in lacagtani noqoto xaqiiqdii mid meel haboon iyo wax la taaban karo ku baxda. Runtiina lacagtii waa haynaa, markay guddigaasi hawshaa gelaysana lacagta waa wareejinaynaa. Xisaab gaar ah ayay ku jirtaa, wax qarsoona maahee hadaad maanta Baanka tagtaan ama Wasaaradda u timaadaan, Anigaa amarsiinayee waydiiya xaqiiqda.
Ogaal: Wasiir, adiga iyo Madaxweyne Rayaale waxa la idinku tilmaamaa laba qof ee ugu musuq-maasuqa badan Xukuumadda, hantida ugu badana ka lunsaday dalka. Isla markaana waxa la idinku eedeeyaa, adigu inaad guryo ka dhisatay Nairobi, Madaxweyne Rayaale-na uu ka dhistay Qaahira, Shaariqa iyo Jabuuti, ma isu aragtaan inaad sidaa tihiin?
Cawil: Waxba kama jiraan. Dalkan umaan iman inaan ka shaqayso ee waxaan u imid inaan u shaqeeyo. Been kuu sheegi maayee habeen walba waxaan ku ducaystaa Illaahow wax umaddaasi leedahay ha ii baahin, markii Wasaaradda lay dhiibayna waxaan ku idhi, ninka Shilin Cashuurtaa umadda masaakiinta ah aan ka soo ururinay lunsada ee Wasaaradda ah Daaqad baan ka tuurayaa, Anigana hadaad wax khalad ah igu aragtaan ii sheega. 79 Bilyan bay Miisaaniyaddu ahayd, halkana waxaan ku soo gaadhsiiyay, Annigoo adkeeyay wax alaala wixii la lunsan jiray. Markii hore lacagta Cashuurta dadka laga ururin jiray ee xeroon jirtay 20% bay ahayd, 80%-na waa la lunsan jiray. Laakiin, markaan Wasiirka noqday waan adkeeyay, wax kalena maan keenine meelihii ay wax ka baxayeen ee lacagta Cashuurta ahi ka lumaysay ayaan adkeeyay, waana taas Miisaaniyaddu maanta laba boqol oo Bilyan iyo dheeraad gaadhay. Nin dalka u daacad ah uun baa taas samayn kara. Sababtu waxa weeye, shaqsiyaad baad iska hor imanaysaan, dad waxan ku nool baad iska hor imanaysaan oo cadaawad badan baad korodhsanaysaa. Markaa, waxaan ku xisaabtamay hadaad umaddaa Cashuur u ururinayso cadaawad u diyaar garow. Waayo, dad baad Cashuur ka qaadaysaa, qaar baad ku adkaynaysaa, qaar baad talaabo ka qaadaysaa, qaar baad Macaashal-macaash ka qaadaysaa oo diidan oo rag waaweyn oo culus ah, markaa waxa ku soo wajahaya cadaawad badan, laakiin cadaawad aan u diyaar garoobay bay ahayd, taan ku galayna waxa weeye dalkaa wixii aad la qaban karto la qabo. Dalkana lexe-jeclo weyn baan ka qabaa oo Anigoo labaatan jir ah baan Inqilaab u sameeyay oo naftayda u huray……Nairobi mar aan joogay baa la igu yidhi, ‘waar beeshaa aad ka soo jeedaa waa taa Federaal qaadatay, adiguna waad ka soo horjeedaaye maxaa dhacay?. Waxaan idhi Anigu taariikhdii Inqilaabkaa (inqilaab fashilmay - 1961) ka been sheegi maayo. Tan la leeyahay waxbaa la qaatay, waan u naxaa dadka waxaa yidhaahda. Beenta waa laga xishoon jiray berigii hore, ninka weynina wuxuu is odhan jiray hadal kugu soo noqda ha odhanin. Dhaqankii sidaa ahaa waa laga tegay oo nin weyn oo aanu isku da’ nahay ama igaba weyni markuu yidhaahdo, Balaayiin Doolar baa la lunsaday, Miisaaniyadda dalkuna tahay 50-Miyan oo doolar, marka ninku been sidaas ah sheego ee aad arkayso inuu haddana inuu Masaajidka galo, tukado, dee waxaad u qaadanaysaa in aanu caadi ahayn.
Ogaal: Wasiir, waxaad sheegtay inaad xakamaysay lunsigii lacagta Cashuurta ee shaqaalaha Wasaaraddaada, laakiin lunsigu markii hore hadduu baahsanaa waxa la leeyahay hadda wuxuu ku kooban yahay adiga, Madaxweynaha iyo ashkaashta Madaxda ah. waayo, dantii guud ee umadda wax laga qabtay ma jirto, jidku wuu burbursan yahay, biyo lama hayo….Midda kale, ninka wax qoray qoraalkiisu wuxuu ku fadhiyaa xisaab, sidaa aawadeed, ma haysaa daliil cad oo beenin kara? Haddiise adigu shaqaalahaaga ku tidhi Daaqad baan idinka tuurayaa, adiga iyo Madaxweynaha waxa Daaqada idinka tuuri karaa ma waqtiga uun baa?
Cawil: Waxa weeye; horta qofku inuu ii yimaado marka uu wanaag rabo oo uu yidhaahdo Wasiirkii Maaliyadda ayaad tahay ee waxaan horta ku su’aalay bishii dalka waxa soo gala. Markaa, waxaan hordhigayaa Berbera wixii ka soo galay, Caynabo, Cashuuraha Beriga iyo guud ahaan Kastamada dalka. Waxa kale oo uu I waydiin karaa dakhligaa soo galay siduu u baxay?, taana waxaan qorayaa Mushaharka Ciidamada, shaqaalaha, goleyaasha dawladda…..Markaa, waxa loo baahanyahay inaynu marka hore ogaano dalkeenu in aanu Ictiraaf haysan, dhaqaale dibad la inaga siiyaa aanu jirin, waa taa maanta Soomaaliya laba boqol iyo konton miyan oo doolar ($ 250 Milyan) baa loo ururiyay, balse inaga cid Shilin inaga siinaysaa ma jirto, dalkeenu wuxuu ku socdaana waa Jaadka ina Afdiine iyo afarka Markab ee ina Oomaar iyo Indha-deero keenaan. Cashuuraha Beriga weli culays baa naga haysta, Telefoonada dakhligii aanu ka rabnay ka waynay oo Gate Way-gii (khadka Isku-xidhka isgaadhsiinta) telefoonada baxa iyo kuwa soo gala. Xawaaladdaha ma hayno waxa soo gala iyo waxa ka baxa, awood uma sheegan kartid oo ma odhan kartid intaa I siiya oo dawlad baad tahaye waa inaad xisaab ula tagtaa.
- Qofku haddaanu garawshiiyo lahayn waa dhibaato, waayo Illaahay uun baan khaldamin. Markaa, adigu shaqsiyan guryaha aad ka dhisatay Nairobi xageed ka keentay haddanay ahayn hantidii umadda?
- Dadku Xukuumad kasta naanays bay u bixiyaan, sidaa aawadeed Xukuumaddiina waxay dadku ugu yeedhaan Xukuumad aan runta aqoon (BEENALEY). Ma isu aragtaan inaad dalka sidaa ku hoggaaminaysaan?
- Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegi, in haddii uu guulaysto uu Maxkamad taagi doono adiga, Madaxweyne Rayaale iyo raga hantida umadda lunsadayba, maxaad ka odhanaysaa taas?
La soco caddadka dambe jawaabaha uu su’aalahaa iyo qaar kaleba ka bixiyay.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xaggaad Ka Keentay Guryaha Aad Ka Dhisatay Nairobi Haddaanad Hantida Umadda Dhicin? Waraysi Khaas Ah…Wasiirka Maaliyadda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback