Borama-(Lug)-Tan iyo markii muddo kordhinta sharciga dhaafsiisan u Golaha Guurtidu u ansixiyey xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday waxa dalka ka dhacay wax aan weli soo marin balse laga filayey xukuumadda Rayaale.
Dhinaca kale mawqifka xisbiyada mucaaradka gaar ahaanna xisbiga Kulmiye ka istaagay muddo kordhintaasi ayaa ah tallaabadii ugu horreysay ee markii ugu horreysay dawladda Rayaale lagu tusay awoodda shacbigu u leeyahay inuu ka hor yimaaddo go’aanada xaaraanta ah ee lagu duudsiyayo xuquuqdooda.
Sidoo kale tan iyo maalintii xisbiga kulmiye u dhawaaqay aqoonsi la’aanta xukuumadda Rayaale isla markaana xukuumaddu awooddeedii iskugu geysyay sidii kulmiye looga khasbi lahaa aqoonsiga dawladda ayaa waxa xukuumadda kasoo gaadhay dhibaato dhaqaale oo xoog leh isla markaana awood kastoo ay u isticmaashay isusoobaxyadii xisbigaasi aanay waxba kaa taransan inkastoo xitaa ciidamada dawladdu toogteen guddoomiyaha xisbigaasi Axmed Siilaanyo iyo hoggaankiisaba, Dadka indho indheeya siyaasadda soomaaliland ayaa sheegay in haddii ay bannanbaxyadaasi sii socon lahaayeen xukuumadda la gaadhsiin lahaa meel aanay kasoo noqon Karin.
Waxa maanta mar kale loo fadhiyaa waanwaan dalkana lagaga saarayo xiisadda siyaasadeed, loogana qabanqaabin lahaa doorashooyin madaxbannaan taasoo haddii la waayo ay Soomaaliland kaga bixi doonto saaxadda siyaasadeed iyo tan nabagdgelyo ee ay maanta ka taagan tahay geeska Afrika.
Waxa maalmahan la sheegeyaa in kooxo ka tirsan shacbiga oo ay qaaday xamaasad waddaninimo isku keeneen xisbiyada siyaasadda iyo Daahir Rayaale ,kuwaasoo dhammaantood ka wadahadlaya xallinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, isna xilqaamay markii ay eegan kari waayeen xaaladda dalka balse dhinaca kale markaad eegto shakhsiyaadkan is xilqaamay ma yihiin kuwa Rayaale jidka awood sheegashada ka leexin kara? Ma yihiin kuwa hore loogu yaqaannay eexasho la’aan? Ma yihiin kuwa lagu doortay, loogana dhigay guddiga anshaxa doorashooyinka? Ma la ogyahay inay yihiin kuwa aanay Rayaale hoosta iskaga daloolin? Ma la ogyahay inay ka kooban yihiin xubno ka duwan Golihii Guurtida ee dalkan ugu da’da weynaa, balse ugu dembiyada badnaa? Xubnahani ma yihiin kuwa ay ka muuqdaan qaybaha dadweynaha Soomaaliland? Ma yihiin kuwa dhaqaale ahaan isku filan oo aan Rayaale waxba uga baahnayn?.
Sifooyinkaasi iyo kuwa kale oo badani waxay kooxdan is xilqaantay ka dhigi karayaan kuwa la aamini karo mawqifkooda, balse sida la sheegeyo hadday caawinayaan guddiga doorashooyinka ee isaguba liita ama xisbiga UCID ku sifeeyey ku aan kalsooni lagu qabi karin maxay ka tari karaan ayaa la is odhan karaa waanwaanta la sheegeyo .Inkastoo ay ku jiraan culimo iyo waxgarad mudan ixtiraam balse saska laga qaaday Golaha Guurtida ayaa reer Soomaaliland ka aamin baxeen cid kastoo usoo bannanbaxda badbaadinta xukuumadda iyo badbaadinta xisbiyada mucaaradka ah, lana ogaaday in mar kasta ay odayaashaasi iyo culimadaasi raacaan waxa Rayaale doonayo.
Weligoodba reer Soomaaliland ayaa tan iyo intii ay xornimadooda dib ula soo noqdeen u tababartay cabsida, qaxoooti nacaybka, nabadgelyo darada iyo waxyaalo kale oo geyeysiiyey inay ku hoos noolaadaan talis aan waxba ka duwanayn kii siyaad Barre, sidaa darteedna axsaabta mucaaradka ah u duleeya xukuumadda, lana oggolaysiiyo inay ka tanaasulaan wax kastoo tacaddi ah oo lagu hayo iyagoo dhinaca kalena xukuumadda ku raalligelinaya inay mucaaradka u afduubeen oggolaysiiyeenna dalabaadkii xukuumadda .
Maanta oo reer Soomaaliland aanay ahayn reer soomaalilandkii 2003dii isla markaana axsaabtu aanay ahayn kuwii 2003dii ayaa waxa keli ah ee xukuumadda Rayaale la timid yahay’ gefka ii sharciyeeya”,haddiise qalalaasaha siyaasadeed ee ay dalka ka dhalisay iyo wakhtigeeda dhammaaday xisbiga Kulmiye ka leexiyaan mawqifkiisii waxa hubaal in qayb ka mid ah shacbiga haatanna taageera xisbigaasi ku dabafayli doonaan xisbiga dawladda .Dhawr jeer oo hore ayaa kulmiye iyo UCID ka tanaasuleen waxay xaq u lahaayeen, isla markaana qaateen wax aan iyaga taageerayaashooda iyo dalkaba haadaan kasii tuuray, haddii ay duruustii loo dhigay shalay maanta korka ka xafdisanaan waayaan ha ogaadaan inay khaatumaysan doonaan, iska dhaaf doorasho iyo tartan ay galaane xorriyaddooda loogu iman doono .
Warkii ugu horreeyey ee kasoo baxa guddiga dhexdhexxadinta ayaa laga dheehan karaa inuusan lahayn ajenda ku salaysan waxa laga hadlayo, una eg uun wadahadallo la dhoobdhoobayo maadaama waxa laga hadlayo aan miiska lasoo saarin. Ma muddo kordhintaa, Ma doorashooyinka wakhtigoodaa, Ma mawqifka kulmiyaa.
Waxaan talo usoo jeedinayaa cidda maanta isku xilqaantay waanwaantan siyaasadeed in haddii ay Rayaale iyo xukuumaddisa ku khasbi waayaan doorashooyin hore loosoo dhigo iyo joojinta adeegsiga ciidamada ay ka daba tegi doonaan Golihii Guurtida ee waayada qaarkood dalkan ka saari jiray muranka siyaasadeed, balse maanta sheegashadiisa laga xishoonayo maadaama ay ku caan baxeen odayaal aakhiradoodii ku iibsaday shilimaad Rayaale ugu abaalsheegtay markii uu u kordhiyey.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dhexdhexaadiyayaasha Xisbiyada Mucaarad-ka Iyo Dawladdu, Xukuumadda Maku Khasbi Doonaan Tanaasul Mise X/Mucaaradkaa La Marin Doonaa Jidkii La Marin Jiray "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback