Hargyesa-(Lug)-Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa manta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Md. Xasan Cumar Hoori, oo buuxiyay xubinimadii Komishanka Doorashooyinka
ee uu baneeyay alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Cumar(Xasan Looshade), oo laba bilood ka hor ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Md. Xasan Cumar Hoori oo ay soo xuleen Golaha Guurtida ayaa manta waxa Golaha Wakiilada u soo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Fadhigii Aqalka Wakiilada ee maanta oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi{Cirro}, isla markaana ay madasha ka soo xaadireen 58 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay ayaa cod u qaaday.
57 Mudane ayaa cod gacan-taag ah ku ogolaaday xubinimada Komishanka Doorashooyinka ee Md. Xasan Cumar Hoori, cid diiday iyo cad ka aamustay midna ma jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn.
Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Siciid Cilmi Rooble, oo ansixinta Xasan Cumar Hoori ka hor golaha warbixin ka jeediyay ayaa sheegay baadhis ay ku sameeyeen CV-gii xubintan ay ku xaqiijiyeen in uu buuxiyay shuruudihii laga doonayay xubinta gelaysa Guddida doorashooyinka Qaranka, waxaanu Xildhibaanada ka dalbaday in ay meel mariyaan.
Sidoo kale, waxa fadhigan laga akhriyay digreetadii uu Madaxweyne Rayaale ugu soo gudbiyay Golaha Wakiilada iyo taariikh nololeedkii Md. Xasan Cumar Hoori.
Dhinaca Kale, xubintan cusub ee Komishanka ayaa markii la ansixiyay ka dib saxaafadu waydiisay dareenkiisa waxaanu sheegay in ay fuushay oo uu dusha ku qaaday masuuliyad culus oo dalku leeyahay, waxaanu u mahad celiyay Golaha Wakiilada ee kalsoonida weyn siiyay.
Waxaanu intaasi ku daray in aanu wixii aqoontiisa ah waxba ka hagran doonin dalkiisa.
Ramaasnews



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Golaha Wakiilada S/land Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Xubinta Cusub Ee Komishinka Doorashooyinka + Sawiro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback