Boorama-(Lug)-Ciidamada booliiska ee magaalada Borama ayaa caawa fuliyay howlgal ay ku soo qaqabanayaan dhalinyaro tiro badan oo habeennimadii xalay ahayd dagaalo ay dhex mareen, howlgalkan caawa ayaa waxa ay dad goobjoog ahi sheegayaan inay booliisku ku soo xidhxidheen dhalinyaro aad faro badan.
Howlgalkan caawa oo ay booliisku ka fuliyeen xaafada Sisibta, Saybeeriya iyo Sheekh Cali, ilaa iyo hada lama xaqiijin karo inta ay dhan yihiin dhalinyaradan ilaa iyo caawa la xidhxidhay umana suurtoobin Wariyeyaasha shabakada wararke ee Lughayanews inay la xidhiidhaan ciidamada Booliiska, Waxa loo malaynayaa howlgankan caawa inuu daba socday howlgal habeenkii xalay ahayd aan sidii la rabay u dhicin, ka dib markii ciidamada booliisku ay iska caabin kala kulmeen dhalinyaro xaafadeedyada dagaalku dhex maray.
Dhanka kale waxa wali socda dagaalo dhex maraya kooxo dhalinyaro ah oo kala degan xaafada Saybeeriya iyo Sisibta oo isku dhinac ah iyo dhalinyarada Xaafada sheekh Cali Jawhar waxana dhalinyaro xog ogaal ahi ay sheegayaan inay xurguftii ugu horeysay ee dagaal kooxeedyadan dhalisay ay ka bilaaban tahay dhalinyaro wada dhigata dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar, ilaa iyo hadana dhalinyarada ku howlan dagaaladan oo boqolaal gaadhay ayaa waxa ay da’adoodu u dhaxaysaa 15jir ilaa 18jir, si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay ee muddo dhowrsano ah ay dagaalkooxeedyada dhex maraya dhalinyarada magaalada Borama uu dib u soo cusboonaado iyadoo ay wali dadku sii xasuusan yihiin in dhalinyaro badan ay ku mutaysteen Xabsi dheer dagaaladaasi hore.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Booliiska Borama Oo Caawa Xidh Xidhay Dhalinyaro Farobadan Iyo Dagaal Kooxeedyo Dib Uga Bilaabmay Magaaladaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback