maamulaha-ayoda.jpgBorama-(Lug)-Munaasibad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee waxbarashada  ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boorama. Munaasibaddan oo ay kasoo qaybgaleen badhasaab kuxigeenka G/Awdal Cabdi Nuur Sugaal , xildhibeenada G/degaanka Boorama qaarkood, kuxigeenka maamulka waxbarashada G/Awdal Cabdi Saleemaan iyo martisharaf kale  ayaa waxa qabanqaabada xuska maalintaasi iska kaashaday wasaaradda waxbarashada, Hay’adaha caawiya iyo ururka waddaniga ah ee AYODA.

maamulaha-ayoda.jpg

Guddoomiye kuxigeenka G/Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo munaasibaddan ka hadlay ayaa bulshoweynta reer Soomaaliland gaar ahaanna reer Awdal xusuusiyey muhiimadda waxbarashu u leedahay guud ahaanba dadka yar iyo weyn sidaa darteedna  loo baahanyahaya in  inta aan waxbarani fursaddaan caalamiga ah uga faa’iideystaan waxbarashada si loo gaadho horumar.

badhasaba-ku-xigeen.jpg

Kuxigeenka  maamulka wasaaradda waxbarashada ee G/Awdal Cabdi Saleemaan oo isna halkaasi  ka hadlay  ayaa guud ahaan munaasabaddan ka sheegey dedaalka wasaaradda waxbarashada ee gobolka Awdal ugu jirto  kor uqaadidda  waxbarashada ,isagoo sheegay in ku dhawaad boqol dugsi oo ka kooban waxbarashada tooska iyo tan  dadbanba ay wax ku bartaan ku dhawaad 35,000    oo arday isla markaana wasaaraddu  toddobaadkan oo dhanba ay wadday  olole lagu wacyigelinayo waxbarashada.

idiris-faarax.jpg

Kusimaha agaasimaha AYODA  Hodan Jaamac oo iyaduna miunaasibadda ka hadashay ayaa waxay guud ahaan ka warrantay dedaalka ururkaa waddaniga ahi ugu jiro  waxbariddda dadka danyarta ah  iyo kuwa kaleba iyadoo xustay in ururkeedu uu xarumaha waxbarashada farsamada ee AYODA wax ku bartay gaadhayaan ku dhawaad 120 Arday, kuwaasoo dhammaystay waxbarashada xirfadaha kala duwan sida Nijaaradda , Dhismaha , iyo Laydhtiriigga.

Sidoo kale ayaa kusimaha agaasimaha Ayoda xustay tirada ardayda ku jirtaghaatan qaybaha waxbarashada xirfadaha ee ururkaasi dhawaanna ay kasoo bixi doonaan dufcado kale oo wata xirfado kala duwan. munaasabaddan ayaa iyaguna wax maanta ka hadla  masuulka xafiiska SCD ee taakuleysa waxabarashada Axmed Cige Riiraash isagoo masuulkaasi sheegay sida hay’adda SCD  uga qayb qaadato horumarinta waxbarashada gobolka, dhawaanna ay hirgelisay dugsiyo loogu  talo galay in wax lagu baro danyarta .

Munaasabaddan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay masuuliyiin, Salaadiin iyo waxgarad kale kuwaasoo dhammaantood ka hadlay qiimaha waxbarashadu u leedahay .

Warbixin ku saabsan sidii loosoo abaabulay xafladdan iyo cidda ka qayb qaadatayba waxa ka hadlay  Idiris Faarax Muuse kana mid ah hawlwadeenna ururka AYODA ee Boorama.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama